XUQUUQDA DHALLAANKA (2)

 5- MADAX XIIRID

Salmaan ibnu Caamir Ad-Dhabi (RC) waxaa laga weriyay inuu Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) yiri: (Dhallaanka waxaa la socda walqal, ee dhiig u daadiya, dhibkana ka dheereeya)[1].

Dhibka ka dheereeya wuxuu ula jeeday timaha ka xiira.

Samura (RC) waxa laga weriyay inuu yiri: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Dhallaan kastaa wuxuu u xiranyahay walqalkiisa, waxaa loo walqalaa maalintiisa toddobaad, waa loo magac bixiyaa, madaxana waa laga xiiraa)[2].

Dhallaanka oo maalintiisa toddobaad madaxa laga xiiro, timihiisa muggood oo qalin ahna dadka masaakiinta ah lagu sadaqaystaa waa xaq waalidka iyo ciddii barbaarintiisa ka mas'uul ah uu ku leeyahay, waxayna kamid tahay sunnada Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam).

Madax ka xiirista dhallaanka waxa ku jira laba ujeeddo oo kala ah.

 1- Ujeeddo Caafimaad: Yixda[3] oo dhallaanka laga xiiraa waxay adkaysaa timihiisa, waxay furtaa daloollada madaxa, waxayna xoojisaa dareemayaasha; aragga, urta iyo maqalka.

 2- Ujeeddo Bulsho:Timaha muggood oo qalin ahoo la sadaqaystaa waxay kaqayb qaadataa dabargoynta saboolnimada, waxayna kordhisaa isku duubnida iyo isu-samafalka bulshada.

Dhallaanka kolka timaha laga xiirayo, waa in si quman madaxa oo dhan looga wada xiiro ama aan lagaba xiirin ee loo wada daayo.

Ibnu Cumar (RC) waxaa laga weriyay: (Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu diiday dhoorka)[4].

Waxaa la weriyey in Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) kolkuu tima jaruhu Xasan iyo Xuseen madaxa ka xiirayo uu la joogi jiray oo aanu keligiis u dhaafi jirin si qaabkuu ugu xiirayo uu ula socdo.

Sidoo kale, dhiigga dhallaanka la geliyo kolka madaxa laga xiirayo ama buuryada laga goynayo Islaamku wuu reebay.

 Burayda Al-Aslami (RC) waxaa laga weriyey: (Waqtigii Jaahiliga kolka midkeen dhallaan u dhasho intuu Ri’ gawraco ayuu dhiiggeeda madaxa uga malaasi jiray, kolkuuse Eebbe Islaamka inoo keenay Ri’ baynu gawrici jirnay, "dhallaankana" intaan madaxa ka xiirno ayaynu Sacfaraan ka marin jirnay)[5].

 

6- MAGAC BIXIN

Samura (RC) waxa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu yiri: (Dhallaan kastaa walqalkiisa ayuu u xiranyahay, waxa loo walqalaa maalintiisa toddobaad, waa loo magac bixiyaa, madaxana waa laga xiiraa)[6].

Aanas ibnu Maalik (RC) waxa laga weriyay: (Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu yiri: (Caawa waxa ii dhashay wiil aan ugu magac daray aabbahay Ibraahim)[7].

Xuquuqda dhallaanka waxa kamid ah in kolka uu dhasho labadiisa waalid ay magac lagu aqoonsado, dadkana looga soo dhex saaro u bixiyaan, shareecada islaamkuna arrintaas daryeel gaar ah bay siisay.

Haddaba labadii Xadiith ee aynu soo sheegnay waxa aad ka garan kartaa in dhallaanka maalintay dhashaan loo magac bixin karo ama dib loogu dhigi karo ilaa maalinta toddobaad ee loo walqalayo, Islaamkuna arrinta ciriiri inagama aanu gelin.

Xagga magacyada ubadka loo bixinayo haddaynu u galno, waxa loo baahan yahay in ubadka magac wanaagsan oo macaan loo dooro, lagana ilaaliyo magacyada xunxun.

Ibnu Cumar (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu yiri: (Magacyadiinna Eebbe wuxu ugu jecel yahay Cabdullaahi iyo Cabdiraxmaan)[8].

