XUQUUQDA DHALLAANKA (3)
7- GUDNIIN
Abuu-Hurayra (RC) waxa laga weriyay inuu yiri: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu yiri: (Abuurku[1] waa shan; gudniinka, bisqin bir ku xiirashada, shaaribbo gaabinta, ciddiyo jarista iyo kilkilo rifidda)[2].
Ereryga Gudniin waxa loola jeedaa (goyn), waana ta birta geedaha lagu gooyo lagu magacaabo Gudin. Haddaba marka laga eego xagga Shareecada Islaamka, gudniinka wiilku waxa weeye in laga gooyo qolfada oo iyadu ah maqaarka ku dahaaran dhalfada oo ah madaxa xubinta taranka.
Gudniinka ragga waxa looga dayday Nabi Ibraahim (CS). Nabi Ibraahim (CS) oo isaga loogu yeero Nabiyada Aabbohood, waxa uu Eebbe ina farayaa inaynu qaadanno diintiisii, oo wixii isaga la faray waa inaynu qaadanno wixii laga reebayna aynu ka fogaanno.
Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Ibraahim (CS) Qaduum ayuu isku guday isagoo siddeetan jir ah).
Haddaba, gudniinku waxa weeye qaybaha abuurka dabiiciga ahe qofka laga doonayo qaybta ugu horraysa, arrimahaas shanta ahna Eebbe ayaa Nabi Ibraahim (CS) amray, waxayna kamid yihiin ereyadii uu ku ibtileeyay.
Aayadaha Qur'aanka ah ee caddaynaya sida ay waajib inoogu tahay inaynu Nabi Ibraahim (CS) raacno way badan yihiin, waxana kamid ah:
(Markaas baan kuu waxyoonnay "Nabiyoow" in aad raacdid diinta "Nabi" Ibraahim ee toosan, kamana uusan mid ahayn "Ibraahim" kuwa Alle shirkada u sameeyay) (An-Naxal: 123).
Haddaba su'aashu waxa weeye gudniinku ma waajib baa mise waa sunno?. Culimada qaar waxay leeyihiin gudniinku waa waajib, waxana kamid ah: Imaam Maalik, Imaam Shaafici iyo Imaam Axmed. Imaam Maalik isagu aad buuba u adkeeyay oo wuxuu yiri: (Ninkaan la gudini Imaam ma noqon karo, maragna ma geli karo oo dhaartiisa la aqbali maayo). Raggaasi waxay daliishadeen Aayaddii aynu soo sheegnay iyo weliba Xadiith saxiix ahoo uu Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ku yiri: (Hadday labada gudniin kulmaan qubays baa waajibay).
Ragga sunnanimada gudniinka ku dooday waxaa kamid ah Imaam Abuu-Xaniifa iyo Imaam Xasan Al-Basri. Imaam Xasan Al-Basri wuxu yiri: (Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxa ku ag islaamay Caddaan, Madoow, Roomaan, Faarisi iyo Xabashi, midkoodna weligiis ma aanu baarin ama inuu baaray ma aanan maqal).
Ibnu-Qayim Al-Jawziya isagoo ka jawaabaya hadalkaas Imaam Xasan Al-Basri wuxuu yiri: (Looma baahnayn in la baaro, maxaa yeelay Carab oo dhami way is gudi jirtay, Yuhuud oo dhamina way is-gudi jirtay. Waxa haddaba soo haray Nasaaro (Kirishtaan) oo qura, iyaguna waxay ahaayeen laba qaybood: Qayb is-gudda iyo qayb aan is-gudin, cid kasta oo diinta Islaamka iyaga iyo qayrkoodba soo gashaana way ogayd in hal-kudhigga Islaamku "gudniin" yahay. Sidaas darteed iyagaaba kolkay Islaamka soo galaan iskood isu gudi jiray siday iskood ugu qubaysan jireen, qofkii da' ah ooy dhib ku tahayna waa laga dhaafi jiray).
