FANKA DAD LA DHAQANKA

 

GOGOLXAAR

Qofka bina Aadmiga ahi ma aha Aalad ee waxa weeye Insaan ka kooban: Naf, Jir, Caqli iyo Dareen, qaybahaas oo mid waliba ay u baahan tahay in si gaar ah loo baahi tiro.

Dadka qaar baa gef sameeya kolkay la dhaqmayaan Insaanka, iyagoo ula dhaqma hab ku dhisan Fikrad qura ama Caqli qura, ahmiyadna aan siin Dareenka qofka ay la dhaqmayaan.

Dadka Warshadaha leh qaar baa la dhaqma Jirka shaqaalohooda oo qura, iyagoo ku xisaabtamaya: Imisuu soo saaraa iyo imisa saac ayuu shaqeeyaa?, sidaasna ku illooba dhankii Caqliga iyo dhankii Dareenka qofka u shaqaynaya.

Hadalka qofka lala hadlayo jawaabta uu bixiyaa hadba waxa ay ku xiran tahay hadalkaasi waxa uu yahay iyo sida loo yiri.

Saddex nin baa ku wada oranaya: "Mahadsanid", ha yeeshee mid baa eraygu qalbigiisa ka soo go'ayaa oo aad durbaba dareemaysaa inuu dhab ka yahay. Mid kale wuxuu kuu oranayaa hab "Jeesjees" ah, halka kan saddexaad erayga u oranayo hab aad ka garan kartid inuu "Aar goosad" kuugu maqan yahay.

Nin baa kula hadlaya isagoo ku eegaya kuna ixtiraamaya, midna warqad hortaal isagoo akhrinaya amaba gidaarka eegaya. Kan dambe falkiisaas waxaad ka dhadhansan kartaa inaanu wax dan iyo xaajo ah kaa lahayn.

Dareenka caynkaas ah ee dadka lagu kala sooco - kan dhabta kuula hadlaya iyo kan ku dhayalsanaya - waa la bartaa ee lalama dhasho.

ULAJEEDDOOYINKA DAD LA DHAQANKA

Dadku kolka ay wanaag kula dhaqmayaan dadka kale, danaha ay ka leeyihiin way kala duwan yihiin. Nin baa weji furan, waqtiga iyo ballamaha ilaaliya, runtana sheega. Ha yeeshee danta uu waxaas oo dhan ka leeyahay waxa weeye maslaxad gaar ah sida; Isaga oo ka baqaya in la ciqaabo amaba ku doonaya in la dallacsiiyo oo darajada loo kordhiyo. Qofkaas isaga ah ee dad la dhaqanka been abuurka ah dadka ku siraya, waxaad dhab ahaantiisa garan kartaa kolka masalan, magaalo dagaal ka dhaco oo bililiqo billaabato, Boolis iyo cid wax badbaadisana la waayo, dhankiisa ayuu bililiqada ka galaa, xoolaha xaaraanta ahna ka boobaa.

Ha yeeshee qofka ay Muslinnimadu dhab ka tahay kolka uu intaynu soo sheegnay ee wanaag ah samaynayo waxa uu u samaynayaa hor Alle iyo inuu dadka khayr ugu horseedo. Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa laga weriyey Xaddiis micnihiisu yahay: (Dad waxa ugu Khayr badan ka ugu Edeb badan). Qofka caynkaas ahi waxa uu raadinayaa Ajar iyo Xasanaad uu Eebbe siiyo, mooyee kama aha dad istus iyo maslaxad raadin.

