|
2- XULASHADA GACALKA
Dinteenna Islaamku waxay labada guur-doonka ah hor dhigtay xeerar iyo qawaaniin, hadday u hoggaansamaan guurkoodu uu mid ay is-faham iyo is-jacayl taya lihi ka dhashaan noqonayo. Qoysku wuxuu markaas soo saarayaa ubad xag caqli iyo xag jir ka fayoow, diintiisa iyo dadkiisana anfacaya.
Xeerarkaas kuwa ugu mudan haddaynu soo qaadanno:
1- Qof Diin leh xulo:
Erayga "Diin" waxa loola jeedaa fahamka dhabta ah ee Islaamka iyo ku dhaqankiisa toosan. Waxa kaloo loola jeedaa u hoggaansamid guud uu qofku u hoggaansamo shareecada Islaamka iyo xeerarkeeda, goor kasta iyo goob kasta oo uu joogo.
Abuu-Hurayra (RC) wuxu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Naag afar baa loo guursadaa; maalkeeda, quruxdeeda, sharafteeda iyo diinteeda, ee tan diinta leh gaar gacmaha ciid gashee).
Gabadha diinta lihi waa tan garanaysa siday u gudan lahayd xaqa uu ninkeedu ku leeyahay, siday u dhawri lahayd asraarta gurigeeda iyo nafteeda, siday isaga ilaalin lahayd masayr, carruurtana ugu barbaarin lahayd tubta (jidka) toosan.
Cabdullaahi Ibnu Cumar (RC) wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Adduunyadu waa raaxo gaaban, adduunyada raaxadeedana marwo suubban baa ugu fiican).
Haddaynu u bayrno xagga Xulashada ninka, diinteenna Islaamku waxa ay goysay laba qodob oo haddii ninka laga helo ay tahay in markaas inanta uu soo doontay loo guuriyo, labadaas qodob oo kala ah; Diin iyo dabeecad.
Abuu-Hurayra (RC) wuxu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Hadduu nin aad diintiisa iyo dabeecaddiisa u bogtaan idinka soo doonto "gabar", u guuriya, haddaydaan yeelinna xumaan iyo fasahaad weyn baa dhulka ka dhacaya).
Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)kama aanu hadlin qurux iyo maal toona ragga guurdoonka ah looga baahan yahay. Sababtu waxa weeye ninka ragga ah waxa qurux ugu filan ragannimadiisa, kol hadduu waxgarad yahay, Alle caabbud yahay, caqli iyo kartina leeyahay.
Dhanka kale, marka diinta Islaamka laga hadlayo, maalku kamid ma aha qodobbada guurdoonka lagu xiray. Maxaa yeelay ninkii diin (aqoon iyo ku dhaqan) iyo dabeecad wanaag isku darsada, Eebbe isagaa xagga maalka ka dammaanad qaaday. Waxa taasi marqaati ka ah Aayadda oranaysa:
{Åöä íóßõæäõæÇ ÝõÞóÑóÇÁ íõÛúäöåöãõ Çááøóåõ ãöä ÝóÖúáöå} {ÓæÑÉ ÇáäøæÑ:32}.
(Hadday sabool yihiin Alle isagaa deeqdiisa ku hodminaya) (An-Nuur: 32).
Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Saddex Alle inuu gargaaraa xaq bay ku tahay: Guur-doonka dhawrsanaanta doonaya, qofka madax furashada loo haysto oo inuu isfurto doonaya iyo qofka jidka Alle ku jihaadaya).
Waxa haddaba loo baahan yahay inantaada iyo walaashaa inaad u doortid nin diin iyo akhlaaq leh kuna dhaqmaya waxyaabaha ay diintu farayso, kana fogaanaya waxyaabaha ay ka reebayso.
Ma dhib ka weyn baa jira in gabar dhowrsani ay ku dhacdo guurka nin aan diin aqoon, kuna dhaqmin oo fisqiga iyo faajirnimada iska dhex dabaasha.
Waxaa la yiri nin baa nin kale weydiiyey: (War heedhe inan baa ii joogtee yaan u guuriyaa?). Saa kii kalaa ugu jawaabay: (Nin daa’inkiis ka biqi og u guuri, maxaa yeelay hadday deeqdana asagaa daryeeli og hadday ka daadegi weydana ugu yaraan ma uu dulmin doono).
Waxa kaloo la yiri: Nin dadkii hore ee suusuubbanaa kamid ah baa inuu inantiisa guuriyo doonay. Markaas buu nin ay deris ahaayeen oo Majuusi “dab-caabbud” ahaa la tashi ugu tegey. Dab caabudkii oo yaabban baa yiri: (Adduun iyo Aakhiraba dadku adigay kaa waraystaane maxaad aniga iweydiinaysaa oon kugu war dhaamaa?). Ninkii muslinka ahaa baa markaas yiri: (Iska daaye, ila taliyoo yaan inantayda siiyaa?). Dab caabudkii baa markaas wuxu yiri: (Madaxweyneheennii Kisra xooluu dooran jiray, madaxweynihii Ruum ee Qaysar qurux buu dooran jiray, Carabi nasab iyo qabiil bay dooran jirtay, madaxweynihiinnii Maxamedna diin buu dooran jiraye, bal adigu ciddaad ku dayan lahayd go’aan ka gaar).
2- Qoys Sharaf leh ka xulo:
Waxaa loo baahan yahay in dad la garanayo oo sharaf iyo dhawrsanaan leh laga guursado. Waa tay Caa'isha (RC) Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka werisay: (Xawadiinna u doorta, kuwa geeyana guursada una guuriya)[8].