Faa'idooyinka gudniinka Ragga:
Gudniinka ragga faa'iidooyinka ku jira waxa kamid ah:
Faa'idooyin Islaannimo:
Waa abuur Eebbe Aadanaha ku abaabiyay. Waxa lagu gartaa qofka muslinka ah, waana halku-dhig iyo cinwaan islaannimo. Waxa weeye u hoggaansamid amarka Alle iyo raacid sunnadii aabbeheen Ibraahim (RC).
Faa'idooyin Caafimaad:
Qolfada oo la jaro wuxuu jirku uga takhallusayaa wixii wasakh, jeermis, nijaaso iyo ur maqaarkaasi la jaray ku hoos jiray. Cudurrada kaadi mareenka raggu (yar iyo weyn) waxay ku badan yihiin kuwooda aan gudnayn. Cudurrada galmada laysku qaadsiiyo sida Jabtida iyo Aydhisku aad bay ugu badan yihiin ragga aan gudnayn.
Waxa intaas dheer, lana ogaaday waqti fog in gudniinka raggu uu yareeyo cudurka Kansarka ku dhaca xubnaha taranka ragga iyo kan ku dhaca Ilma-galeenka dumarka.
Dalalka Yurub iyo Maraykanka waxa jira dad badan oo isu guda si ay cudurradaasi iyo qaar kale oo badan uga badbaadaan.
Goormee sideese loo gudayaa?:
Waxa Qolfada laga gooyaa qayb goynteedu ay suurtagal ka dhigi karto in dhalfada oo dhan amaba inteeda badani ay qaawanaato. Wiilasha qaar baa qolfo la'aan ku dhasha (iyagoo gudan). Haddaba dhallaanka caynkaas ah hadday qolfadoodu intii loo baahnaa ka go'an tahay gudniin uma baahna, haddiise aanay wada go'nayn, inta ka dhiman baa la goynayaa.
Gudniinku waxa uu leeyahay laba waqti oo kala ah: Waqti uu waajib yahay, kaas oo ah waqtiga uu qofku qaan gaar ku dhowyahay iyo waqti uu sunno yahay oo ah intaanu qaan gaarin.
Culimada badankoodu waxay qabaan inay wanaagsan tahay in wiilka la gudo maalinta toddobaad ee dhalashadiisa, inuu taag daran yahay mooyee, markaasi oo ilaa iyo inta uu ka ladnaanayo dib loogu dhigayo. Waxay qabaan in gudniinka waqtigaas ahi dhallaanka u naxariis badan yahay, maadaama jirkiisu uu kabaabyaysan yahay oo xanuun garasho aanu gaarin, dhaawaciisuna dhaqso u bogsanayo.
Layth ibnu Sacad wuxuu yiri: (Wiilka waxa lagu gudayaa toddoba sano jir ilaa toban sano jir). Waxa kaluu sheegayNabi Ibraahim(CS) inuu wiilkiisii Isxaaq (CS) toddoba sano jir ku guday, wiilkiisii Ismaaciilna (CS) saddex iyo toban jir ku guday).
Saciid ibnu Jubayr wuxu yiri: Ibnu-Cabbaas (RC) ayaa la su'aalay: Maxaad ahayd markii Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) la oofsanayay?. Wuxuu yiri: (Maalintaas waan gudnaa, ninkana ilaa uu da' kala garasho gaaro may gudi jirin).
Werin kale wuxuu ku yiri: (Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxa la oofsaday anigoo gudan).
GUDNIINKA DUMARKA
Gudniinka gabadhu waxa weeye in qolofta kintirka ku dahaaran ee dhoorka Diiqa la moodo la jaro, kintirka laftiisana qaybta dibadda usoo baxsan laga jaro, hase yeeshee aan la wada dabar goyn.