Farqiga kale ee labadaas nin u dhexeeyaa waxa weeye: Kan hore hadduu tabihii iyo xeeladihii uu isticmaalayey waxba ku keeni waayo, cayaarta ayuu beddelaa oo dhanka kale kasoo galaa, mana ka daalo in dantiisa siduu ku gaari lahaa uu doondoono, waxana uu marmarsiino ka dhigtaa maahmaahda oranaysa: (Muraadkaaga Masalle Eey baa loogu seexdaa). Qofka Alle ka baqayaa isagu kama laabto wanaag samayntee wuu ku socdaa ama dadku raalli haka noqdeen ama yaanay ka noqon, xiriirku hasoo wanaagsanaado ama yaanu soo wanaagsanaan, saaxiibbo ha lala noqdo ama yaan lala noqon eh. Ajarku Eebbe u qorayaana waa sidiisii si kastooy natiijada wanaag samayntiisu dadka ugu dhadhanto. Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) waxaa laga weriyey Xadiis micnihiisu yahay: (Mu'minku waa kan Dadka barta iyana ay bartaan, Khayr ma laha Qofkaan Dadka baran isna ayan baran, Dadkana waxa ugu Khayr badan ka Dadka ugu anfici og).

Diinteenna Islaamku waxay ina faraysaa inaan si xikmad leh dadka ula dhaqanno. Eebbe waxa uu Aayaddiisa ku leeyahay:

 (Dadka ugu yeer jidka Rabbigaa si xikmad iyo wacdi wanaagsani ku jiraan) (An-Naxal: 125). Haddaba wacdi wanaagsan garannaye, xikmadduna maxay ahayd?. Xikmaddu waxa weeye habka qofku dadka uu ugu soo bandhigayo waxa uu doonayo inuu u sheego. Alle waxa uu Rasuulkiisa ku tilmaamay inuu yahay mid jilicsan (Baarri ah) oo hadalkiisu qabow yahay, haddaanu sidaas ahaan lahaynna dadkuba ay ka kala dareeri lahaayeen:

 (Naxariista Eebbe daraadeed ayaad iyaga ugu jilicday haddaadse tahaymid qallafsan oo qalbi ku adayg badan way kaa kala dareeri lahaayeen, ee iska cafi una dembi dhaaf weydii kalana tasho arrinka) (Ali-Cimraan: 159).

Haddaba dad la dhaqanka wanaagsan waxaa ka mid ah in qofkii gef kugu sameeya aad iska cafisid  (Adigoo ka aar goosan kara) una dembi dhaaftid, welibana aadan intaas ku ekaane dhex gashid oo la dhaqantid lana tashatid, Ra'yigooda inay dhiibtaanna ku dhiirri gelisid, welibana waxay kugula taliyaan qaddarisid haddaanay xitaa kugu socon oo go'aankaagu meel kuu yaal. Sidaasi buu markaas qofkii difaac kuugu jiray (Maadaama uu ogyahay inuu kuu gefay) kaga baxayaa oo kuugu qalbi furmayaa.

Waxaan shaki ku jirin in dad la dhaqan wanaagga iska yeelyeelka ah ee dantu daba socotaa ay dabaysha raacdo isla marka dantii la lahaa la gaaro. Tusaale ahaan, Janaraalka Ciidamada haysta ciidankiisu way ka ag dhowaadaan, u seexseexdaan, Ciidaha soo booqdaan, waqtiyada farxadaha u tahniyadeeyaan, waqtiyada murugadana u tacsiyeeyaan. Ha yeeshee kolku Jananku howlgab noqdo dib uma eegaan haddaanayba caay iyo cambaarayn ugu darin. Haddaba xiriirkaasi hadduu ahaan lahaa mid niyad wanaag iyo laab furnaan dhab ah ku dhisan wuu socon lahaa oo marnaba iskuma dhimeen duruufo dhacay awgood.

Dad la dhaqan wanaagga aynu ka hadlaynaa ma aha sida; Waalidka oo baarri loo noqdo, Qaraabada oo la xiriiriyo, iwm. Maxaa yeelay kuwaasi qof kasta oo Muslin ah waajib bay ku yihiin, balse waxaynu ka hadlaynaa dhaqanka wanaagsan ee dadka isku soo dhoweeya, waana wax kasta oo qofka sameeya Ajar Eebbe ka siiyo, ka aan samaynna u ciqaabin, samayntoodana uu wanaagga iyo khayrka ummaddu ku jiro.


