3- UBAD JACAYLKA IYO NAXARIISTA

Allaha sarreeyaa uu ubadka mar ku tilmaamay inay quruxda nolosha adduunyada yihiin, isagoo leh:

(Maalka iyo carruurtu waa quruxda nolosha adduunyada) (Al-kahaf: 46).

Mar inay deeq weyn oo in Alle loogu mahad celiyo mudan yihiin: 

(Waxaan idiinku deeqnay maal iyo wiilal waxaanan idinka dhignay kuwa ugu ciidamo iyo xoog badan) (Al-Israa': 6).

Mar saddexaad, hadday dariiqii xaqa ahaa qaadaan dadka Alle ka baqayana ku daysadaan kuway indhuhu ku doogsadaan yihiin:

(Kuwa dhahaya: Rabbigeenow naga sii dumarkeenna iyo ubadkeenna qaar ay indheheennu ku qabawsadaan, kuwa Alle ka baqayana hoggaamiyeyaal inooga dhig) (Al-Furqaan: 74).

Waxa la wada garanayaa in qof kasta oo waalid ah qalbigiisu ubadka uu dhalay ama ka uurka lagu sido uu aad u jecelyahay. Jacaylka ubadka, daryeelkooda iyo u naxariisashadoodu waxa weeye dareen ku beeran qofka oo uu Alle ugu deeqay, la'aantiisna dadkuba dunida ay ka dabar go'i lahaayeen.

Sidaas darteed buu waalidku daryeelka ubadkiisa, barbaarintooda, ku dhafriddooda iyo usoo jeedista dantooda ugu sabraa.

Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) aad buu asxaabtiisa ugu dhiirrigelin jiray uguna tirtirsiin jiray u naxariisashada ubadka iyo akhlaaq wanaagga.

Cabdullaahi ibnu Camr ibnul-Caas (RC) wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Naga mid ma aha qofkaan keenna da'da yar u naxariisan, keenna da'da weynna darajayn)[1]. 

Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxa kaloo laga weriyay inu yiri: (Qofkaan keenna yar u naxariisan, keenna weynna xaqiisa “qaddarkiisa” garani inaga mid ma aha)[2].

Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) qof asxaabtiisa kamid ahoon carruurtiisa u naxariisanayn hadduu arko, si adag buu u canaanan jiray, inu qoyskiisa iyo ubadkiisa u wanaagsanaadana ugu waanin jiray.

Ummul-Mu'miniin Caa'isha (RC) waxaa laga weriyay: (Nin reer miyi ah baa intuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u yimid, ku yiri: (Carruurtiinna miyaad dhunkataan, annagu ma dhunkannee?). Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu markaas ku yiri: (Maxaan kuugu aal hadduu Eebbe qalbigaaga naxariistii ka siibay?)[3].

Abuu-Hurayra (RC) waxa laga weriyay: (Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ayaa Xasan ibnu Cali dhunkaday iyadoo Aqrac ibnu Xaabis Al-Tamiimi uu goobta fadhiyo. Aqrac wuxuu yiri: (Toban wiil baan leeyahay midkoodna "weligay" ma aanan dhunkan). Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ayaa markaas intuu "Aqrac" eegay yiri: (Qofkaan naxariisan looma naxariisto)[4].

Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) kolka uu Salaadda tukanayo, hadduu ilma yari ooyo, salaadda wuu dedejin jiray, si aanay ilmahaas hooyadiis oo salaadda kula jirtaa uga welwelin.

Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Qofkiin hadduu Imaam noqdo, salaadda ha dedejiyo, maxaa yeelay waxa idinku jira ilmo yar, qof da’ ah, qof tabar yar, iyo qof jirran, hadduu keligiis tukanayase siduu doono ha u dheereeyo)[5].

Waxa laga yaabaa in dhallaanku uu qofka weyn la ciyaaro isagoo garka amaba marada uu xiranyahay ka jiidaya. Haddaba markaas oo kale ma aha in ubadka la hiifo oo la canaanto, taasi oo dareenkiisa iyo naftiisa dhaawici karta, kuna abuuri karta inuu ilmo xirxiran oon dadka dhex gelin noqdo. Haddiise ciyaartiisa dhoola caddayn iyo ciyaar loogu beddelo, waxa markaasi qalbigiisa gelaya farxad iyo raynrayn, waxanu helayaa geesinimo uu dadka waaweyn ku dhexgalo kagana faaiideysto, aftahanimo iyo dad la dhaqanna kaga kororsado.

Waxa la weriyay Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) labadii wiil ee uu awoowaha u ahaa Xasan iyo Xuseen amaba gabadhii  kale ee uu awoowaha u ahaa Umaama ee ay gabadhiisii Zaynab (RC) dhashay inuu ximbaari jiray, koolkoolin jiray lana ciyaari jiray.

Abuu-Qataada Al-Ansaari (RC) waxaa laga weriyay in Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) uu tukanayay isagoo sida Umaama oo ay dhashay Zynab, gabadhii Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) una dhashay Abul-Caas ibnu Rabiica ibnu Cabdi-Shamsi, oo markuu sujuudayo uu dhigayay markuu istaagayana uu qaadayay[6].