Gudniinka dumarka halka laga keenay haddii dib loo raaco, waxa la yiri: (Markii ay Saara Nabi Ibraahim (CS) Haajar u hibaysay ayuu u galmooday, uur bayna qaadday. Saara markaas intay masayrtay bay ku dhaaratay inay "Haajar" saddex xubnood ka goyn doonto. Nabi Ibraahim (CS) baa markaas inay sanka iyo labada dhegood ka jarto ka baqay. Markaas buu faray inay dhegaha ka dalooliso oo guddo. Sidaas bay Haajar ku noqotay dumar tii ugu horraysay ee la gudo, dhegaha loo dalooliyo, mara dheerna dhulka ku jiidda. Sidaas bayna dumarkii ka dambeeyay oo dhan sunno ay ku daydaan ugu noqotay)[10].
Qur'aanka kariimka ah laga heli maayo hal Aayad oo gudniinka dumarka si toos ah iyo si dadban midnaba uga hadashay. Sidoo kale, hal Xadiith oo saxiix ah ama go'aan ay culimadu isku raaceen oo gudniinka dumarka bannaynayaa ma jiro. Teeda kale, Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu dhalay afar gabdhood inu gabdhihiisa gudayna sunnadiisa iyo siiradiisa midna laguma soo hadal qaadin.
Xadiithka ugu caansan ee gudniinka dumarka loo daliishadaa waa ka Ummu-Cadhiya Al-Ansaariya looga weriyay in Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) uu haweenay dadka Madiina ku gudi jirtay ku yiri: (Haddaad gudayso ha tabar tirin, sidaas baa naagta u fiican ninkuna jecelyahay eh)[11].
Xadiithkaas aynu soo sheegnay oo ay Bayhaqi (Al-Kabiir) iyo Al-Khadhiib Al-Baghdaadi (At-Taariikh) iyo rag kaleba siyaabo kala duwan u weriyeen, culimada badabkoodu way daciifiyeen, sidaas darteed xujo lagama dhigan karo. Haddaynu kaba dhigno inu saxiix yahay, farriinta ku jirtaa ma aha amar uu Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ku bixiyay in gabdhaha la gudo ee waxa weeye haddiiba la gudayo qaabkii loo gudi lahaa. Erayga "ha tabar tirin" waxa weeye "dareenka ha ka qaadin oo ha dilin ee qayb ay ku raaxaysato u reeb, waxana loola jeedaa in qayb aad u yar uun laga jaro inta muuqata ee goobta la gudayo, maxaa yeelay haweenayda sidaasaa u fiican maadaama ay isu arkayso inay tahay qof dareen iyo rabitaan leh, ninkuna jecelyahay, sababtoo ah nin kastaa kolkuu arko xaaskiisa oo hawsha la wadda, wuu u bogayaa kunasii kacayaa.
Culimada u ole’olaysa gudniinka dumarku waxay soo daliishadaan Xadiithka Sayida Caa’isha (RC) laga weriyay ee Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) uu ku yiri:(Hadday labada gudniin kulmaan qubays baa waajibay)[12]. Culimadaasi waxay leeyihiin: Ereyga "labada gudniin" wuxuu daliil u yahay gudniinka ragga iyo dumarka labadaba.
Hase yeeshee, culimada qaarka kasoo horjeeda gudniinku iyaguna waxay ku doodayaan in ereygaasi aanu daliil u noqon karin gudniinka dumarka. Waxay leeyihiin Afka carabiga kolka laba wax la magacaabayo waxa labadoodaba lagu magacaabaa magaca kan caansan ama awoodda badan. Waxay tusaale usoo qaadanayaan ereyo fara badan sida Al-Qamaraan (labada bil) oo loola jeedo bisha iyo qorraxda, Al-Cishaa'aan (labada cishe) oo loola jeedo maghribka iyo cishaha, Ad-Duhraan (labada duhur) oo loola jeedo duhurka iyo casarka, Al-Abawaan (labada aabbe) oo loola jeedo aabbaha iyo hooyada.
Waxay tusaale xoog leh usoo qaateen Aayadda Qur'aanka ah:
(Labada badoodna ma sinna oo tanina waa macaan muguc ahooy cabisteedu qurquro tahay, tanina waa cusbo qaraar badan) (Faadhir: 12).
