Tuulada Moqokori ee Gobalka Hiiraan oo dhowr sano kadib laga furay Dugsi lagu barto Afafka Qalaad

Arbaco, September 03, 2008(HOL):  Gobalka Hiiraan oo ka mid ah Goballada dalka ee sida weyn ugu howlan dib u soo nooleyta adeegyadii Waxbarasho ee ku bur buray nidaam la'aantii uu dalku soo maray 18kii sano ee la soo dhaafay ayaa hadda u muuqda mid ku sii fidinaya howlaha lagu dar dar galinayo Waxbarashada deegaannada sida weyn uga durgsan Magaalada Beledweyne oo ah xarunta Gobalka.

Tuulada Moqokori oo qayaastii 163-Km u jira Magaalada Beledweyne ayaa dhawaan waxaa laga hirgaliyay Dugsi lagu barto Luuqadaha Carabiga iyo Ingiriiska, waxaana uu dugsigu hadda diiwaangaliyay in ka badan 284 arday oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Weriyaha shabakadda Hiiraan Online (www.hiiraan.com) ee  Beledweyne Cabdiraxmaan Diini mar uu waraysi kula yeeshay Tuulada Moqokori Aadan Xaaji Macoow (taariikhdiisa oo kooban) oo ah  xiriiriyaha Bulshada deegaanka Moqokori iyo Jaaliyadaha dibadda ayaa waxaa uu u sheegay inay suurta gal tahay in tirada ardadu intaa ka sii kororto, maadaama marka laga soo tago dadka ku dhaqan Tuulada sidoo kale ay jiraan Qoysas ka barakacay Magaalada Beledweyne iyo kuwo horay uga soo baxsaday dagaalada Muqdisho oo gaaray Tuuladaasi kuwaas oo laga yaabo in caruurtoodu ay ku biiraan Ardeyda Waxbarashadu uga bilaabatay Dusiga Moqokori mar haddii ay ka soo tageen goobihii ay wax ku baran jireen.

Macalimiinta wax ka dhigta dusiga ayaa waxaa ku jira kuwa horay wax uga dhigi jiray Dugsiyada Waxbarasho ee Magaalada Beledweyne Inkastoo ay jiraan kuwo laga xushay Deegaanka Moqokori (macallimiinta), waxaana dhici karta in loo baahdo Macalimiin intaa ka sii badan.

Aadan Xaaji Macoow waxa uu HOL u sheegay in dhismaha Dugsiga markiisii hore ay ahayd hay'adda ADRA, waxaana uu intaas ku daray in wixii xiligaas ka danbeeyay lagu wareejiyay howlaha Dugsiga Bulshada deegaanka kuwaa oo ay ku adkaatay in ay horay u sii wadaan howlihii Waxbarasho ee dugsiga taasoo keentay in uu xirmo.

Dugsiga ayaa ka hor inta uusan xirmin waxaa wax ka baran jiray Arday dhan ilaa 210, hase ahaatee hadda Ardaydu intii hore way ka badan yihiin  maadaama Tuulada Moqokori tahay mid sii fideysa isla markaana sidaan hore usoo sheegnay ay gaareen Qoysas ka barakacay Dagaalladii ka dhacay Magaalada Beledweyne iyo Qoysas horay uga soo barakacay Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu intaa sii raaciyay in isbadal lagu sameeyay Manhajkii Dugsiga oo markii hore ku bixi jiray Afka Soomaaliga, laakiin hadda lagu soo kordhiyay Luuqdaha Ingiriiska iyo Carabiga, taasoo ka dhigeysa Dugsiga laga furay Tuulada Moqokori kii ugu horeyay ee noociisa ah marka laga reebo Dugsiyada Waxbarsho ee ku yaala Magaalada Beledweyne.

Aadan Xaaji Macow ayaa ugu baaqay Jaaliyadaha Hiiraan in ay gacan ka geysataan hormarinta howlaha Dugsiga, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay shaqsiyaadkii horay u balanqaaday in ay taakuleynayaan howlaha dugsiga in ay xiriir la soo sameeyaan guddiga Dugsiga ee ka dhisan gudaha iyo dibada si loo dardargaliyo howlaha Waxbarasho ee Dugsiga Moqokori.

Aadan Xaaji Mocoow wuxuu iminka ku suganyahay Magaalada Beledweyne, waxana lagala xiriiri kalaa Taleefankiisa gacanta oo ah: 001-2521-530-6978.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somali

Bogga Hore