DADKU WAXAY NECEBYIHIIN IYO WAXAY JECELYIHIIN

Waxaa jira waxyaabo shucuubta caalamku ay ka midaysan yihiin ooy ama isku si u jecelyihiin amaba isku si u necebyihiin. Waxyaabaha caynkaas ah qof walbow waa in aad barataa. Waxaa laga yaabaa inay sanado kugu qaadato sidii aad dabeecad qallooca iyo dhaqan xumida isaga reebi lahayd, una kasban lahayd dabeecad iyo dhaqan wanaagsan oo uu dadku kugu jeclaado, Rabbina kaa Ajar siiyo. Wanaagga aynu ka hadlayno dhaqan gelintiisu waxay ku salaysan tahay hadba qofka aad la dhaqmaysid.

Kolka aad la dhaqmaysid qof sidaada oo kale wanaagsan, durbaba waad dareemaysaa natiijada dhaqan wanaaggaaga, halka qofka xun wanaag kula dhaqankiisu uu ka dhigan yahay sida Eebbe tilmaamay:  

 (Waxa uu ka dhigan yahay Eeyga oo kale, haddaad eridana carrabkuu laalaadinayaa haddaad iska deysana  (Laba gooraba) carrabkuu laalaadinayaa) (Al-Acraaf: 176). Micnuhu waxaa weeye Dhagax tugumbee ama taabo waxba uma kala duwana, waxaana laga yaabaa inay dhibaato kaaga timaado asxaankaasi cid aan mudnayn aad u samaysay.

Kolkaad xaaska aad qabtid la dhaqmaysid, qaab dhaqankaagu wuu ka duwanyahay kolka aad la dhaqmaysid ninka madaxa kaaga ah shaqada. Waxa kale ooy ku xiran tahay hadba caqliga iyo garaadka qofka aad la dhaqmaysid.

Qofka garaadka iyo garashada wanaagsan la dhaqankiisu ka duwan qof aqoon yar oo aragti gaaban. Kan dambe waxaa loola hadlaa hab u dhigma garaadkiisa una qalma aqoontiisa iyo wax fahamkiisa. Haddaad dad meel jooga kala hadashid umuur aanay fahmi karin, dhibaato uun baa adigiyo intii ku dhegeysatay idinka soo gaaraysa, maxaa yeelay mar haddaanay arrinku siduu ahaa u fahmin, waxay markaasi u kala jebayaan qayb khalad fahantay iyo qayb iyagu kaba dhacsan halkay dulucda sheekadu ku socoto, sidaas buuna wadajirkii ummaddu ku qaybsamayaa.


DADKU WAXAY NECEBYIHIIN

1-        Dadku waxay necebyihiin in meel la wada buuxo lagu waaniyo. Dadka oo dhami way necebyihiin in ceebohooda dadka kale lagu hor sheego, hase yeeshee haddii qofka inta dhinac loola baxo meel gooni ah lagu waaniyo waxay u dhowdahay inuu gartiisa qaato oo waanada yeelo. Waxaaba laga yaabaa in ruuxaasi kugu jeclaado ficil khayrka aad u samaysay. Haddaad qof dad hortood ku waanisid xumaantiisana ku tustid, ha caroon hadduu qofkaasi waanadaada qaadan waayo, xitaa hadday ula muuqato in hadalkaagu sax yahay. Tan kale, ha ka filin in qofku waanadaada isla markaas ku dhaqmo ama dabeecaddiisa isla goobtaas ku beddelo.

