|
SALAANTA ISLAAMKA
IYO SOOMAALIDA
(Kuwa xaqa rumeeyoow! ha gelina guryo aan guryihiinna ahayn, jeer aad idan weydiisataan ood dadka deggan salaantaan, sidaas baana idiin wanaagsan, waxa laga yaabaa inaad waano qaadataan eh) (An-Nuur: 27).
Cid kasta oo u fiirsata dhibaatada iyo dagaalka sokeeye ee ka aloosan Soomaaliya, waxa khasab ah inay isweydiinayso su'aalaha ay kamidka yihiin: (War ummaddan wada Islaamka ah, isku afka iyo isirkana ah, maxaa isku diray ooy isu dilaysaa?. Hadduu dagaal dhacay muxuu u dami la'yahay oo uu sidaan ugu daba dheeraaday?. Aaway walaaltinnimadii, isjacaylkii iyo isxaqdhowrkii lagu yaqaannay dadka Islaamka ah, waa iyagan u beddelay cadawtinnimo, isnacayb iyo isdil joogta ahe?.
Inta badan Soomaalida kolka su'aalaha caynkaas ah lahor dhigo waxay bixiyaan jawaabo aanay gabar food lihi ku qancaynin sida iyaga oo yiraahda "Dilka iyo dagaalka waxa ina baday Maxamed Siyaad barre iyo maamulkiisii Millateriga ahaa" ama "Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Majeerteen haddaan ummadda laga qaban..!", amaba yiraahda: "Wixii Muqdisho iyo meela badan oo Soomaaliya ah ka dhacay Muddullood iyo Madarkicis baa ka mas’uul ah".
Waxa weliba kuwaa kasii xag jira oo iyagu markaas ismoodaya siyaasiyiin gaamuray, maxallinimadiina ka baxay kuwa maraqii ka daata iyo maqashii ka lunta Maraykan iyo Yuhuudbaa ka mas'uul ah naftooda iyo dadka ku maaweeliya, Taasina waa mid ay kaga dayanayan shucuubta bariga dhexe ee aynu diinta iyo duruufaha wadaagno.
Haddaba, maadaama qof kasta oo Soomaali ah ay waajib ku tahay inuu dhankiisa ka baaro xididdada cudurkaan bulshadeed ee meermeertadan aan meel looga baxo lahayn inagu riday, anigu qof ahaan waxaan u arkaa in dib loogu noqdo lana furfuro isku dhiska dhaqanka iyo caadooyinka aynu awooweyaasheen ka dhaxalnay, wixii dhiifo ah ee ku dhex dhuuntayna ka dhex saarro, halkaana laga soo dhiraandhiriyo daawadii lagu dhayi lahaa ummaddan dheellitirkii ka lumay.
SALAAN LA'AANTA
Siday aniga ila tahay: Soomaalidu inta badan sababaha ay isu leysaa ma aha sad bursi iyo siyaado jacayl sida dadka badankiisu malaynayo, balse waxay isu leysaa baqdin iyo shaki ay kala qabto, kiiyoo isu beddelay colaad iyo isnacayb.
Qofka Soomaaliga ah ee qofka kale dilayaa wuxuu u dilayaa yaanu yadda kaala hor marin ee adigu horta rid. Markaa su'aasha meesha ku jirtaa waxa weeye: Maxaa loo kala shakisan yahay oo la'isu aamini la'yahay?.
Salaan la'aantu waa mid kamid ah sababaha ugu waaweyn ee keena shakiga iyo dhufays isugu jirka Soomaalida. Runta haddaan laga meermeerin Soomaalidu haddaanay isgaranayan isma salaanto. Sida Soomaalida u caadada ah, qof aadan garanayn hadduu ku salaamo waa laba mid: Inuu yahay wadaad cimaamad leh oo diintiisa ku camal falaya iyo inuu dan gaar ah kaa leeyahay.
FAA'IIDOOYINKA SALAANTA
(Haddii salaan laydin salaamo, mid ka fiican salaama ama iyada "mid lamid ah" naqa).(An-Nisaa”: 86).
Cabdullaahi ibnu Camr ibnul-Caas (RC) waxaa laga weriyay: Nin baa Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) su'aalay: Islaannimo tee ugu wanaagsan?. Wuxuu yiri: (Raashinka dadkasii, qofkaad taqaan iyo kaadan aqoonna salaan).
Micnaha Xadiisku waxa weeye saddaqada bixi oo danyarta gargaar, dadkana salaan ama aad taqaannid ama yaanad aqoone.
