WAANADII LUQMAAN

  

 

(Rasuulyahow Ummadda uga sheekee” markuu Luqmaan wiilkiisii isagoo waaninaya ku yiri: Wiilkayoow Alle waxba hala caabbudin, Alloo wax lala caabbudaa waa dembi aad u weyn eh. Aadanaha waxaan farnay labadiisa waalid inuu u sama-falo, hooyadiis waxay ku qaadday tabardarri “kolkay uurka ku sidday” tabardarri lagu daray “kolkay dhashay keddib”, naas-ka-goyntiisuna laba sano gudohood bay noqotaa ee igu mahadi aniga “Alle ah” iyo labadaada waalid, xaggaygaana loosoo noqonayaa. Haddayse culays kugu saaraan wax kaloo aadan garanayn inaad ila caabbuddid haka yeelin, adduunkase wanaag kula soco, waxadna raacdaa waddadii kuwii aniga ii tawbad keenay “ay raaceen”, dabadeed xaggaygaad usoo noqon doontaan, markaas baan idiinka warrami doonaa waxaad fali jirteen“intaad dunida joogteen”. Wiilkayoow wax kasta iniinba hala ekaadeene “xagga yaraanta” hadday dhagax dhex galaan ama samooyinka ama dhulka Alle wuu soo saarayaa, Allena waa mid turid badan, wax walbana ka warqaba. Wiilkayoow salaadda toosi, wanaaggana “dadka” far, xumahana ka reeb, wixii kugu dhacana u dulqaado, kuwaasi waxay kamid yihiin go'aannada adadag "Alle xaggiis ka yimid qof kastana laga doonayo". Dhabankaaga dadka ha u duwin “ha iska weynayn” dhulkana kibir ha kula dhex socon, Alle ma jecla qof kastoo is jejebin iyo faan badan eh. Si dhexdhexaad ah u soco “caga jiid iyo mayac how socon fudayd iyo waallina how socon”, codkaagana gaabi, codadka waxa ugu xun Dameerka codkiisa eh) (Luqmaan.: 13-19).

 

Sabriye Maollin Musse
sabkaxaaji@yahoo.com

Minnesota-United States

 

Bogga Hore

 

 

 

 

YourCompanyName © 2003 • Privacy Policy • Terms Of Use

MOQOKORI ONLINE