Dad oo dhami ma jecla in wax loogu sheego hab amar ah sida adiga oo yiraahda: Sidaas yeel, sidaas ha yeelin, iwm. Waa laga yaabaa inuu amarkaagaas qaato, haddaadse qaab kaas ka duwan u gaarsiin lahayd waxaad doonaysid wuu kasii aqbali ogaan lahaa. Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) amarradiisu in kastooy toos ahaayeen, haddana qaabka aan tooska ahaynna wuu isticmaali jiray. Xadiith uu Axmed weriyey buu micnihiisu ahaa: (Qolo Mudar la yiraahdo oo wada tabaalaysan baa timid, markaas buu intuu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam)xaalkooda la murugooday, istaagay, dadkiina u khudbeeyey, dabadeedna yiri: "Nin baa sadaqaystay Diinaarkiisa, Dirhamkiisa, Maradiisa (iyo/ama) Madaalkiisa Timirta ah”). Nin baa sadaqaystay waa Fal tegey, mana oran sadaqaysta. Dadkii baa markaas sadaqo bixin billaabay, ilaa ay goobtii wada mood iyo nool noqotay.

Haddaba qaabka hadalka loo oranayaa wuxuu leeyahay doorkiisa. Tusaale ahaan, hadduu ninka madaxda ahi yiraahdo: (Waxay aniga iila muuqataa in "A" ay ka wacan tahay "B") ayay shaqaaluhu ka aqbali ogyihiin hadduu yiraado: ("A" baa "B" ka wanaagsane sameeya).

Tusaale labaad, Macallinka Fasalku hadduu doono inuu Miiska uu buugaagta saarto intuu meel ka qaado meel kale dhigo, farqi weyn baa u dhexeeya kolka uu ardada ku yiraahdo: (Maxay idinla tahay haddaynu intaynu Miiskan halkaan ka qaadno halkaas dhigno) iyo inuu yiraahdo: (Qaada Miiskaan ee halkaas dhiga). Waxan u malaynayaa inaad ila garateen in qaabka weydiisasho uu ka habboon yahay qaabka amarka ah, walow ay labaduba isku natiijo keenayaan. Waxa iyana loo baahan yahay in aad isku daydid inaad qofka jecleysiisid waxa aad doonaysid inaad ku amartid. Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) mar uu doonayey inuu ciidan diro dagaalka taga waxa uu yiri: (Calanka waxan berrito u dhiibi doonaa nin Eebbe iyo Rasuulkiisu jecelyihiin). Dadkii qof waliba markaas wuxu jeclaaday inu asaga noqdo ninka berrito calanka qaadayaa. Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) asagoo amar siinayana saxaabigii weynaa Abuu Dar Al-Qaffaari (RC) waxa uu ku yiri: (Waxaan kula jeclahay waxa aan naftayda la jeclahay, ee laba (Qof) Madax ha u noqon). Ulajeeddada Xadiithku waxa weeye Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) oo Saxaabiga qaab waano ah ugu amrayey inuu madaxnimo  iyo xukun ka fogaado, xitaa hadday dadka uu madax u noqonayaa laba qof uun yihiin. Ha yeeshee waxa weeye qaab amar qofkii la siiyaa jeclaanayo.

Sidoo kale, ninka xaaskiisa ka doonaya inay Marti u imaanaysa Raashin u kariso, farqi weyn baa u dhexeeya inuu amar toos ah ku siiyo: (Raashinka caynkaas ah inoo kari), kolka ay keentana dhanka xun uun isha la raaca, sida isaga oo yiraaha: (Faraxalka maxaad usoo hormarin weyday, aaway Mooskii, maxaa…..,), iyo inuu xaaskiisa hore ula sii dardaarmo isagoo ku leh: (Marti baa inoo imaanaysee waxaan rabnaa inaad maanta Madaxeenna kor ka dhigtid, hana illoobin inay Cuntadu kamid tahay waxyaabaha ugu waaweyn ee Reerka lagu qiimeeyo). Islaantu kolkaas waxay is dareensiisaa inay gelayso Imtixaan Naagnimadeeda lagu qiimaynayo, sidaas bayna guntiga dhiisha iskaga dhigtaa, wax walibana sidii laga rabay u diyaarisaa.

