XUQUUQDA DHALLAANKA (1)
1- HAMBALYO IYO BISHAARO
(Zakariyoow, waxan kuugu bishaaraynaynaa wiil magaciisu Yaxye ahaan doono, magacaasna cidna uma aynaan bixin isaga hortiis) (Maryam: 7).
Hambalyada iyo bishaaradu waxay kamid yihiin xuquuqda uur-jiifka iyo dhallaanku ay qofka muslinka ahe jiritaankooda ogaada xaq ugu leeyihiin. Qofka muslinka ah waxaa lama huraan ah inuu bishaaro iyo hambalyo uga farxiyo walaalkiisa muslinka ah kolka ay xaaskiisu uur u qaaddo ama ubad u dhasho, taasi oo markaasi adkaynaysa xiriirka iyo isku duubnida qoysaska islaamka ah. Hadduu ta bisharada ka gaari waayo, waa inuu u hambalyeeyaa dhallaankaas dhashayna u duceeyaa, waa intaas oo ducadiisa Alle u qabto, khayr badanna ka siiyaaye.
Qur'aanku meelo badan buu ubad isugu bishaaraynta ku sheegay.
Alle isagoo bishaaradii Nabi Ibraahim (CS) iyo xaaskiisa inu Nabi Isxaaq (CS) u dhalan doono dabadeedna uu Nabi Isxaaq Nabi Yacquub (CS) dhali doono loogu bishaareeyay ka hadlaya, wuxuu yiri:
(Dhab ahaantii waxaa Ibraahim u yimid dhambaal sideyaasheennii iyagoo u sida bishaarooyin wanaagsan. Waxay dheheen: Nabad, wuxuuna u naqay: Nabad, wuxuna ula soo dhaqsaday Dibi shiilan. Markuu arkay gacmohoodu in aanay "raashinka" gaaranyn buu ka shakiyay, wuxuna dareemay baqdin uu iyaga ka qabo. Waxay dheheen: Ha baqin, annaga waxa naloosoo diray Luud qoladiisa eh. Afadiisu halkaas "ay warka ugu sheegayeen" bay taagnayd wayna qososhay, markaas baynu iyada ugu bishaaraynay Isxaaq, Isxaaq dabadiisna Yacquub) (Huud: 69-71).
Qisadii Nabi Zakariye (CS) iyadana Alle wuxuu ka yiri:
(Malaa'igtii baa markaas isagoo Mixraabka taagan oo ku tukanaya u dhawaaqday iyadoo leh: Alle wuxu kuugu bishaaraynayaa "wiil" Yaxye "la yiraa inaad dhali doonto") (Al-Cimraan: 39).
Ubadka dhalanayaa wiil ama gabar kuu doonaba ha ahaadee waa in qofka uu u dhalanayo loo bishaareeyo loona hambalyeeyo. Qaabka qofka ubadku u dhashay loogu tahniyadeynayo haddaynu wax ka taabanno: Nin socda ayaa nin goor dhowayd wiil loo dhalay oo Xasan Al-Basri uu la fadhiyo u yimid. Markaas buu ku yiri: (Halyaygu ha ku anfaco). Xasan wuxu yiri: Maxaad ka ogtahay Halyay iyo Dameer wax uu yahay?. Ninkii baa yiri: Maxaan dhahnaa?. Wuxuu yiri: Dheh: (Kan lagu siiyay laguu barakee, kii ku siiyay ku mahadi, baarrinimadiisa hel, hana soo barbaaro)[2].
2- ADDIN IYO AQIM
Abuu-Raafic (RC) waxaa laga weriyay: (Waxaan arkay Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) oo Xasan ibnu Cali(RC) makay Faadumo (RC) dhashay dhegta uga addimaya).
Xuquuqda dhallaanku cidda dhashay ama cidda barbaarinaysa uu ku leeyahay, shareecada Islaamkuna u jidaysay waxaa kamid ah in isla marka uu dhashaba dhegta midig looga addimo, dhegta bidixna looga aqimo.
Dhallaanka oo lagu addimo laguna aqimo waxa looga dan leeyahay in waxa ugu horreeya ee kolka uu dunida soo caga dhigto dhegtiisa ku dhacaa ay noqdaan baaq sare oo caddaynaya weynaanta iyo sarraynta Eebbe iyo qiritaanka jiritaankiisa oo ah waxa ugu horreeya ee uu qofku diinta Islaamka kusoo galo. Waxay ka dhigantahay ashahaado kolka ugu horraysa ee uu qofku dhasho lagu qabanayo, sida kolka uu dhimanayaba ashahaadada loogu qabto.