Xadiithka micnihiisu waxa weeye qofka aad guursanaysaan amaba u guurinaysaan hubiya inuu yahay gayaan qoys wanaagsan oo sharaf iyo sumcad leh ka dhashay, bay'ad wanaagsanna kusoo barbaaray.
Cumar ibnul Khadhaab (RC) kolkii la weydiiyay xaqa uu inanku aabbihiis ku leeyahay, wuxuu yiri: (Inuu hooyadiis u xulo, magac fiican u bixiyo, Qur'aanka baro).
3- Dad kore ka xulo:
Talooyinka wax-ku-oolka ah ee Islaamka kuna saabsan xulashada qofka la guursanayo waxaa kamid ah in dumarka dhalasho ahaan fogfog laga doorbido kuwa qaraabada sokeeye, iyadoo looga dan leeyahay laba arrimood: 1- Inuu ka dhasho ubad dhanka caqliga iyo jirka labadaba ka fayoow, cudurrada la'iska dhaxlana ka dheeri. 2- In ay qabaa'ilka kala duwani guurka caynkaas ah xidid iyo xigto ku noqdaan, sidaasna xiriirka bulshadu ku xoogaysto.
4- Gabar xulo:
Xeerarka kale ee ay diinteenna Islaamku jeexday waxa kamid ah in Gabadha[10] guursigeeda Garoob[11] guursigeed laga hormariyo. Xikmadda arrintaas ku jirtaa waxa weeye in qoyska laga ilaaliyo wax kasta oo qalaanqal ka dhex abuuri kara, lana adkeeyo xiriirka is-jacayl ee kutirsaneyaasha qoyskaas. Maxaa yeelay gabadhu waxay jeclaataa, barataa, lana qabsataa qofka ugu horreeya ee guursada, halka laga yaabo in haweenayda garoobka ah, ama laga geeriyooday aanay ninka labaad ka helin jacaylkii iyo wanaaggii ay filaysay, kala duwanaanta dabeecadda iyo dadnimada labada nin ee guursaday awgeed.
Cutba ibnu Cuwaym Al-Ansaari wuxuu Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Gabdhaha guursada iyagaa af macaan oo uur saafiya leh, in yarna ku qanci oge).
Curwa (RC) wuxuu aabbihiis ka weriyay inay Sayida Caa'isha (RC) Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ku tiri: (Rasuul Alloow haddaad dooxo dhir la daaqay iyo dhir aan la daaqini ku taal degto, teed Awrkaaga ku deysan lahayd?). Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri:(Ta aan la daaqin).Waxay tiri:(Taasi waa aniga).
Ereygaas waxay ka wadday baa la yiri inay caddayso siday xaasaska kale ee Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) uga wanaagsan tahay maadaama gabar aan iyada ahayn guursan.
Arrinka oo sidaas ah, bay misana in garoob la guursadaa mararka qaar gabdha guursiga ka habboon tahay.
Jaabbir ibnu Cabdillaahi (RC) waxa laga weriyay inu Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ku yiri: (Jaabbiroow ma guursatay?. Waxan iri: (Haa Rasuul Alloow). Wuxuu yiri: (Ma garoob baa mise waa gabar?). Waxan iri: (Mayee waa garoob). Wuxu yiri: (Gabar maxaad u guursan weyday aad la ciyaarto oo kula ciyaarta?). Waxan iri: (Rasuul Alloow aabbahay wuxuu geeriyooday maalintii Uxud toddoba gabdhood buuna inooga tegay, marka waxaan guursaday haweenay madaxyadooda kulmisa, una adeegta). Wuxuu yiri: (Waad haleeshay "sidii qunnayd").
Guurka caynkaas ahi wuxuu noqonayaa mid korinta agoonta iyo daryeelkooda la'iskaga kaashado, halka hadduu gabar guursan lahaa laga yaabi lahaa inay aqoon yari iyo adkaysi darri awgood u awoodi weyn lahayd korinta agoonta iyo intii kale ee ay iyadu dib ka dhasho.
5- Gacal dhalaya xulo:
Talooyinka Islaamka kuna saabsan Xulashada xaaska waxa kamid ah in haweenay dhalaysa la guursado. Haweenaydu inay dhalayso waxa lagu gartaa laba arrimood: 1- Jirkeeda oo ka nabdoon cudurrada uurka hor istaaga, arrintaas oo ogaalkeeda dhakhaatiirta ku shaqada leh lagala tashado. 2- In la eego xaaladaha hooyadeed iyo haweenka walaaleheed ahe la qabo. Hadday nooca ubad dhalka badan yihiin, aalaaba iyana waa lamid Insha'allaah.
Macqil ibnu Yasaar waxa laga weriyay: Nin baa Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) intuu u yimid, ku yiri: (Rasuul Alloow waxaan jeclahay islaan wanaagsan oo qurux badan, hase yeeshee aan dhalayn ee ma guursadaa?). Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri (Maya). Dabadeed mar labaad buu u yimid wuuna u diiday. Mar saddexaad markuu u yimid buu Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Guursada mid ninkeeda jecel oo ubad dhalid badan, tira badnidiinnaan ummadaha kula tartamayaaye).
Haddaba, qofka muslinka ah waxa laga doonayaa inuu doondoono haweenay u dhasha ubad uu ummadda Nabi Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ku badiyo. Ninka haweenay ubad u dhasha guursanayaa waa inuu ku talagalaa qaadista mas'uuliyadda kaga aaddan ubadkiisa hadday ahaan lahayd quudin, barbaarin iyo waxbarid intaba.
Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxa laga weriyay inu yiri: (Alle wuxuu mas’uul kasta weydiiyaa wixii uu u dhiibay ma dhowray mise wuu dayacay, ilaa uu ninka ka weydiiyo qoyskiisa).
|