Tusaale kale, Macallinka fasalku kolka uu doonayo inuu ardada ku amro inay lebbiskooda qurxiyaan, dhar nadiif ah oo kaawiyadaysanna soo xirtaan, ardayga ugu lebbiska qurxoon intuu istaajiyo hadduu ku yiraahdo: (Caliyow waxad tahay Arday fariid ah, lebbis qurxoon, astaahilana in Ardayda fasalka oo dhami ay ku daydaan. Waad dadaashay dhibco ayaanan kugu siin doonaa dadalkaaga adiga iyo weliba inta kugu dayata, waxaanan rajaynayaa inaad halkaaga ka waddid oodan ka daalin ilaa iyo inta Sanad dugsiyeedku uu ka dhammaanayo). Tallaabadaasi waxay markaas Ardayda kale ku dhiirri gelinaysaa inay Cali ku daydaan say u kasbadaan ammaanta macallinka iyo dhibcaha la bixinayo intaba. Haddiise uu ardada lebbiska xun caay iyo cambaarayn ugu dhaqaaqo iyo mararka qaar ciqaab, waxaa laga yaabaa inay qaark lebbiskooda wax ka qabtaan, kamase aha niyad iyo dadaal ee waxay markaas ka tahay ishaa falatayn iyo Ul-ka-Cabsi.

2-        Dadku waxay necebyihiin qofka ceebohooda uun ka shaqeeya wanaaggoodana dafira ama is diidsiiya. Qof waliba waxa uu ku xunyahay waxyaabo sida uu ugu wanaagsanyahay waxyaabo kale, manaba jiro qof Ceeb-ka-Saliim ahi Caalamka oo dhan. Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) isagoo ummaddiisa ku boorrinaya in aanay dumarkooda ceebohooda daba raacraacin waxa uu Xadiis ku yiri: (Mu'min yaanu Mu'minad maraanmarin "Ceebeheeda qodqodin" hadduu dhaqan ku naco mid kaluu ku jeclaadaaye). Ma jirto Naag aan ceeb lahayn, ma jiro saaxiib aan ceeb lahayn, mana jiro Madax iyo mid loo taliyaba qof aan Ceeb lahayni.

Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) oo saxaabadiisa kula dardaarmaya inaanay illoobin abaalkii ay u galeen nimankii Ansaarta ahaa ee  Madiina ku soo dhoweeyay, waxa uu Xadiith uu Bukhaari soo saaray ku yiri: (Waxaan idinkaga dardaarmayaa Ansaar, aad bay iigu dhowyihiin, intii lagu lahaa way guteen, intay lahaayeen baase hadhay. Kooda wanaag sameeya wanaajiya, koodii gefana gefkiisa ka gudba). Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu ina barayaa in qofkii wanaag sameeya aan la illoobin ee la sheego, maalintii la awoodana loo abaalgudo, hadduu xumaan sameeyana wanaaggii uu hormarsaday dartiis lagu daayo.

3-        Dadku ma jecla qofka dembigii laga galay aan duugin. Soomaalidu waxay tiraahdaa: (Xasuustaa ma xariiriyo). Tusaale ahaan ruuxa reerkuu ka dhashay uu maalin xumeeyay, haddaanu iska illoobin mar waliba ooy kasoo hor baxaanna xusuusto xanuunkii loo gaystay asaga iyo reerkaasi abid isku soo dhowaan maayaan. Dadku ma jecla qofka xumaantii loo geystay mar walba xusuusta, kuu cafiyayna had iyo goor u gallad sheegta. Ilaah waxa uu Aayaddiisa Qur'aanka ah ku ammaanay kuwa dadka cafiya, Rasuulkuna (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu Xadiith saxiix ah ku yiri: (Qofkii Muslin u Ceeb qariya Ilaah baa adduun iyo aakhiraba u Ceeb qariya).

