|
2. DHALSHADA UUR-JIIFKA
Marka ugu horraysa ee afka ilma-galeenku kala baxo ayuu madaxa uur-jiifku soo muuqdaa. Dhakhtarku si aayar ah buu madaxiisa usoo qabtaa, una soo saaraa. Dabadeed wuxuu soo saaraa mid kamid ah labada garab, keddibna kan kale. Jirka intiisa kale markaas buu si sahal ah usoo sibxadaa.
Kolka dhallaanku soo wada baxo ayuu dhakhtarku ku dhawaaqaa nooca uu yahay wiil ama gabar. Dhakhtarku wuxuu jaraa xarigga xuddunta, dhinaca ubadka la xiriirana intuu faashadeeyo ayuu xiraa.
Dhallaanku markii ugu horraysay ayuu sambabadiisa ku neefsadaa, neefsashadaas oo uga soo baxda qaab oohin xoog leh. Intaas kaddib dhakhtarku wuxuu afka ubadka, dhanxanaggiisa iyo sanka tubbo uga soo saaraa xabkii uu uurka hooyadiis kula dhex dabaalan jiray. Labada indhood buu markaas daawo jeermiska kahor tagta uga shubaa.
Intaas kaddib ubadka waxa lagu sameeyaa baaritaan caafimaad, lagu hubinayo xubnaha jirkiisu inay si saani ah u shaqaynayaan iyo in aanu cudurro, naafo, imw., qabin. Kaddib waa la miisaamaa, dhererka jirkiisa iyo wareegga madaxiisana waa la cabbiraa. Dhallaanku kolka uu dhalanayo celcelis ahaan culayskiisu wuxuu u dhexeeyaa 3 – 3.5 kg., dhererkiisu 50 cm., wareegga madaxiisuna 35 cm., hase yeeshee lambarradaasi waa celcelis ee yaanu waalidku ka welwelin hadday sida aynu soo sheegnay ka yaraadaan ama ka bataan.
Intaas kaddib, ubadka inta si naxariis leh loogu lebbiso, bay kalkaaliyeyaashu gacanta calaamad caddaynaysa cidda uu yahay uga xiraan, dabeetana sariir hooyadiis dhinaceeda taal seexiyaan, hooyada oo iyadu markaas mandheertii iska soo saartay.
Dhallaanku marka uu dhalanayo midabkiisu waxa weeye casaan xigeen, labadiisa indhood way bararsan yihiin, baararka indhuhu way isku qabsan yihiin, waxana jirkiisa ku dahaaran xab, gaar ahaan kilkilaha iyo laalaabatooyinka jirka. Xabkaasi wuxuu difaacayay maqaarka ubadka intuu uurka hooyadiis ku jiray. Waxa kale oo uu sahlaa soo bixiddiisa kolka uu dhalanayo. Xabkaasi wuxuu baaba'aa marka ugu horraysa ee ilmaha loo qubeeyo.
Dhallaanku saacadaha ugu horreeya ee noloshiisa wuu kaadi badan yahay, saxaro madoowna wuu dhigaa. Saxarada madoobi waxay ka timaadaa saddexda ilaa afarta maalmood ee hore. Muddadaas culayskii uu dhallaanku ku dhashay ilaa 300 gr. ayuu iska dhimaa, waxase uu dib usoo ceshadaa usbuuca xiga, wixii markaas ka dambeeyana sare ayuu usii kacayaa. Saddexda bilood ee ugu horraysa ubadka miisaankiisa waxa maalin walba ku kordha 25-30 gr.
Xariggii xuddunta ee la jaray intii kasoo hartay way qallashaa iyadaana iskeed u go'da maalinta afaraad ilaa maalinta tobnaad ee dhalashadiisa, waxana halkii uu ka go'ay ka samaysanta xuddunta godan ee aynu wada garanayno.
Dhallaanku maalinka hore hadduu cunno u baahdo waxa la siinayaa macalgo yar oo biyo la sokoreeyay ah min 4 ilaa 6 jeer maalintii. Maalinta labaad wixii ka billowda waxa la siinayaa naaska hooyadiis, hadduu dhiiqi waayo ama caano ku filani kasoo bixi waayaanna waxa loogu beddelayaa ama loogu kaabayaa caano boore.
