|
SHIR BEESHA XASAN MUUSE EE QURBAHA
Maalintii Axadda ay taariikhdu ahayd 23/11/2008, waxa shir aan caadi ahayn oo ka dhacay khadka taleefanka isugu yimid indheer-garad, aqoonyahan iyo culumaa’uddiin ka tirsan qurba joogta beesha Xasan Muuse ee ku kala dhaqan dunida daafyeheeda kala duwan.
Shirka ooy soo qaban-qaabiyeen waxgaradka beesha ee ku dhaqan dalka Kenya, laguna casuumay aqoonyahan iyo indheer-garad deggan dalalka USA, UK, Canada, Carabta iyo Scandinavian-ka, waxaa lagu qaadaa dhigay sidii wax looga qaban lahaa guud ahaan dhibaatooyinka ka jira deegaannada ay beeshu degto, sida; dagaallada sokeeye, maamul xumida iyo abaaraha, kuwaas oo guud ahaan ay la wadaagto ummadda, kana dhashay marxaladda dowlad la’aanta ahe ay Soomaaliya maanta ku sugantahay.
Shirka oo socday muddo saddax saacadood dhan, waxa kasoo baxay go’aanno waxtar leh, haddii sida ay yihiin loo fuliyo.
Go’aannadii shirka kasoo baxay waxa ugu mudnaa;
1- In deeq aruurin laga billaabo dunida dacalladeeda, deeqdaas oo la cayimay, afar qaaradoodna loo qaybsaday. Deeqdaas waxa loogu tala-galay badbaadinta beesha Xasan Muuse ee ku dhaqan gudaha dalka iyo sidii loosoo afjari lahaa khilaafyo isdaba joog ahaa oo muddooyinkaan dambe ka jiray deegaannada beesha iyo weliba sidii loo dardar gelin lahaa maamulka hadda jira ee beesha amaba loo samayn lahaa mid firfircoon oo beddela.
2- In muddo la cayimay gudeheed lagu diyaariyo indheer-garad metela qurba-joogta beesha oo dalkii iyo deegaannadii beesha taga, kana qaybgala barnaamijka badbaadinta beesha.
Wax-garadkii shirka khadka taleefanka uga qaybgalay waxa kamid ahaa:
1- Abuukar Coloow Axmed (Qatar)
2- C/Kariin Sabriye Maalin (Kenya)
3- Cali Caddoow Kuuloow (Cali Dheere) (Canada)
4- Cali-Mahad Tawaad Dhallin (USA)
5- Dr. C/Kariin Muxumad Carraale (Xuutaan) (USA)
6- Dr. Daahir Cabdulle Cawaale (Barako) (Holland)
7- Eng. Axmed Macallin Xasan Sabriye (UK)
8- Faarax Sabriye Maalin (Norway)
9- Maryan Muxumad Maalin (Gini Foodcadde) (Canada)
10- Maxamed Abuukar Jimcaale (USA)
11- Maxamed Cali Xaashi (USA)
12- Maxamed Macallin Xasan Sabriye (UK)
13- Maxamuud Caruush Diiroow (Kiishoow) (UK)
14- Mustaf Maxamed Xaaji Mocoow (UK)
15- Muumin Muxumad Maalin -yare (Qatar)
16- Sabriye Macallin Muuse (USA)
17- Cabdullaahi Maxamed Cali Raage (Sanbololshe) (Kenya)
18- Sh. Abuukar Jimcaale Gaaboow (Kenya)
19- Sh. Axmed Cabdi Calasoow (UK)
20- Sh. Garaad Axmed Caddoow (UK)
21- Shariif Raage Cabdi (Kenya)
22- Siciid Axmed Maxamed (Kuri-kuri) (UK)
|