4-        Dadku waxay necebyihiin qofka iska sarraysiiya.  Dadku ma jecla qofka yasa iskana sare mariya wax kasta oo uu qofkaasi yahay, xitaa hadduu Maskaxdiisa, Maalkiisa amaba Muruqiisa heer ku gaaray. Nin la oran jiray Haaruun Al-Jamaal waxa uu yiri: (Waxa goor habeen saq dhexe ah aqalkayga iisoo garaacay Imaam Axmed ibnu Xambal. Markaas baan iri: Waa kuma?. Wuxuu iigu jawaabay: Waa Axmed - ma uusan oran waa Imaam Axmed - dabadeedna waan usoo baxay. Markuu i salaamay anna aan ka qaaday baan weydiiyay haddii ay jiraan wax aan u qaban karo. Markaas buu yiri: Maanta oo dhan feker baad igu dhalisay. Markaas baan iri: Maxaa dhacay?. Waxaan maanta ku arkay adiga oo fadhiya meel hoos ah dad cadceedda taagan, buugaag iyo qalmaan gacmaha ku haystana u warramaya, ee mar dambe sidaas ha yeelin. Haddaad fariisanaysid dadka la fariiso). Haddaba u fiirso sida la’isu waaniyo, xusuusnowna qofka sheekada sheegay inaanu ahayn Imaam Axmed ee uu ahaa ninkii la waaniyay. Haddaba waxaa loo baahan yahay in qofka la waaniyo waano aanay yasid iyo canaan kululi ku jirin, una eg ta Dhakhtarka Caafimaadku bukaankiisa waaniyo ooy naxariis iyo u turisi ku dheehan yihiin.

5-        Dadku ma jecla qofka Canaanta kula degdega.  Qofkay canaantu kasoo horreyso, isagoon u fiirsan, wax hubsan, qofka kalena aan weydiin inuu sharxo sababta uu u sameeyay waxa uu sameeyay. Waxaa laga yaabaa kolkuu sharraxaaddaas dhegeysto inay usoo baxaan sababo qofkaas khasab kaga dhigay inuu sidaas wax yeelo, waddo kalena markaas aanay u furrayn, amaba laga yaabo inay dan guud aan markaas isaga u muuqani ku jirtay in sidaas wax la yeelo.

6-        Dadku ma jecla qofka Gefkiisa kolkuu garto aan garowsan ee kusii gar adayga. Dadka qaar baa u qaba in gefka oo la qirtaa qofnimadooda wax u dhimayso, ku socodkiisuna geesinnimo ku dhalinayso. Dadoow geesinnimo tan ugu darani waxa weeye inaad gefkaaga qiratid qofkaad ka gashayna gacan qaaddid. Dadka qaar baa gefka ay galeen kolkay ogaadaan inuu gardarro ahaa, aan durbaba ka noqone daldaloollo u baar baara, maalintaas oo dhanna hadal heyntiisa dadka ku daaliya, taasina waxa weeye khalad, ceebna ma aha inaad waan gefay ama waxaas ma aqaan tiraahdid.

7-        Dadku waxay necebyihiin ruuxa is ammaana. Ruux baa jira wixii wanaag ah naftiisa ku sheega wixii xumaan dhacana dadka kale u nisbeeya. Madaxa dhabta ahi waa kan baara sababta dhibaatada keentay ee ma aha kan guulihii dhasha  anaa dhaliyay yiraahda. Qofka madaxda ah waxa looga baahan yahay inuu dadka la shaqeeya dareensiiyo inay guusha wax ka soo hooyeen, si ay xamaasad uga kororsadaan shaqadana u labanlaabaan.