Ulajeeddada kale ee aqinka iyo addinka laga leeyahay waxa weeye; Shaydaan oo dhalashada dhallaankaas sagaal bilood sugayay si uu marin habaabintiisa durbaba marka uu dhasho ula gaaro, kolka uu addinka iyo aqinka maqlo ayuu ka cararaa. Sidaas bay ugu baaqista dhallaanka diinta Islaamka iyo cibaadada Eebbe uga hormartaa ta Shaydaanka oo doonaya waxa ugu horreeya ee Aadanuhu maqlaa inay warkiisa iyo waanadiisa noqdaan, tii Allena ka hor istaago, suu Aakhiro Naar ula tiimbado.
3- DHANXANAGAYN
Aanas ibnu Maalik (RC) waxa laga weriyay inuu yiri: (Ummu-Sulaym baa intay wiil dhashay, Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) iigu dhiibtay, waxanan hore usii qaaday Timir. Markaan Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u geeyay wuxuu yiri: (Timir ma siddaa?). Waxan iri : Haa. Markaas intuu xabbado timir ah qaaday oo afka ku ritay buu calaaliyay, intuu wiilkii afkiisa kala furayna ugu tufay. Wiilkii baa markaas dhuuqdhuuqay. Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu yiri: (Ansaatru timirta ayay jeceshahay). Sidaas buu intuu ugu dhanxanageeyay, Cabdullaahi u bixiyay, wiil ka wanaagsanina Ansaar kuma aanu jirin)[5].
Culimada diinta Islaamku waxay isku raaceen dhallaanka oo marka uu dhasho timir loogu dhanxanageeyaa inay sunno tahay.
Dhanxanagayntu waxa weeye in timir inta la calaaliyo, qayb yar farta lagu qaado, dabeeto dhallaanka dhanxanagga loogu tiro, afkana bidix iyo midig si tartiib ah loogu dhaafiyo, ilaa timirtu ay afka wada gaarto calooshana u gudubto. Timirta sababta loo doortay waxa weeye iyadoo aad u macaan oo uu dhallaanku macaansanayo. Sabab kale waa iyada oo ka kooban iskudhis aan u baahnayn inay calooshu dheef shiiddo oo isagu nafaqo diyaara ah, dhiiggana si toos ah u raaca, waxana weeye Glucose. Dhanxanagaynta waxa kaloo loola jeedaa in lagu xoojiyo murqaha afka, daamanka iyo carrabka, nuugmada naaska hooyadu say ugu sahlanaato.
Asmaa’ bintu Abii-Bakar (RC) waxaa laga weriyey: (Cabdullaahi ibnu Zubayr baan “Quba” ku dhalay. Markaas baan intaan Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u keenay, dhabta u saaray. Markaas intuu timir dalbay oo calaaliyey ayuu afka ugu tufay, wax calooshiisa galana waxa ugu horreeyay calyada Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam). Markuu timirtii ugu dhanxanageeyay buu dabadeed in Alle barakeeyo u baryay, wuxuuna ahaa dhallaankii Islaamka ugu horreeyay ee – muslimiintii Madiina usoo haajirtay - u dhasha. Waxay tiri: Aad iyo aad bay ugu farxeen, maxaa yeelay waxa lagu yiri: "Yuhuud baa idin sixirtay oo la idiin dhali maayo")[6].
Caa'isha (RC) waxaa laga weriyay: (Wiilasha dhasha ayaa Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) loo keeni jiray, wuuna barakayn jiray una dhanxanagayn jiray)[7].
Abuu-Muusa Al-Ashcari (RC) waxaa laga weriyay inuu yiri: (Wiil baa ii dhashay, markaas baan Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ula tegay, intu Ibraahim u bixiyay buu timir ugu dhanxanageeyay, inuu Alle barakeeyana ugu duceeyay, dabadeedna ii dhiibay)[8].
Timir haddii la waayo, dhallaanka waxa loogu dhanxanagayn karaa malab, haddii la waayana macmacaan kii markaas la heli karayo.
4- WALQAL
Salmaan ibnu Caamir Ad-Dhabi (RC) waxaa laga weriyay Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inuu yiri: (Dhallaanka waxaa la socda walqal ee dhiig u daadiya, dhibkana ka dheereeya)[9].
