1. UURGALKA

(Dhab ahaantii Aadanaha waxaan ka abuurnay dhoobo sooc ah “carro iyo biyo”. Keddib waxaan ka dhignay dhibic meel sugan “ilma-galeenka” ku meelaysan. Keddib dhibicdii waxan ka dhignay xinjir, xinjirtiina cad hilib ah, cadkiina waxan ka dhignay lafo, lafihiina waxaan huwinnay hilib keddibna waxaan ka dhignay abuur kale "dad ayaan u ekaysiinnay",Alle ayaana hufan inta wax abuurtana u wanaagsan. Intaas keddibna adinku waad dhiman doontaan. Keddibna maalinta qiyaamo waa laydin soo bixin doonaa) (Al-Mu'minuun: 12-16). 

Ibnu Mascuud (RC) waxaa laga weriyay Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inu yiri: (Qofkiin wuxuu uurka hooyadiis ku jiraa afartan beri isagoo dhibic ah, intaas oo kalena xinjir buu ahaadaa, intaas oo kalena cad hilib ah, keddibna malag baa loosoo diraa nafta ku afuufa, waxana la amraa afar erey: Inuu qoro irsaqiisa, ajashiisa "goorta uu dhimanayo", camalkiisa iyo qof xun iyo qof wanaagsan kuu noqonayo)[1].

Caamir ibnul Waathila ayaa wuxuu Cabdullaahi ibnu Mascuud (RC)ka maqlay isagoo leh: Dhibbane waa qofkii uurka hooyadiis baas kula dhoco, wanaagsanena waa qofkii qofka kale "waxa ku dhacay" ku cibra qaata. Caamir wuxuu markaas u tegay nin asxaabtii Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)ka mid ahaa oo la oran jiray Xudayfa ibnu Usayd Al-Ghifaari, wuxuuna uga sheekeeyay oraahdii Ibnu Mascuud, wuxuna weydiiyay: Qof aan waxba galabsani sidee buu dhibbane ku noqonayaa?. Ninkii baa ku yiri: Ma taas baad la yaabban tahay?. Anigu waxaan maqlay Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)oo dhahaya:(Kolkii ay dhibicda laba iyo afartan habeen kasoo wareegto ayuu Alle malag usoo diraa, markaas buu suurad u yeelaa, maqal iyo arag u abuuraa, maqaar ku dahaaraa, hilib huwiyaa, lafana ku xirxiraa. Keddib wuxu "malaggu" yiraahdaa: Rabbiyoow ma wiil baa mise waa gabar?. Rabbigaa markaas wuxuu doono buu go'aamiyaa, malagguna wuu qoraa. Keddib wuxuu yiraahdaa: Rabbiyoow ajashiisa "cimrigiisa"?. Rabbigaa markaas wuxuu doono ayuu go'aamiyaa, malagguna wuu qoraa. Keddib wuxuu yiraahdaa; Rabbiyoow irsaqiisa?. Rabbigaa markaas buu wuxuu doono go'aamiyaa, malagguna wuu qoraa. Keddib malaggii wuxu baxaa warqaddii "uu wax ku qorayay" oo gacanta ugu jirta, intii la amrayna waxna kuma daro waxna kama dhimo)[2].

Marxaladdaas markuu uur-jiifku marayo ayuu Alle xubnihiisii, lafihiisii, halbawleyaashiisii iyo xididdadiisii qoondeeyaa (qorsheeyaa). Markaas buu maqal iyo arag iyo af u jeexaa, afkana carrab ku rakibaa. Markaas buu qaabkiisa iyo muuqaalkiisa qorsheeyaa, lafihiina hilib huwiyaa, iskuna xirxiraa[3].

Culimada Saynisku waxay leeyihiin sidan: Ugxanta haweentu waxay faxlantaa[4] maalinta afar iyo tobnaad marka gadaal looga soo tiriyo maalinta ay caadada xigtaa imaan donto. Si kale haddaynu u niraahno, haweenayda wareeggeeda caado uu 28 maalmood yahay, waqtiga ugu quman ooy uur qaadi kartaa waxa weeye maalinta 14aad marka laga soo tiriyo maalintii ay caadadii ugu dambaysay ku dhacday. Waxa laga yaabaa inay faxliddu soo hormarto afar maalmood ama dib u dhacdo afar maalmood. Sidaas darteed haweenaydu waxay uur qaadi kartaa sagaal maalmood oo ku jira bartamaha bisha caadada.