DADKU WAXAY JECELYIHIIN

1-        Dadku waxay jecelyihiin qofka duruufohooda daneeya. Qofka kolkay hadlayaan arrinka ay ka hadlayaan ahmiyad siiya, kalana xaajooda. Qof waliba wuxu jecelyahay qofkii hadiyad u keena hadday doonto ha qiimi yaraato eh . Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu Xadiith saxiix ah ku yiri: (Eebbe waxa uu Dadka ugu jecelyahay ka Dadka ugu anfici og. Hawl la qabtana wuxuu ugu jecelyahay Qof Muslin ah ood ka farxisid, ama murugo haysay ka qaaddid, ama deyn lagu lahaa ka guddid, ama gaajo haysay ka goysid. Walaalkay "Qofka Muslinka ah" oon dan uu leeyahay u raaco baanan ka jeclahay inaan Masjidka (Masjidka Madiina) muddo Bil ah Cibaado ugu fadhiyo. Qofkii Xanaaq iska daaya Cawradiisuu Alle daboolaa. Qofkii Caradiisa qariya isagoo cad goosan kara, Dharaarta Qiyaamaha Rabbi Qalbigiisa Rajuu ka buuxiyaa. Qofkii walaalkiis dan uu leeyahay u raaca ilaa uu uga sugo, Gomoddiisuu Alle sugaa Gonduhu dharaartay gariirayaan ).

2-        Dadku waxay jecelyihiin qofka dhegaysta kolkay dhibaatadooda ka sheekaynayaan, lana murugooda oo dhibkooda la qaybsada, mana jecla ka isagu jecel inuu iska sheekeeyo tiisa oo qurana ka fekera. Qofka madaxda ah waxaa laga rabaa kolkuu ogaado qof shaqaalihiisa kamid ah in laga dhintay ama loo dhalay ama uu guursaday amaba guri cusub degay inu u yeero, dabadeedna u hambalyeeyo ama u tacsiyeeyo haddaanuba fasax iyo faraq-ku-laab ugu dari karin. Qofka ood la wadaagtid welwelkiisa iyo waxa uu ka fekerayaa way isku soo kiin dhoweysaa, idinna dhex dhigtaa xiriir ku salaysan is jacayl iyo is qaddarin, waxaanu qofkaasi dareemaa inaad tahay walaalkiis uu u ciirsi tago mar kasta ooy taladu ka xumaato amaba uu tabaaloobo.

3-        Dadku waxay jecelyihiin inay doodda ka fogaadaan. Doodda iyo muranka faraha badan waxa ka dhasha uun kala jab iyo is nacayb ee wax yool ah lagama gaaro. Soomaalidu waxay tiraahdaa: (Rag iska celi iyo Rabbi ka baq meel ma wada galaan). Maahmaahdu ma waafaqsana diinta Islaamka, maadaama loola jeedo qofkii ogaada in laga gar leeyahay waa inuu gardarradiisa ku adkaystaa si uu ninka kale isaga celiyo, taas oo markaas ka dhigan: Intii Ragannimo xumo lagugu tilmaami lahaa Rabbi kuu caroodo. Ilaah baan ka megen galnay taas.

Waxaa loo baahan yahay in qofka gardarani Eebbe ka baqo oo uu gartiisa qaato oo inuu gar daran yahay qirto, kolkuu sidaas yeelana waxa hubaal ah in qofkuu ka gardarnaa iyo inta goobta joogtaaba ay qaddarinayaan kuna ammaanayaan gefkaas uu qirtay oo ah geesinnimo tan ugu weyn.

4-        Dadku waxay jecelyihiin qofka Qaddariya. Dabeecadda bina Aadmiga ayaa ah inay jeclaato qofka jeclaada, ixtiraamto ka ixtiraama, qaddarisana qofka qaddariya. Qofku heerkuu doonaba ha joogee, haddaanu arag cid qaddarisa oo ixtiraamta, isna cidna ma qaddarinayo mana ixtiraamayo. Qofka yari waxa uu qaddariyaa kan weyn, waase hadduu kan weyni kan yar qaddariyo. Waxa loo baahan yahay in qofka weyn (Da' ama Darajo) uu kan yar qaddariyo, kalana tashado ra'yigiisa xitaa haddaanu qaadanayn.