Samura ibnu Jundub (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Dhallaan kastaa wuxuu u xiranyahay walqalkiisa, waxa loo walqalaa maalintiisa toddobaad, waa loo magac bixiyaa, madaxana waa laga xiiraa)[10].
Ummu-Karaz Al-Kacbiya (RC) waxaa laga weriyay inay Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) walqasha wax ka weydiisay, uuna yiri:(Wiilka waxa laga gawracayaa laba Ari ah, gabadhana mid, idinna dhibi mayso inay lab yihiin iyo inay dheddig yihiin)[11].
Walqalka afka Carabiga waxa lagu yiraa "Caqiiqa", micneheeduna waxa weeye gawrac iyo goyn, maadaama neefka walqalka la gawraco, hilibkiisana la googooyo. Haddaba, caqiiqada ama walqalka waxa loola jeedaa neefka dhallaanka maalinta toddobaad ee dhalashadiisa laga gawraco, iyadoo Eebbe looga mahadcelinayo ubadkaas uu qofka siiyay, wiil ha ahaado ama gabar eh.
Imaam Maalik wuxuu yiri: (Walqalku agtayada waxa weeye wiilka Ri’, gabadhana Ri’, waajibna ma aha, ha yeeshee in lagu dhaqmaa waa sunno. Neefka walqalka ma bannaana inu il la’aado, ama caato ahaado, ama xubin ka jabnaado, ama jirranaado. Hilibkiisa iyo haraggiisa waxba lagama iibiyo, qoyskuna hilibkiisa wax buu ka cunaa, waxna wuu sadaqaystaa, dhiiggiisana dhallaanka waxba lagama taabsiiyo)[12].
Waqtigii jaahiliga dadku ubadkooda way u walqali jireen, kolkay neefka bireeyaanna dhiigga ayay madaxa ka marin jireen iyagoo dhiigga neefka barakaysanaya. Haddaba Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) walqalkii iyo neefkii la qalayay wuu qiray, ha yeeshee madaxii dhiigga la marinayay wuu diiday.
Burayda Al-Aslami (RC) waxaa laga weriyey: (Waqtigii Jaahiliga kolka midkeen dhallaan u dhasho intuu Ri’ gawraco ayuu dhiiggeeda madaxa uga malaasi jiray, kolkuuse Eebbe Islaamka inoo keenay Ri’ baynu gawrici jirnay, "dhallaankana" intaan madaxa ka xiirno ayaynu Sacfaraan ka marin jirnay)[13].
Waqtiga in dhallaanka loo walqalaa ay sunnada tahay waxa weeye maalinta toddobaad ee dhalshadiisa, waxana loo daliishaday Xadiithkii Samura ee aynu soo sheegnay. Hase yeeshee culimada badankoodu waxay isku raaceen inay maalinta toddobaad sunno tahay, haddii la yeeli waayo maalinta afar iyo tobnaad, haddii la yeeli waayo maalinta koow iyo labaatanaad, haddii ay suuroobi weydo, waxa laga gawrici karaa mar kasta ooy suurta gasho.
Faa'idooyinka Walqalka:
· Waxa weeye sunno sunnooyinkii Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) kamid ah oo la noolaynayo, lana raacayo, si Janno loogu helo.
· Waxa weeye Alla bari Eebbe loogu dhowaanayo, dhallaanku marka ugu horraysa ee uu dunida usoo baxana laga bixinayo.
· Walqalku aad buu dhallaanka u anfacaa marka laga eego xagga ducada dadka neefka walqalka hilibkiisa cunaa ay u duceeyaan.
· Waxa uu furaa xarigga dhallaanka, maxaa yeelay walqalka ayuuba u xiran yahay. Xarigga laga hadlayaa waxa weeye haddii aan loo walqalin in aanu waalidkiis maalinta qiyaamo u shafeeci karin.
· Waxa lagu madax furtaa dhallaanka, siduu Eebbe sarreeye Nabi Ismaaciil (CS) wanka ugu madax furtay.
Sidaynu horeba usoo sheegnay wiilka waxa laga gawracayaa laba Ari ah, haddii la awoodo, haddiise aan la awoodin hal Ri' ayaa laga gawracayaa. Gabadha iyada hal Ri' ayaa laga gawracayaa sidaynu hore usoo sheegnay.