Bal ruuxa Soomaaliga ahow suuraadso adiga oo meel maraya haddii ruux kale oo Soomaali ah oodan garanayni kaa horyimaado. Ka dhig adinka oon isa salaamin inaad is garab martaan. Maxaa ku gelaya? Maxaad ka dareemeysaa ninkaas muslinnimadii ka sokow Soomaaliga walaalkaa ah oo aadan salaamin?. Waxan shaki ku jirin inay gudahaaga gelayaan shaki, baqdin iyo degganaan la'aan aad qofkaas ka qaadday.
Hadday qofkii daqiiqad kedib dani kaa gasho, intaad dib ugu soo laabatid dantaada ma weydiisan kartaa?. Haddaad maalin kasta sidaa isu dhinac martaan adinka oon isa salaamin, berri-ka-maalin ma ku dhacdaa inaad salaantid?. Soow dareemi meysid dembi, shaki, iyo degganaan la'aan, mar kasta oo qofkaa isaga ahi kaa soo hor baxo?. Miyaanay kula ahayn inaad qabtid dareen ah inuu qofkaasi daqiiqad kasta kula dagaali karo?. Miyaanay kula ahayn in inta aad ka dareemeysid oo kale uu isna kaa dareemayo?.
Bal arinka sida kale u rog, kana dhig in qof kasta oo Soomaali ah oo kaa horyimaada aad salaantid asna uu kaa qaado. Soow dareemi meysid degganaan, nabad iyo inuu dumay gidaar weyn oo idin dhex yaallay dadkaasi aad walaalaha tihiin. Sidaad laab furnaan iyo niyad sami ugu salaantay si lamid ah hadduu kaaga qaado oo kuusoo dhoweeyo, soow dareemi meysid walaaltinnimo iyo inaad saad doontid ula hadli kartid, u wareysan kartid, waxaad doontana u weydiisan kartid?. Qofkaas oo kale ma ka filaysaa inuu ku dagaalayo ama cadaawad iyo colaad kuu qabo.
Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Allahay nafsaddaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye Janno geli maysaan jeer aad mu'miniin noqotaan, mu'miniinna noqon maysaan jeer aad is jeclaataan. War hooya ma idin tusiyaa wax haddaad samaysaan aad is jeclaanaysaan? . Salaanta iska qaada).
- Cabdullaahi ibnu Salaam (RC) wuxuu yiri: Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wax aan ka maqlo wixii ugu horreeyay waxay ahaayeen: (Salaanta qaada, raashinka quudiya, qaraabada xiriiriya, dadkoo hurdana tukada, aad Jannada nabad ku gashaane).
QAABABKA SALAANTA
Soomaalida waxa caado u ah kolkay isa salaamayaan inay is yiraahdaan ereyo ay kamid yihiin: (War iska warrama), (War see la yahay), (Maxaa la sheegay), (Xalay ma la baryay), (Ma la fiican yahay), (Reerku ma soo aruuray), (Soow nabad ma aha) iwm. Waxa weliba waayahaan dambe kusoo kordhay ereyo kale sida: (Subax wanaagsan, galab wanaagsan iyo habeen wanaagsan). Waxyaabahaas oo dhami wax shaqa ah kuma laha salaanta Islaamka ee uu ina baray Nabigeennii suubbanaa (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam).
Qofka salaanta billaabayaa wuxu dhahayaa: (As-Salaamu calaykum wa-Raxmatul- Laahi wa-Barakaatuh) oo micneheedu yahay: (Nabadda iyo Naxariista Eebbe iyo Barakadiisu korkiinna ha ahaadeen). Qofka ka qaadayaa wuxuu u celinayaa: (Wa-Calaykumus- Salaam wa-Raxmatullaahi wa-Barakaatuh) oo micneheedu yahay: (Adinkana Nabadda iyo Naxariista Eebbe iyo Barakadiisu korkiinna ha ahaato).
Cimraan ibnu-Xasiin (RC) waxa laga weriyay: (Nin baa intuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u yimid, yiri: Assalaamu Calaykum. Markaas "Nabigu" intuu salaantii ka qaaday buu "ninkii" fariistay. Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Toban). Nin kale baa keddib intuu yimid, yiri: As-Salaamu calaykum wa-Raxmatullaah. Intuu ka qaaday oo fariistay buu (Labaatan) yiri. Keddib nin kale ayaa isna intuu yimiday, yiri: As-Salaamu calaykum wa-Raxmatullaahi wa-Barakaatuh) . Intuu ka qaaday oo fariistay buu yiri: (Soddon).