Caanaha naaska hooyadu inay habdhiska dheefshiidka dhallaanka ku habboonaadaan Ilaah baa ugu talagalay, waana ay ka qaadasho fudud yihiin kuwa lo’da. Caanaha hooyadu ma laha wax jeermis ah, waxana ka buuxa walxaha kahortagga cudurrada iyo difaaca jirka, kuwaasi oo jirka dhallaanka u oggolaada inuu jeermiska iska difaaco. Waxay dheereeyaan muddada uu jirku si dabiici ah isaga difaaci karo cudurrada fayruuska ah sida; Qaamo-qashiirka, Jadeecada, Dabaysha, Sambabka iyo Shubanka. Caanaha hooyadu waxay leeyihiin heerkulkii loo baahnaa, carruurta nuugtana cudurka saxara-ku-dheggu waa uu ku yar yahay. Waxa weliba intaas dheer iyada oo nuugista naasku ay tahay fursadda keliya ee ubadka iyo hooyadiis siisa inay xiriir kalgacaltooyo iyo isku soo dhowaansho yeeshaan.
Caanaha hooyada si fudud bay mindhicirradu u shiidi karaan, maxaa yeelay waxay ka kooban yihiin borotiin shiidan oo si sahlan loo burburrin karo marka la barbar dhigo caanaha lo'da.
Dambarka oo ah caanaha ugu horreeya dhalmada keddib, waxaa ka buuxa borotiin iyo fitamiin A, waxaana uu ubadka u sahlaa inuu saxaroodo. Waxa kaluu abuuraa awoodda difaaca jirka, isaga oo weliba gacan ka geysta samayska inziimada cuntada dheefshiida. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in dhallaanka la naas nuujiyo lana siiyo dambarka laga billaabo marka ugu horraysa ee uu naasku dhiiqo.
Muddada dhallaanka la naas nuujinayaa waxay ku xiran tahay hadba sida ay caanuhu hooyada uga dhiiqaan iyo sida ay dhallaanka ugu dhadhamaan.
Dadka ku dhaqan dalalka reer galbeedku muddo gaaban bay ilmaha naas nuujiyaan, muddadaas oo u dhaxaysa laba bilood iyo bar ilaa saddex bilood.
Culimada caafimaadku waxay ku taliyeen in ilaa sanad ilmaha la naas nuujiyo sidaasna caafimaadkiisu ku jiro, hase yeeshee diinteenna Islaamku waxay ciddii naas nuujin buuxda ubadkeeda la doonaysa kula talinaysaa inay laba sanadood oo ku dhan nuujiso.
Aayadda Qur'aanka ahi waxay leedahay:
(Hooyooyinku waxay carruurtooda nuujinayaan laba sano oo ku dhan, waana ciddii inay nuujin buuxda nuujiso doonaysa) (Al-Baqara: 233).
Ilkuhu inay ciridka soo qodaan waxay billaabaan bilaha 5-6 aad. Ilig kasta soo bixiisa waxaa la socda xoogaa xummad ah iyo rabitaanka raashinka oo yaraada, hase yeeshee waxaa laga digayaa in xanuun kasta oo dhallaanku kolkuu lix bilood jirsado ku dhaca ilko soo baxaya loo aaneeyo, maxaa yeelay waxa dhici karta in dhallaankaas yar een dhibkiisa sheegan karini uu cudur dhab ah oon ilko soo bixid shaqo ku lahayn qabo.
Mararka qaar annagoo sugi la' ayaanu iligga ugu horreeyaa soo baxayn ilaa bisha 8aad laga gaarayo. Haddaba hooyooy samir lahaaw, xiddig baa goor dhow ciridka hoose ee dhallaankaaga kasoo dhalaali doona eh, mid labaadna degdeg usoo raaci doonaaye.
Bilaha 8-10aad labadii fool ee hoose waxa soo raacaya laba fool oo ciridka kore kasoo baxaya. Isla ciridka kore laba dhool ayaa bilaha 10-12 kasoo baxaya. Bilaha 10-14 labadii dhool ee hoose ayaa labadii fool ee ugu horreeyay labada dhinac ka raacaya. Bilaha 12-18 labadii gaws horaad baa dhanka hoose kasoo baxaya. Isla bilahaas laba gaws horaad baa ciridka kore kasoo baxaya. Labada mici ee ugu horreeyaa waxay ciridka hoose kasoo baxaan inta u dhaxaysa bilaha 18-24 aad. Ugu dambaynta afar gaws sare iyo afar hoose ayay ilkaha dhallaanku tira labaatan ah ku noqdaan, afkana ku qurxiyaan inta u dhaxaysa bilaha 20-30 aad.
Kolka uu sanadka koowaad dhammaysto, dhallaanku wuxuu go'aan ku gaaraa inu caalamka hareerihiisa ah weerar ku qaado. Wuxuu billaabaa inuu baaro keydadka faraha badan ee guriga. Sidaas darteed, kolka uu tallaabada u horraysa iyo ta xigta qaadayo khatarro fara badan buu qarka u saaran yahay. Lugaha ayuu kala fogaystaa si uu isu dheellitiro isagoo si aad ugu gurmataan gacanta idiinku soo taaganaya.