Labada bad kan hore ee macaani waa webi kan dambe ee qaraarina waa bad. Sidaas daraadeed bay leeyihiin sunnada Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ee saxiixa ah gudniinka dumarku meelna kama soo galo, waxa lagu doodayo oo Axaadiith gudniinka dumarka ku saabsani gebigood waa wada daciif aan shir lala tegi karin, arrinkuna ma sii dhaafsana caado uu Islaamku waqtiga iyo horumarka cilmiga u daayay, markaas ama iyagu ha toosiyaan ama ha tiraane.
Casrigaan culimadu waxay gudniinka ka qabaan haddaan eegno:
Guddiga joogtada ah ee cilmi baarista iyo iftada Sacuudigu waxay go'aamiyeen: (Gudniinku ragga waa ku waajib dumarkana waa u sharfid).
Dr. Yuusuf Al-Qaradaawi kolkii la weydiiyay: Islaamku muxuu ka qabaa gudniinka dumarka?. Wuxuu yiri: (Mawduucaas culimada iyo dhakhaatiiruba way isku khilaafeen. Nabiguna (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) haweenay hawshaas qaban jirtay wuxuu ku yiri: (Kurtun u reeb hana tabar tirin, maxaa yeelay sidaasaa wejiga u farxad badan ninkana u fiican". Kurtun u reebna waxa loola jeedaa: (yaree), ha tabar tirinna waxa loola jeedaa: (ha dabar goyn). Sidaas baa aniga ila quman, haddii la iska daayana dembi ka iman maayo maxaa yeelay waa uun sharfid).
Maxaa daciifinaya Gudniinka Dumarka?:
Qodobbada ay daliishanayaan culimada iyo dhakhaatiirta gudniinka dumarka diidaya haddaynu soo koobno waa sidatan:
1- Qur’aanka kariimka ah si toos ah iyo si dadban toona looga heli maayo wax haba yaraatee in dumar la gudo tilmaamaya.
2- Axaadiithta ku saabsan gudniinka dumarku gebigood waa daciif aan la daliishan karin.
3- Axaadiithta haddiiba laga dhigo inay saxiix yihiin farriinta ku jirtaa ma aha in gabdhaha la gudo ee waxa weeye haddiiba la gudayo qaabkii loo gudi lahaa.
4- Waxa uu keenaa dareenka rabitaanka galmada oo yaraada.
5- Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu dhalay afar gabdhood, gabdhihiisa mid kamid ah inuu gudayna cid sheegtay may jirto, hadduusan Nabigii sunnada looga dayanayay gabdhihiisii gudinna maba la oran karo waa sunno.
GUDNIINKA FIRCOONIGA
Gudniinka Fircooniga ahi[15] waxa weeye caado aan wax shaqo ah ku lahayn diinteenna Islaamka, balse soo jirtay kumanaan sano, ayna faraaciintii hore dadka ku khasbeen, gaar ahaan casrigii Ramsiis oo ahaa kun sano kahor dhalashadii Nabi Ciise (CS).
Faraaciintu kolkay Suudaan (Dhulkii Nuubiyiinta) qabsadeen sidoo kalena boqorradii Nuuba ay Masar qabsadeen bay caadada gudniinka Fircooniga ahi waxay ku fidday waadiga Niil ilaa iyo waqtigaan la joogana way ka jirtaa. Ma jirto dunida meel aan waadiga Niil iyo waddamada ku dhowdhow ahayn oo laga yaqaan caadadaasi. Tusaale ahaan, lagama yaqaan dalalka waqooyiga Afrika ee Muslinka ah sida: Tuuniisiya, Marooko, Aljeeriya iyo Mawritaaniya. Sidoo kale, lagama yaqaan: Shaam (Suuriya, falastiin, Lubnaan iyo Jordan), Jasiiradda Carabta, Ciraaq iyo Yaman toona. Waxaa la hubiyey in gudniinka caynkaasi ah laga isticmaalo oo qura dalalka Masar, Suudaan, Soomaaliya, Kiinya iyo dalal Afrikaanka madoow ah oo Saxaraha ka hoos ku dhaca.