Diinta Islaamku waxay qabtaa in waalidka loogu naanayso magaca curadkiisa, looguna yeero abuu-hebel (hebel-aabbihiis). Haddii magaca curadkiisu uu Cumar yahay waxa lagu naanaysaa Abuu-Cumar.

Haani (RC) waxa laga weriyay: Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ayay qolo wafdi ahaan ugu timid. Nin kamid ah qolada ayuu dabeeto Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) maqlay iyadoo loogu yeerayo Abul-Xakam (Garsoor-Aabbihiis). Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) intuu ninkii u yeeray ayuu ku yiri: (Ilaah baa garsoore ah taladuna u noqonaysaaye maxaa Abul-Xakam laguugu naanaysay?). Ninkii wuxu yiri: (Qoladaydu hadday gar isku qabtaan aniga ayay iila yimaadaan, markaas baan garta gooyaa, labada dhinacna raalli ku noqdaan). Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu yiri: (Waa arrin aad u wanaagsan ee carruur maleedahay?). Wuxu yiri: (Shurayx, Maslama iyo Cabdullaahi). Wuxu yiri: (Kee ugu weyn?). Wuxu yiri: (Shurayx). Markaas buu Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) yiri: (Haddaba waxaad tahay Abuu-Shurayx)[9].

Hadday haddaba aabbaha iyo hooyadu cidda dhallaanka magaca u bixinaysa isku qabtaan, magac bixinta aabbahaa xaq u leh, mar hadday Axaadiithtii aynu soo sheegnay sidaas tilmaamayeen sida Xadiithkii Aanas ibnu Maalik (RC) ee ahaa: (Caawa waxa ii dhashay wiil aan ugu magac daray aabbahay Ibraahim)[10].

Tan kale, Alle wuxuu Qur'aanka ku sheegay in ubadku uu aabbihiis ku abtirsanayo oo aanu hooyadiis ku abtirsanayn, hebel hebelna loogu yeerayo ee aan hebel heblood loogu yeerayn.

 Alle wuxuu yiri:

(Ugu yeera magacyada aabbeyaashood, sidaas baa Alle agtiis ugucaddaaladsane) (Al-Axzaab: 5).

Waxa haray in aynu tilmaanno in magaca qofka laga beddeli karo ama uu beddelan karo, hadday sidaas maslaxaddu ku jirto.

 Cali ibnu Abii-Dhaalib (RC) waxa laga weriyay: Markuu Xasan dhashay baan Xarbi u bixiyay. Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ayaa markaas intuu yimid yiri: (Wiilkayga itusiya, maxaad u bixiseen?). Waxaan niri: Xarbi. Wuxuu yiri: (Mayee waa Xasan). Markuu Xuseen dhashay baan misana Xarbi u bixiyay, Nabiguna (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) intuu yimid buu yiri: (Wiilkayga itusiya, maxaad u bixiseen?).Waxan niri: Xarbi. Wuxuu yiri: (Mayee waa Xuseen). Markuu wiilkii saddexaad dhashay baan Xarbi u bixiyay. Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) intuu yimid buu yiri: (Wiilkayga itusiya, maxaad u bixiseen?). Waxan niri: Xarbi. Wuxuu yiri: (Mayee waa Muxsin)[11].



[1]Bukhaari (5472).

[2]Abuu-Daa'uud (2838), Tirmidi (1522), Nasaa'i (4220), Ibnu-Maaja (3165).

[3]Yix: Timaha uu dhallaanku ku dhasho.

[4]Bukhaari (5920, 5921), Muslim (2120/113).

[5]Abuu-Daa'uud (2843).

[6]Abuu-Daa'uud (2838), Tirmidi (1522). Nasaa'i (4220), Ibnu-Maaja (3165).

[7]Muslim (2315).

[8]Muslim (2132).

[9]Abuu-Daa'uud (4955), Ibnu-Xibbaan (504), Nasaa'i (5387).

[10]Muslim (2315).

[11]Xaakim (Al-Mustadrak calas-Saxiixayn: 3/165: 4773).

 

Bogga Hore