4- GABDHO NACAYBKA IYO WIILAL JACAYLKA

(Haddii midkood gabar "u dhalatay" loogu bishaareeyo wejigiisu madoow ayuu noqdaa asagoo ka xun. Dadka ayuu ka dhuuntaa waxa loogu bishaareeyay “xumaantooda” darteed, "kuna fekeraa" ma dullinimuu ku haystaa mise ciidda ayuu ku duugaa. War heedhe dadku go'aan xumaa) (An-Naxal: 58-59).

Carruurtu guud ahaan iyagoo naxariis iyo nimco Alle cidduu doono ugu deeqo ah, misana waxaa jirta bulshada muslinka ah inay waalidka qaar gabdhaha ku eegaan il gaar ahoo ka geddisan ta ay wiilasha ku eegaan, taas oo ah dhaqan bulshadeed salka ku haya dhaqankii jaahiliga ahaaye diinta Islaamku duugtay.

Waalidku ubadka inuu kala jeclaado waxa keenaya iimaanka oo daciif ah iyo kalsoonida wixii Alle kuu qoray lagu qabo oo liidata. Dadka caynkaas ahe qoraalkaas Alle qoray aan ku qanacsanayn miyaanay maqal waxa uu Eebbe ka yiri taladiisa go,an, amarkiisa fula iyo awooddiisa aanay cid hor istaagi kartaa jirin, kuna saabsan arrinta gabdhaha iyo wiilasha, isagoo leh:

(Ilaah baa iska leh lahaanshaha cirka iyo dhulka, wuxuu doono ayuu abuuraa, qofkuu doono gabdho ayuu ugu deeqaa qofkuu doonana wiilal. Ama wuxuu isugu dhafaa wiilal iyo gabdho, qofkuu doonana madhalays buu ka dhigaa, isagaana ogaal iyo awood badan) (Al-Shuuraa: 49-50).

Haddaba, Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) si uu caadadaas jaahiliga ah u dabar gooyo wuxu si gaar ah uga dardaarmay, in gabdhaha la dhaqaaleeyo, la daryeelo, barbaarintoodana la wanaajiyo si Janno loogu mutaysto.

Caa'isha (RC) waxay Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka werisay inuu yiri: (Qofkii wax gabdhahaan kamid ah lagu ibtileeyo oo markaas koriya korintoodana wanaajiya oo edbiya edebtoodana wanaajiya, gabbaad bay Naarta uga noqdaan)[1].

Cuqba ibnu Caamir Al-Juhani (RC) waxaa laga weriyay inuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) oo leh: (Qofkii saddex gabdhood leh oo intuu ku sabro, xoolihiisa ka quudiya, ka waraabiya, kana arrad tira, Naarta ayay maalinta Qiyaamo gabbaad uga noqdaan)[2].

Aanas ibnu Maalik (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu yiri: (Ruuxii laba gabdhood koriya ilaa ay ka qaan-gaaraan, maalinta Qiyaamo wuxuu yimaadaa aniga iyo isaga oo sidaas ah"inta uu labadiisa farood isku nabay")[3].

Haddaba, ubad barbaariyuhu waa inuu talooyinkaas Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) iyo farriimahaas diinta Islaamku ay farayso kuna saabsan simidda ubadka iyo daryeelka gabdhaha qaato.



[1]Bukhaari (1418, 5995), Muslim (2629). Ereyadii Muslim.

[2]Axmed (17538), Ibnu-Maaja (3669).

[3]Muslim (2631), Tirmidi (1914).

 

Bogga Hore