Fulinta Gudniinka Fircooniga:
Gudniinka Fircooniga ahi waxa uu khasab ka dhigayaa in la jaro qayb kamid ah bushimaha waaweyn ee cambarka iyo gebi ahaanba in la dabar jaro bushimaha yaryar iyo kintirka. Dabadeed bushimihii waaweynaaye qaybta laga jaray inta qori dhuuban (sida kan kabriidka) la dhex suro ayaa dhinacyada laga soo qodbaa, amaba lama qodbee, labada bawdo ee gabadha la gudayo layku dabraa, si dhaawacii bushimuhu isugu bogsado (baanto). Afartan beri keddib baa dabarka laga furaa si loo hubiyo inuu cambarkii gebi ahaamba isku baantay. Qoriga yare dhexda la suray waxa loogu talagalay in kolkay bushimuhu isku baantaan (bogsadaan) inta laga dhex siibo uu reebo dalool yar ooy gabadhu ka kaadiso, kolkay qaangaartana dhiigga caadadu kasoo baxo. Sidaas baa haddaba dumarkayaga looga xayuubiyaa xubintii taranka ee uu Eebbe u sameeyay.
Gabadha sidaas loo galay waxa nafteeda iyo nolosheeda hareeya nacayb iyo cadawtinimo, mar haddaanay galmada ninkeeda sidii dabiiciga ahayd ee laga doonayay ugala qaybgeli karin. Waxay weysaa raaxadii ay ka heli lahayd galmada saxda ah, waxana nafteeda ku dhasha welwel iyo walbahaar, dareentaana inay tahay baadi, dhankay dabayshu u socoto kahor jeedda, iyadoo weliba isu qaadata inay samaynayso hawl ay ku khasban tahay. Haweenayda caynkaasi ah waxa ku abuurma cudurro nafsiyeed, jireed iyo jinsiyeed fara badan, waxayna isu dhiibtaa xanuun iyo taag darri ugu dambaynta ku dhaliya qaboow jinsiyeed (dareen galmo macaansi la'aan), waana aafada ugu daran ee qayb libaax ka qaadata khilaafaadka maanta guri Soomaaliyeed oo ka marani uu yaryahay.
Dhibaatooyinka Gudniinka Fircooniga :
Gudniinka Fircooniga dhibaatooyinkiisa waxaa kamid ah:
Shoogga Qalliinka:
Shoog xoog leh baa ku dhasha shaqada xubnaha jirka oo dhan, gaar ahaan haddii gabadha iyadoon la kabaabyayn la gudo. Shooggaasi waxa uu keenaa cufnaanta dhiigga oo si aad ah hoos ugu dhacda iyo xawaaraha neefsashada oo isdhima, waxyaabahaas ooy isu geyntoodu geeri keeni karto. Shoogga qalliinku waxa kaloo uu gabadha ku abuuraa baqdin joogta ah iyo galmada oo ay ka diddo.
Dhiig bax:
Waxa taas keena haweenta inanta gudaysa oon haba yaraatee wax aqoon ah u lahayn xididdada dhiigga qaada ee goobahay jarayso ka buuxa. Hablo badan baa gawracaas naxariis darrada ah awgiis sanad walba dalalka Suudaan iyo Masar dhiig bax ugu dhinta.
Hambalaaluq (Infection):
Sababtu waxa weeye aqoon darri ku saabsan aasaasiyaadka cilmiga caafimaadka. Hambalaaluqa waxa keena cudur-sideyaal soo raaca qalabka aan nadiifka ahayn mararka qaarna ruujinada ahe lagu gudayo iyo xaaladda nadaafad-xumo ay gabadhu ku nooshahay labadaba.