Kol hadday faxlidi dhacdo, dhiigga caadadu sida caadiga ah wuu istaagaa, dhammaadka bisha koowaad ee uurkana haweenayda waxaa geli kara shaki ah inay uur qaadday.

Bisha 2aad, ugxantii faxlantay waxay noqotaa bacrimane oo ah uur-jiif billowgiis. Bisha 3aad, weli aad bay u adagtahay in la kala garto in ilmuhu wiil yahay iyo inuu gabar yahay. Ilmihii bacrimanaha ahaa wuxuu isu beddelaa uur-jiif. Bisha 4aad, nooca uur-jiifka waa la garan karaa haddii la isticmaalo qalabka Ultra-sound, hase yeeshee natiijada soo baxda ee ah in ilmuhu wiil yahay ama gabar weli 100%  laguma kalsoonaan karo. Bisha 5aad, nooca ilmuhu si aad ah ayuu uga dhex muuqdaa Ultra-sound, inkastoo heerka hubaashu kala duwan yahay. Uur-jiifku wuu dhaqaaqaa, weliba buuqa iyo codadka dhaadheeri way dhaqaajiyaan, inkastoo aan weli la hubin inay marxaladdaan hooyadu dhaqdhaqaaqa uur-jiifkeeda dareemi karto haddaanu uurku ugu hor lahayn. Waxaa laga yaabaa inay hooyadu dareento waqtiyada uur-jiifkeedu uu hurdayo iyo waqtiyada uu soo jeedo. Bisha 6aad, uur-jiifku wuu dhaqaaqaa, wuuna neefsadaa. Uur-jiifka culayskiisu dhammaadka bisha wuxu gaaraa (600 gr.). Ubad tira yar baa da'daan ku dhasha, inkastoo fursadda ay ku noolaan karaan ay aad u yartahay, waxyaabo badanna ku xiran tahay. Bisha 7aad, aad buu hooyadiis ugu dhex dhaqaaqaa, calooshana uga haraatiyaa. Usbuuca 28aad uur-jiifku wuxuu billaabaa inuu is rogo madaxana hoos marsado. Uur-jiifka culayskiisu wuxu gaaraa (1kg.). Uur-jiifka da'daan ku dhashaa fursadda uu ku noolaan karaa aad bay u fiican tahay. Bisha 8aad, wuxuu isu diyaarinayaa siduu u dhalan lahaa. Halkii maalin ee uu uurka ku jiraa wuxuu u dhigmaa laba maalmood oo uu dibadda joogo, marka laga eego xagga korriinka. Culayskiisu si aad ah ayuu u kordhaa, dhammaadka bishana wuxuu gaaraa ilaa (1.7 kg.). Bisha 9aad, samaysanka xubnihii uur-jiifku wuu dhammaystirmay. Culayska uur-jiifku si xawli ah ayuu u kordhayaa. Dhammaadka bisha 9aad kolka uur-jiifku dhalanayo culayskiisu waa (3 - 3.5 kg.)[5].

Maalinta uur-jiifku dhalanayo cid si go'an usii sheegi kartaa may jirto, ha yeeshee waxa jirta uun saadaal maalintaas soo dhowaysa. Carruurta badanakeedu waxay ku dhashaan maalintaas la saadaalinayo iyo laba usbuuc oo ka horraysa ama laba usbuuc oo ka dambaysa. Waxaa jirta dariiqo sahlan oo lagu saadaalin karo maalinta uur-jiifku ifka imaanayo. Muddada uurka waxaa laga soo tirinayaa maalintii ay caadadii u dambaysay haweenayda ku dhacday. Maalintaas iyo maalintay ummuli doonto waxa u dhaxayn kara 280 beri. Hadday haweeneydu doonayso inay maalinta ay ummuli doonto soo dhoweyso say isugu diyaariso, waa inay maalintii ay caadadii ugu dambeysay ku dhacday diiwaan gelisaa, kana jartaa saddex bilood, kuna dartaa toddoba maalmood. Tusaale ahaan, hadday haweenayda caadadii u dambaysay ku dhacday 01/01/06, waxay uur qaadday maalintii 14/01/06, waxayna ummulaysaa 08/10/2006, haddii Alle idmo.



[1]Bukhaari (3208), Muslim (2643/1), Tirmidi (2137), Abuu-Daa'uud (4708).

[2]Muslim (2645/3).

[3]Ibnu-Qayim Al-Jawziya (Tuxfatul-Mawduud bi-Axkaamil Mawluud: 32).

[4]Faxlantaa: Rintaa.