Haddaba, waxa laga yaabaa in dadka qaar isweydiiyaan, doodna ka keenaan sababta gabadha hal Ri' looga gawracayo wiilkana laba Ri'. Jawaabta su'aashaasi waxay noqonaysaa sidatan: Waa marka hore ee qofka muslinka ahi waa in wax kasta oo uu Islaamku amrayo uu u hoggaansamo, wax kasta oo uu ka reebayana ka haro.
Eebbe wuxuu Aayadda Qur'aanka ah ku yiri:
(Rabbigaa baan ku dhaartaye maya oo xaqa rumayn maayaan jeer wixii ay isku qabtaan ay garsoore kaaga dhigtaan, dabadeedna waxaad go'aamiso aanay naftoodu xumaan u qaadan, dhiibisna talada kuugu dhiiban) (An-Nisaa': 65).
Haddaba, mar haddii amarka walqalka iyo sida loogu qaybiyay wiilasha iyo gabdhuhu uu Rasuulkii Alle (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) kasoo fulay, qof kastoo muslin ah waxa waajib ku ah inuu amarkaas isu dhiibo oo fuliyo.
Tan labaad, waxaa laga yaabaa inay arrintaas keentay iyadoo la doonayo in la muujiyo awoodda jireed iyo mas'uuliyadda maamul iyo dheellitiranka dareen caadifadeed ee uu Alle Ragga u hibeeyay darteed in sidaas loo yeelay.
Alle wuxuu leeyahay:
(Raggu waxay haweenka ku dhaqaan wixii Alle qaarkood "ragga" qaarka kale "dumarka" dheeraysiiyay iyo maalkooda ay ku biilaan) (Suurat An-Nusaa': 34).
Guud ahaan, neefka walqal ahaanta loo gawracayo waa inuu sanad dhammaystay sanadkii labaadna galay, waana in aanu wax ceeb ah lahayn sida; indha la'aan, cawirnimo, caatanimo iyo jiisnimo. Waa in aanu noqon; neef dheg go'an, neef dib go'an, neef ilka la' oo ilkihiisii intii badnayd hoobteen ama neef waalan oon la daajin karin. Hase yeeshee ceebaha yaryar sida; dheg dillaacsan, gees jaban, neef dhutinaya laakiin socon kara, neef ilkaha qaar jaban yihiin hase yeeshee badankoodu joogaan, iwm., waa la gawraci karaa.
Kolka walqalka la gawracayo waxa bannaan in magaca dhallaanka loo walqalayo lagu gawraco waase in magaca Alle laga hormariyo. Caa’isha (RC) waxaa laga weriyay: (Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: Magaciisa “dhallaanka” ku gawraca oo dhaha: Bismillaah, Alloow adaa iska leh adigayna kuu noqonaysaa, kani waa walqalkii hebel)[14]. Waxa kale oo bannaan in inta Bismillaah la yiraahdo, qof "hebel" in loogu walqalayo la niyaysto, iyadoon afka laga sheegin. Wallaahu aclam.
Waxa la sheegay in neefka walqalka waslad waslad ama xubin xubin loo googoyn jiray iyadoon laf laga jebin. Xikmadda arrintaas ku jirtaa waxa weeye in sharafta raashinka ama hadiyayntiisa deriska iyo danyarta la siinayo loo muujiyo, taasi oo ah in hilib isqaba oon la jejebin, xubinna laga goyn la siiyo. Falka caynkaas ahi wuxuu aad u qiiro geliyaa taagleyda, dareensiiyaana inay dad qiimo leh oo xubintooda aan laga kala goyn yihiin.
Waxa kaloo falka caynkaas ah Alle looga saadsadaa, loogana baryaa inuu xubnaha dhallaankaas iyo caafimaadkiisa dhawro, mar hadduu walqalku ka dhigan yahay madax furasho dhallaanka lagu furanayo.
Walqalka hilibkiisa iyo maqaarkiisa midna lama iibiyo, qofka qalaya iyo kan karinaya midna kiro ahaan looma siiyo, ee waa la sadaqaystaa. Laf lagama jebiyo. Reerku way cunaan, wayna sadaqaystaan.
Abuu-Daa'uud (5105), Tirmidi (1514).
Abuu-Daa'uud (2835), Tirmidi (1522), Nasaa'i (4220), Ibnu-Maaja (3165).
Bogga Hore |