|
Bismillaahir-Raxmaanir-Raxiim
Suurat Ad-Dhalaaq
(Suuradda Furriinka)
Nabiyoow haddaad Haweenka furaysaan (Waxay soo degtay markuu Nabigu (scw) Xafsa (rc) furay kuna naqsaday) ciddadooda u fura (Ha furina naag caada qabta iyo mid caadadii markay ka dhaqatay aad u tagteen ee fura markay caadada ka dhaqato adinkoon weli u tegin), ciddadana tiriya (Dusha ka qabta oo tiriya, billowgeeda ilaa dhammaadkeeda, si aydnaan Dumarka ugu dheerayn, uguna dhibin), Rabbigiinna ka baqa, ha ka saarina guryohooda iyana yaanay ka bixin (Ninku xaq uma laha inuu bixiyo maadaama ay isaga ciddo ka tirsanayso, inn kalena aanay guursan karin, ayadana uma bannaana inay baxdo illeen weli toos looma kala bixine) inay gef cad sameeyaan maahee (Sida iyadoo Sinaysata, amay reerkiisa hadal ama ficil ku xumaysa), taasina waxa weeye xuduudii Alle, qofkii xuduudda Alle ku xad-gudbaana naftiisuu dulmiyay, ma ogide waxaa laga yaabaa inuu markaas kaddib arrin soo kordhiyo (Gurigaas ay uga soo horbaxayso waxaa laga yaabaa inuu dib isugu noqdo oo qalbigiisa Alle jilciyo, xaaskiisiina si hawlyar kusoo ceshado) (1) Hadday ciddadooda gaaraan (Markay dhammaa rabto), markaas ama wanaag ku haysta (Kusoo ceshada) ama wanaag uga taga (Adinkoon caayin oon ceebayn, si wanaag iyo walaatinnimaa ku fura), maragna uga dhiga laba qof oo idinka mid ah oo caddaalad wax ku gooya (Kolkaad furaysaan iyo kolkaad soo naqsanaysaan labadaba), Alle dartiisna marag ha ku noqdeen, warkaas waxa lagula dardaarmayaa ruuxii rumaysan Alle iyo maalinta Aakhiro, qofkii Alle ka baqana albaab ayuu u furaa (2) Wuxuuna wax ka siiyaa meel uusan ka filanayn, qofkii Alle talasaartana asagaa ku filan, Allena waa kii amarkiisu fulo, Allena wax kasta waqti buu u gooyay (3) Haweenkiinna kuwooda Caadada ka quustay, haddaad shakidaan, ciddadoodu waa saddex bilood, waxaana lamid ah kuwaan weli Caada keenin (Haweenkay caadadu ku dhacdo iyaga ciddadoodu waa saddex jeer oo ay caado ka dhaqdaan), kuwa uurka lehna ciddadoodu waa intay ka ummulayaan (Hadday doonto markii la furay ama laga dhintay daqiiqado kaddib ha ummushee), qofkii Alle ka baqana arrimihiisa wuu u fududeeyaa (4) Kaasi waxa weeye amarkii uu Alle idiin soo dejiyay, qofkii Alle ka baqana dembigiisuu dhaafaa, ajarkiisana wuu u weyneeyaa (5) Dejiya halkay taagtiin idin dejiso (Derin waxaan ahayn haddaad weydo ayada u dhig), hana u dhibina saad ciriir u gelisaan (Sida Ragga u rafaadiya Dumarkooda si ay guriga uga baxaan ama xoolo isugu furtaan amaba kuwa intay furaan markay ciddadii dhammaan rabto ku naqsada, misana rafaadintii iyo furistii halkii ka qabta), hadday uur leeyihiinna biila ilaa iyo intay ka ummulayaan (Waa tii saddex lagu furay, maxaa yeelay tan hal ama laba Dalaaq lagu furay masruufkeedu ninka waaba ku waajib ama uur ha lahaato ama yaanay lahaane), hadday idiin nuujiyaanna biilkooda siiya (Markay ciddada ka baxdo kaddib. Caanaha dambarkaa waajib bay ku tahay inay dhallaanka nuujiso, wixii ka dambeeyase way iska diidi kartaa. Hadday idiin nuujiyaan iyagoo idinka furan, biilkooda siiya), arrimihiinnana wanaag ku dhammaysta (Adna ha dhibin, adna yaan lagu dhibin), hadduu culays idin soo dhexgalana (Sida iyadoo dalbata biil uusan awoodi karin, amaba tiraahda ma nuujinayo) mid kalaa u nuujin doonta (Haddiise biilkii Nuujisada la siin lahaa ay iyadu raalli ku tahay iyadaa u xaq leh nuujinta ubadkeeda) (6) Ninkii maal badan haystaa xaaskiisa ha ka masruufo (Masruuf u dhigma maalka uu haysto), kii irsaqa lagu adkeeyayna (Faqiir ah) wuxuu Alle siiyay wax ha ka siiyo, Alle qofna waxaanu siin kuma kallifo, Allena Rafaadka kaddib Raaxuu keeni doonaa (Waa ballan uu Alle qaaday, ballanta Allena waa xaq, mana uu ka baxayo) (7) Imisaa magaalo amarka Rabbigeed iyo Rusushiisa ku kibirtay, markaasna intaan si adag ula xisaabtannay, cadaab daran cadaabnay (8) Arrintaasna hooggeedii dhadhamisay, kibirkeediina khasaare ku dambeeyay (9) Alle (Dadka caynaas ah) cadaab daran buu u diyaariyay, ee Alle ka baq ciddii wax fahmaysa Alle iyo Rasuulna rumaysaay, Alle wuxuu idiin soo dejiyay Qur’aan (10) Rasuul idinku dul akhriya Aayadaha Alle ee cadcad, si kuwa rumeeyay ee camalka wanaagsan sameeyay uu mugdiga (Gaalnimada iyo Jaahilnimada) uga bixiyo, nuurkana (Iimaanka iyo Aqoonta) ugu bixiyo, qofkii Alle rumeeya, camal wanaagsanna sameeya, wuxuu gelinayaa Jannooyin Webiyaashu ay hoos durduraayaan, ayagoo weligood ku waaraya, Alle wuu u wanaajiyay kaas irsaqiisa (11) Alle waa kan abuuray toddoba Samo iyo Arlooyin intoo kalaa (toddoba Dhul), amarkuna dhexdooduu kusoo degayaa, si aad u ogaataan in Alle wax kasta awoodo, wax kastana ka warqabo (12). Dhammaad.
Bogga Hore |