Eebbe waxa uu Aayad ku leeyahay:

(Kalana tasho "Asxaabta" arrinka, haddaad goosatana Alle  tala saaro "Oo ku dhaqaaq") (Ali-Cimraan: 159). Waxaad halkaas ka garan kartaa in qofku kolka uu dadka la tashado, waxay kula taliyaan hadday la toosnaadaan qaadan karo, hadduu doonana wixii asaga la sax ah samayn karo.

5-        Dadku waxay jecelyihiin qofka inay Maskaxdooda maalaan fursad u siiya. Dalalka reer Galbeedka ahi arrinta ugu muhiimsan ee ay dunida saddexaad ku dhaafeen waxa weeye iyaga oo qof kasta fursad u siiyey inu abwaannimadiisa soo ifbixiyo, maskaxdiisana maalo oo ka mira dhaliyo, halka dunida saddexaad qofka lagu cadaadiyo wax loo yeeriyey, fursadna aan loo siin inu iskiis u fekero. Taas dambe waxay markaas keenaysaa inuu qofkii gabo awooddii maskaxeed ee uu wax kusoo saari lahaa, sidaasna wixii isaga shalay loo yeeriyay uu jiilka ka dambeeya isna maanta ugu yeeriyo. Tusaale usoo qaado ardayga Soomaaliya dugsiga sare kaga baxay, kolkuu Jaamacadda gal is yiraahso waxa usoo baxaysa Kulliyad aanu weligiisba ku riyoon, halka dalalka hore u maray loo oggolyahay, laguna dhiirri geliyo qofku inu waxa uu jecelyahay barto. Kolka uu haddaba qofkii ku takhasuso wax uu hiwaayad u leeyahay ooy naftiisu u heellantahay, aad buu uga wax soo saar badinayaa qofka bartay wax lagu khasbay.

6- Dadku waxay jecelyihiin qofka u mahad celiya. Qofka Muslinka ahi ma aha in shaqada uu qabanayo uu ka dhowro in looga mahad celiyo, maadaama Alle ka ajar siinayo, ha yeeshee waa iska dabeecad bina Aadmi, tiiyoo weliba xagga diinta aanay wax dhibaato ahi ka imaanayn. Xadiith ay Axmed iyo Tirmidi weriyeen baa ahaa: (Qofkaan Insaanka ku mahadini Allena kuma mahadiyo). Waxa kale oo Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) laga weriyey inuu yiri: (Qofkii wanaag loo galo oo kii u galay ku yiraahda: "khayr Alle ha kaa siiyo", mahad celin u dhimani ma jirto).

7- Dadku waxay jecelyihiin qofka gefkooda saxa isagoon iyaga u gefin. Tusaale ahaan; Hadduu inankaagu doono inuu galo kulliyadda Injineeriya, adna aadan ku raacsanayn, ha ku oran: (Kama bixi kartid),(Xisaab qof yaqaan baa loo baahan yahay adna saddex saddex uma qaybin kadhid), (Ma damiinnimadaan ogaa baad doonaysaa inaad Injineeriya ku gashid), iwm. Erayadaasi waxay dhaawacayaan dadnimada iyo karaamada inanka, waxaana kaaga habboon adiga oo ku yiraahda: (Bayoojoligaad aad ugu fiican tahaye waxa iga talaa inaad Beero baratid), (Nin Aftahana baad tahaye haddaad Abukaatenimo baran lahayd wacdaraad dhigi lahayd), iwm. Markaas waxay u dhow dahay inanku intuu dib u xisaabtamo inu isyiraahdo: Allaylehe hadalka aabbahay waxbaa ka jira, barnaamijkii oo dhanna sidaas ku beddelo Beddeliddaasi oon ahayn mid lagu Qasbay, balse uu isagu ku Qancay.

 

“””Dhammaad”””

 

 

Bogga Hore 

 

Sabriye Macallin Muuse

sabkaxaaji@hotmail.com

Minnesota, USA