Hase yeeshee waxyar keddib, gaar ahaan bilaha 15aad ilaa 18aad inuu keligiis boodboodo ayuu bartaa. Wuxuu arkaa miis gaaban ooy alaabo lagu ciyaaro oo aanu garanayni kadul buuxaan. Wuxuu jeclaadaa inuu siday ugu jawaabayaan ka war jeriyo. Markaas buu koobka shaaha laga cabay ooy xoogaa hambo ahi ku jirto iyo saxanka ka hooseeya gacanta ku dhiftaa, dhulka oo dhanna ku dhaamaa. Maqasyo, middiyo iyo qalab kale oo qurux badan, miis halkeer ahna dul dhooban buu daba geddiyaa, nasiib darrose alaabadaas ay dadka waaweyni isticmaalaan isaga looma samayn. Way jajabayaan, isagay jeexayaan, qabanayaan, mudayaan, gubayaan, amaba sumaynayaan.
Sidaas buu dhallaanku sanadka koowaad iyo kan labaad ugu bartaa waxyaabo badan oo ku hareeraysan, wuxuse ku yool baaraa afkiisa oo uu ku nuugo alaabo khatar ah sida; cirbadaha, qalabka korontada, cayayaan dilaha, qalmaanta iyo qalab kale oo midba kan kale ka qurux badan yahay. Birta ukunta lagu shiilo saliid kululina ku jirto oo meel uu gaaro saaran "toloow haddaan dhanka kale u rogo maxaa dhacaya, maxay sheegi, maxaase kasoo baxaya?". "Kabriidkaan hooyaday dhimbilaha dabka ee quruxda badan ka dhaliso oo mar walba jikada saaran bal aan baaro". "Caagaan jaallaha ahe Shaambada uburta ku caddaanka badane ay hooyo alaabada ku dhaqdaa toloow sidee u dhadhanmayaa?".
Sidaas buu gurigii uu qoysku ku nasanayay maqsin weyn oo wax walba oo xiisa lihi ka buuxaan ku noqdaa. Il-biriqsi illowsho ah gudeheed bay alaabadii caadiga ahayde sida joogtada ah loo isticmaali jiray dabin khatar ah oo ubadka loo dhigay iyo shabaq dilaa ahoo loo daadiyay ku noqotaa.
Maalin maalmaha kamid ah ayuu dareemaa rabitaan laxaad lohoo uu u qabo waxyaabihii laga hor taagnaa, waalidkuna inuu ku xadgudbo uga digi jiray. Wuxuu doonaa inuu ukunta ku dahaaran intuu jebiyo, ka dhex duso, ama xarka goosto, sidaas buuna ku dhex galaa tijaabooyin iyo taabashada wax kasta oo ku cusub.
Sidaas darteed, culimada Cilmu-Nafsigu waxay talo ku bixiyaan in dhallaanku kalka uu laba jir gaaro macnaha "khatar" la baro, iyadoo – tusaale ahaan – la dhadhansiinayo qoray kabriid kulul. Sidoo kale kulaylka biyo kulul oo baaf ku jira, isagaan mar dambe ku ciyaari doonin eh. Waxa kalooy ku taliyaan in dhallaanku kolka uu 3-4 sano jirka yahay la baro inuu madaxa biyaha ku kudo, neefsashadana joojiyo. Sidoo kale isticmaalka maqasta iyo middida kolka uu 4-5 jirka yahay. Hase yeeshee kolka uu sanad iyo laba u dhexeeyo, waa in si taxaddar iyo naxariis leh barashada socodka loogu kaalmeeyo, inuu dunida ku hareeraysan yool baarana lagu dhiirrigeliyo, hortiisa iyo halka uu gaarana waxyaabaha dhibka keeni kara laga dheereeyoo, waddadana loo xaaro.
Shilalka carruurta ku dhaca waxa ugu badan inay; alaabo sun ah afka gashadaan, waxyaabo kulul ku gubtaan, koronto qabato, wax ka tan weyn laqaan oo ku margadaan, qaac iyo sun sanka ka jiidaan oo ku cabburmaan neeftuna ku ceshanto, meel sare kasoo dhacaan, waxyaabo xanaf ama af leh laqaan oo ku dhaawacmaan, iwm.
Haddaba u dhug lohoow halka aad dhigaysid cirbadaha, qalmaanta, waxyaabaha; gooya, qabta, guba iyo waxyaabaha culus oo kusoo dhici kara.
Bogga Hore |