Shaddaad binul-Haadi (RC) waxaa laga weriyay inu yiri: (Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ayaa noosoo baxay salaaddii Duhur ama Casir isagoo Xasan ama Xuseen xambaarsan. Markuu salaadda ina gelinayay ayuu dhulka dhigay, markaas buu salaaddii xirtay. Markuu sujuuday buu sujuuddii dheereeyay. Markaas baan madaxa kor u qaaday, mise wiilkii baa Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) oo sujuudsan dhabarka ka saaran, markaas baan sujuuddaydii ku laabtay. MarkuuRasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) salaadii ka baxay bay dadkii ku dheheen: Rasuul Alloow waxan u malaynay inu dhib dhacay ama laguu waxyoonayo. Wuxuu yiri: (Waxaas oo dhami ma dhicin, laakiin inankayga ayaa gaadiid iga dhigtay, waxanan diidayay in aan dedejiyo intuu dantiisa ka gudanayo)[7].

Burayda (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) oo khudbaynayaa ayaa waxa yimid Xasan iyo Xuseen oo laba qamiis oo cas cas ooy gashanaayeen ku turaanturroonaya, markaas buu Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) intuu khudbadii joojiyay oo minbarkii ka degay, soo xambaaray, dabeetana intuu minbarkii kusoo laabtay yiri: (Alle run buu sheegay markuu yiri: “Xoolihiinna iyo Carruurtiinnu wax kale maahee waa fidno”, waxan arkay labadan oo qamiisyadooda ku turaanturroonaya markaas intaan iscelin waayay oon warkii gooyay baan soo qaaday)[8].

Caa’isha (RC) oo markuu Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) guursanayay da’ yarayd, markii la guri geynayay alaabadii ay ku ciyaari jirtay ayay hore usii qaadatay[9].

Caa’isha (RC) waxa laga weriyay: (Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ayaan gabdho-gabdho ku ag ciyaari jiray, waxanan lahaa gabdho saaxiibbaday ah oo ila ciyaara. Markuu Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) soo galo bay iska qarin jireen “xishood dartiis’ wuuna iisoo gelin jiray say iila ciyaaraan)[10].

Caa’isha (RC) waxa laga weriyay in (Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) uu kasoo laabtay duullaankii Tabuuk ama Khaybar ayadoo ay kooraha faraskeeda wax ku qarsoon yihiin. Markaas dabayl baa intay timid  dabool qaadday waxana soo muuqday gabdho ay Caa’isha ku ciyaari jirtay. Markaas buu yiri: (Caa’ishaay waa maxay waxani?). Waxay tiri: Waa gabdhahaygii. Wuxu ku dhex arkay Faras laba garbood leh. Wuxuu yiri: (Waxa iiga dhex muuqdaa waa maxay?). Waxay tiri: (Waa faras). Wuxuu yiri: (Waxa dul saaranina waa maxay?). Waxay tiri: (Waa laba garbood). Wuxuu yiri: (Ma Faras laba garbood leh baa?). Waxay tiri: (Miyaadan maqal in Sulaymaan uu lahaa Fardo garba leh). Waxay tiri: (Markaas buu Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) qosol la dhacay ilaa aan gawsihiisa ka arkay)[11].

Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) aad buu carruurta u jeclaa, una qaddarin jiray, uguna oggolaan jiray inay ciyaaraan, sababtoo ah ciyaartu waxay kobcisaa caqliga ubadka iyo maskaxdiisa, waxayna hawl gelisaa xubnihiisa iyo dareenkiisa.

Ciyaartu waxa weeye diyaargaroow dabiici ah oo carruurtu ay ku dhashaan, si ay isaga saaraan tamarta dheeriga ah ee jirkooda ku jirta. Ubadku waxa uu ciyaarta ku bartaa wax kasta oo hareerihiisa ahi waxa ay ka samaysan yihiin. Wuxuu ciyaarta ku bartaa siduu u xakamayn lahaa naftiisa, waxana ku kordha kalsoonida uu isku qabo iyo kobcinta karaankiisa waxqabad.

Waxa loo baahan yahay in ubadka loo oggolaado inu waqti uu ku ciyaaro helo, gaar ahaan kolka uu waajibka waxbarasho kasoo baxo, kutubtii iyo buugaagtii looga baahnaa akhriyo, salaadihii iyo cibaadooyinkii Eebbena guto. Ubadka haddii ciyaarta loo diido oo wax akhris iyo qaylo nafta looga qaado, maskaxdiisa ayaa daalaysa, caqligiisu isdhimayaa, murugana ku dhalanaysaa. Ubadka caafimaadka qabaa dhaqaaq la’aan shan daqiiqo ma fadhiyi karo. Waxaad durbaba arkaysaa isagoo meel eegaya, waxay ishiisu qabato soo qaadanaya, gedgeddinaya, afka gelinaya, una furaya suu waxa ku dhexjira u fiiriyo.

 

Bogga Hore


 

[1]Tirmidi (1919).

[2]Abuu-Daa'uud (4943), Tirmidi (1920).

[3]Bukhaari (5998), Muslim (2317/64).

[4]Bukhaari (5997), Muslim (2318/65). Ereyadii Muslim.

[5]Bukhaari (703), Muslim (467).

[6]Bukhaari (516), Muslim (543/41).

[7]Nasaa’i (1141), Axmed (Musnad: 16129).

[8]Tirmidi (3774), Nasaa’i (1413), Ibnu-Xibbaan (6007). 

[9]Muslim (1422).

[10]Bukhaari (6130).

[11]Abuu-Daa’uud (4932).