5- KA SABARKA UBADKA SAQIIRA

Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Qofkii Muslimiinta kamid ah ooy saddex carruur ahi u saqiiraan Naar geli maayo dhaar-fur[1] mooyee)[2].

Waxa la wada ogsoon yahay in qofka Aadanaha ah noloshiisa waxa ugu qaalisani ay yihiin ubadka uu dhalay ee dhiiggiisa iyo hilibkiisa kasoo go’ay. Haddaba ubadkii oo la dhawrayay inu soo barbaaro, hana qaado, wax barto, mustaqbal gaaro, guri yagleelo, dadkiisa iyo diintiisana anfaco, hadduu isagoo da’ yar mawdku dafo, imtixaan waalidkiis uga weyn oo dunida lagu marsiin lahaa ma jiro.

Haddaba qofka muslinka ahi kolka uu iimaan heer sare ka gaaro, qoraalka Alle shar iyo khayr kuu yahayna garowsado, dhacdooyinka oo dhami dhaayihiisa way la fududaadaan, dhibaatoo dhamina way la dhuubataa, Alle ayuuna isu dhiibaa kana hoos galaa wax kasta oo laga baqdo iyo balaayo kasta oo kaan Alle ka baqin beerka goysa. Markaas buu damiirkiisu nastaa, niyaddiisu degtaa, qoraal kasta oo xag Alle kaga yimaadana ku sabraa, kuna raalli noqdaa.

Iyadoo haddaba iimaankaas laga duulayo, ayuu Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu sheegay qofkii ay carruur laba iyo wixii ka badan ahe aan qaangaarin, wiilal ha ahaadeen ama gabdho amaba isku dhaf eh, u saqiiraan, oo markaas sabra, Alle agtiis iyo inuu ajar ka helayana ku xisaabsada, inuu Eebbe Naar ka xijaabayo, carruurtaas yaryare u saqiirtay dartoodna ugu naxariisanayo.

Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wiilkiisii Ibraahim (RC) markuu dhintay, aad buu u murugooday, indhihiisuna way ilmeeyeen, wuxuuna yiri: (Ishu way ilmaynaysaa, qalbiguna wuu murugaysan yahay,  wax Alle raalli ka yahay mooyee wax kalena dhihi mayno, annaguna Ibraahimoow tegistaada waynu la murugaysan nahay)[3].

Abuu-Saciid Al-Khudri (RC) waxaa laga weriyay Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) dumar uu wax barayay inu ku yiri: (Haweentii idinka mid ahoo ay saddex ubad ahi u saqiiraan, Naarta ayay gaashaan uga noqonayaan). Haweenay baa tiri: Labana?. Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)  wuxu yiri: (Labana)[4].

Aanas ibnu Maalik (RC) waxaa laga weriyay: (Abuu-Dhalxa (RC) wiil uu dhalay baa jirranaa. Mar uu "Abuu-Dhalxa" dibadda u baxay buu wiilkii dhintay. Kolkuu soo laabtay buu yiri: (Wiilkii see yahay?). Ummu-Sulaym (RC) "Wiilka hooyadiis" baa tiri: (Naftiisii way degtay, waxanan rajaynayaa inu nastay[5]). Cashadii bay markaas u keentay, wuuna casheeyay. Keddib, si aanay weligeed hore isugu qurxin bay isu qurxisay. Markaas buu u galmooday. Ummu-Sulaym Kolkay aragtay inuu dhergay una galmooday, bay ku tiri: (Abaa-Dhalxoow hadday qolo reer aqal deggan amaano u dhiibtaan, dabadeedna amaanadoodii weydiistaan miyay u diidi karaan?). Wuxuu yiri: (Maya). Waxay tiri: (Wiilkaagii Alle agtiisa ku xisaabso "Wuu dhintaye Alle Ajar weydiiso"). Wuxu yiri: Markaas buu intuu carooday  oo yiri: (Intaad faraha iga qaadday ilaa aan is dhaamay "Janaabo igu dhacday" baad keddib wiilkaygii warkiisa ii sheegtay miyaa), ayuu dhaqaajiyay Rasuulkana (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u tegay, wixii dhacayna uga sheekeeyay. Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu yiri: (Habeenkiinna Alle ha idiin barakeeyo).

Werin kale waxay leedahay: (Alloow u barakee).

Abuu-Dhalxa waxay u dhashay wiil uu Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)  intuu u dhanxanageeyay uu Cabdullaahi u bixiyay)[6].

Nin asxaabta Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) kamid ahaa wuxuu yiri: (Waxaan arkay sagaal wiil "Cabdullaahi dhalay" oo wada xaafidu Qur'aan ah, waana ducadii Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ee ahayd:"Alloow u barakee" oo Alle u aqbalay darteed).



[1]Dhaar-fur: Dhaartii uu Eebbe Suurat Maryam, Aayaddeeda 71aad ku dhaartay cid kastaa inay Jahannamo Buundada "Siraadka"  ka dul taagan mari doonto.

[2]Bukhaari (6656), Muslim (2632/150), Tirmidi (1060).

[3]Bukhaari (1303), Muslim (2315).

[4]Bukhaari (101, 1249), Muslim (2634/153), Axmed (Musnad:11315).

[5]Waxay ka wadday wuu geeriyooday, isna wuxuu u qaatay wuu ladnaaday.

[6]Bukhaari (1301, 5470), Muslim (2144/23). Erayadii Muslim.

 

Bogga Hore