|
MACALLIMIINTA DUGSIGA MOQOKORI
1- Maxamed Caalin Xalane. Jaamici muddo hore ka qalin jebiyay Kulliyaddii Waxbarashada LAFOOLE, muddo dheerna kasoo shaqeynayay Wasaaraddii Waxbarashada Dowladdii dalka ugu dambaysay ee Marxuum Maxamed Siyaad Barre, iminkana waa Maamulaha Dugsiga.
2- Muumin Sabriye Xagaay. Jaamici ka qalin jebiyay Jaamacadda MUQDISHO, wuxuuna wax ka dhigi jiray muddooyinkii dambe Dugsiyada magaalada Beledweyne.
3- Cabdulle Barqadle Barroow (Isku-jure). Wuxuu ka baxay Machadka SIMAD ee magaalada Muqdisho, waana nin looga dambeeyo Xisaabta iyo Luqada English-ka.
4- Xuseen Axmed Caddoow. Wuxuu Maamule ka ahaan jiray Dugsi Hoose/Dhexe oo ku yaallay Magaalada MAXAAS, waana nin muddo dheer Wasaaraddii Waxbarashada ee dalka kasoo shaqeeyay.
Bogga Hore |