Micnaha Xadiisku waxa weeye in ninkii Assalaamu calaykum yiraahda loo qorayo toban ajir, kii Wa-raxmatullaahi ku darana labaatan, halka ninkii salaanta Islaamka wada dhammaystira ee yiraahda: (Assalaamu calaykum wa-Raxmatullaahi wa-Barakaatuh" uu ka helayo soddon ajir, qofka intaa u naqaana uu helayo ajirkaa mid lamid ah ayadoon weliba kii hore waxba laga nusqaamineyn.
Anas ibnu Maalik (RC) oo ahaa adeegihii Nabiga waxa laga weriyey inuu yiri: Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) hadduu hadlayo saddex jeer buu ereyga ku celcelin jiray si looga fahmo, hadduu qolo u yimaadana saddex buu salaami jiray). Saddexda jeer waxa uu ka wadaa "Assalaamu calaykum wa-Raxmatullaahi wa-Barakaatuh".
ASLUUBTA SALAANTA
Asluubta salaantu waxa weeye in qofka gaadiidka saarani kan lugeynaya salaanta ku billaabo, kan socdaa kan fadhiya ku billaabo, tirada yari tirada badan ku billowdo, qofka yarina qofka weyn ku billaabo.
Waxa taas daliil u ah Xadiith saxiix ah oo Abuu-Hurayra (RC) laga weriyay, Rasuulkuna (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ku yiri: (Qofka fuushani wuxuu salaamayaa qofka socda, qofka socdaa qofka fadhiya, tirada yarina tirada badan). Werin Bukhaari u gaar ahina waxay ku daraysaa: (Qofka yarina qofka weyn).
GOORMAA LA ISA SALAAMAYAA?
Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Qofkiin hadduu walaalkiis la kulmo ha salaamo, hadduu geed ama dhagax ka qariyo dabadeed la kulmana ha salaamo).
Waxan soo xusuustay, laba nin oo guri wada seexday oo aroortii mid damcay inuu kii kale salaamo markaa buu kii la salaamayey yiri "Oo maxaad iga salaamaysaa hal guri baaban kasoo wada toosnaye". Haddaba Soomaaliyeey Xadiiska Shariifka ahi waa ka idin leh xitaa haddii gidaar ama geed idin kala qariyo ood mar kale kulantaan isa salaama eh, diinta Eebbihiin ku camal fala saad Adduun iyo Aakhiraba ammaan u heshaan.
SALAANTA CARRUURTA IYO DUMARKA
Carruurta oo la salaamaa waxay u kordhisaa kalsooni ay naftooda ku qabaan, waxanay dareensiisaa inay yihiin dad jira, inkastoo da'doodu yartahayna la qaddariyo oo la daneeyo. Qofka carruurta yaryar salaama, la ciyaara, dhibaatadooda iyo xaalkooda ka waraysta, xoogaa lacag ah oo xaajadooda yarta ah ay ku gutaanna siiya weligood ma illaawaan.
Aanas ibnu Maalik (RC) waxaa laga weriyey in intuu ubad meel jooga soo maray uu salaamay dabeetana yiri: "Nabiga (Sallallaahu calayhi wasallam) ayaa sidaas yeeli jiray".
Maadaama salaantii in la celiyaa ay waajib tahay, dumarka qaarkood gaar ahaan kuwooda aadka u dhowrsanina laga yaabo inay ka gaabsadaan inay ragga ka ajnabiga ah salaan u celiyaan, waxa markaas ragga u bannaan kolkay dumarka salaamayaan inay gacanta uun u haatiyaan oo aanay hadal ku salaamin, waxana taas loo daliishanayaa Xadiis laga weriyey Asmaa' binti Yaziid (RC) oo ahaa: "Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) baa maalin Masjidka soo maray koox haween ah oo fadhiya, markaas buu salaan gacanta ula haatiyey".
Ugu dambayntii, Soomaalida salaanteedu waxay badanaa ku kooban tahay kolkay kulmayso, ha yeeshee waa dhif iyo naadir inay dad kala tegayaa isa salaamaan. Si kastaba ha ahaatee, haddayba dhacdo in la isa salaamo kolka la kala tegayo, waxa la'is dhaafsadaa ereyo ay kamid yihiin; (Soo hergela, soo barya, jaaw, soo nabad ahaada, Alle ha ina bariiyo, kheyraan isku ognahay, iwm). Waxa haddaba loo baahan yahay in kolka la kala tegayana la isku salaamo isla salaantii Islaamka ee la isku salaamay kolkii la kulmayey.
Abuu Hurayrah (RC) wuxuu Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyey inuu yiri : (Qofkiin hadduu goob la fadhiyo yimaado ha salaamo, hadduu doono inu ka istaagana ha salaamo, tan hore tan dambe kama mudna eh).
Bukhaari (12, 289, 6236), Muslim (39).
|