|
TAARIIKH NOLOLEEDKA SH. AADAN XAAJI MOCOOW OO KOOBAN
Sheekh Aadan Xaaji Mocoow Waasuge, wuxuu bartamihii kontomaadkii qarnigii tegay ku dhashay tuulada MOQOKORI.
Keddib markuu Qur'aanka kariim ah xifdiyay, xoogaa culuum Islaam ahna daalacday, wuxuu u wareegay magaalada caasimadda ahe MUQDISHO bilowgii toddobaatamaadkii.
Waxa uu bilowgii siddeetamaadkii ka qalin jebiyay Dugsiga Sare ee SHEEKH SUUFI.
Bartaihii siddeetamaadkii wuxuu deeq waxbarasho ka helay dalka MASAR, Jaamacaddiisa faca weyn ee AL-AZHAR, wuxuuna bilowgii sagaashamaadkii ka qaatay shahaaddada MASTER (MA), isaga oo ku takhasusay Taariikhda iyo Shareecada Islaamka.
Sh. Aadan Xaaji Mocoow wuxuu muddo shan iyo toban sano ka badan degganyahay dalka NORWAY, magaala madaxdiisa OSLO.
Sheekhu waxa uu kamid yahay dadka fara-ku-tiriska ahe xilka aadka u ballaaran iska saaray sidii loo horu-marin lahaa wacyiga iyo aqoonta guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulsho weynta gobolka HIIRAAN.
Waxa uu dadaal aan yarayn oo xag waqti iyo maal intaba ah geliyay sidii dib loogu furi lahaa dugsigii Hoose/Dhexe ee Moqokori. Eebbe oo la garab galay iyo guddigii tuulada ee loo xilsaaray arrimaha dugsiga iyo guud ahaan shacabka reer Moqokori oo daba istaagay dartoodna iminka dugsigii waakaa dabkiisu shidan yahay, qalinka, buugga, sabbuuradda iyo jeesaduna dhulka dhici la' yihiin.
Waxan leennahay Alle haka abaal mariyo, ajar iyo xasanaadna haka siiyo dadaalkiisaas miraha dhalay.
Bogga Hore |