Kaadida iyo Dhiigga Caadada oo ku xirma:
Waxaa laga yaabaa in kolka gawraca (gudniinka) la samaynayo uu daloolka kaadidu dhaawacmo, maadaama uu si ba'an ugu dhow yahay kintirka la dabar jarayo. Waxa kaloo laga yaabaa in daloolka dusha sare lagu abuurayo (Ilaah baa wax abuuri karee) uu aad ciriiri u noqdo oo laftiisu qayb ahaan ama guud ahaanba dhaawaca la bogsado, sidaasina uu ugu dhoco xanuun joogta ah, iyadoo ku xanuunsata kaadida iyo caadada intaba. Waxa mararka qaar dhacda in dhiiggii caadadu uu soo dhaafi waayo oo gudeheeda ku aruuro ama kusoo kala haro, sidaasna infection ku qaaddo.
Xanuunka Dhiigga Dhalmada:
Haweenaydu mar kasta ooy umulayso waxa lagama maarmaan ah in maqas iyo middiyo lagu isticmaalo, si loo dillaaciyo looguna sameeyo dalool uu dhallaanku soo dhaafi karo. Mashaqadaasi haweenayda miskiinta ah iyadaa inuu xanuunka dhiigga dhalmada ee dilaaga ahi ku dhoco ugu filan. Ka fekerka qalliinka ku soo fool lihi waxa kaloo uu haweenayda ku dhaliyaa baqdin iyo welwel gaarsiin kara in dhallaankii sooba dhaafi waayo ooy markaasi qalliin kii hore kasii xag jira u baahato, say u dhasho.
Qaboow Jinsiyeed:
Gudniinka gudniinka Fircooniga ahi wuxuu gabadha ku abuuraa qaboow jinsiyeed (dareen galmo macaansi la'aan). Arrintu sharraxaad intaas dheer uma baahna, meesha aan ka guuxayo mar haddii la wada garanayo.
Aragtida Diinta Islaamka:
Culimada Islaamku gebi ahaanba way kasoo hor jeedaan gudniinka Fircooniga ah, waxayna leeyihiin iskaba daa in gudniinka caynkaas ahi waajib, sunno amaba sharfid yahaye, waxa weeye burcadnimo iyo beddelis lagu samaynayo abuurka Eebbe. Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxa uu lacnaday haweenka is shaabbadeeya iyo kuwa wax shaabbadeeya labadaba. Shaabbadu waxa weeye in cirbad iyo wax lamid ah jirka qayb kamid ah lagu mudmudo, si goobahaasi midab cagaar ah loogu sameeyo. Caadadaasi ilaa iyo maanta waxay ka jirtaa dalal badan, waxanan tusaale usoo qaadan karnaa dalka Itoobiya ooy dumarku ciridka cagaarsadaan. Haddaba culimada diinta Islaamku waxay gudniinka Fircooniga ah ku tiriyeen inuu yahay shaabbadayn iyo inu yahay abuurkii Eebbe oo la beddelayo.
Culimada diintu Islaamku kolkay gudniinka Fircooniga ah diidayaan waxay daliishanayaan Aayado ay kamid yihiin:
(Wax kasta wuu abuuray welibana si qiyaasan buu u sameeyay) (Al-Furqaan: 2).
(Waxa weeye Abuurkii Eebbe uu dadka ku abuuray, abuurka Eebbana lama beddeli karo) (Ar-Ruum: 30).
(Wuuna idin suuraadiyay suuraddiinnana wanaajiyay, isagaana ugu dambaynta loo noqonayaa) (At-Taghaabun: 3).
("Eebbe" waxa weeye kan Ilma-galeenka dhexdiisa siduu doono idiinku suuraadiya, Ilaah kale ma jiro waana dad-ka-deeqtoone maamul wanaagsan) (Aala-Cimraan: 6).
(Dhab ahaantii, dadka waxaynu ku abuurnay muuqaal kan ugu wanaagsan) (At-Tiin: 4).
Haddaba, iyadooy wax walbaaba sidaas Aayadaha Qur’aanka ugu cadyihiin bay misana dad badani rumaysan yihiin haddaan gabadha la gudin in aanay nadiif ahayn, dareenkeeda galmana uu hogaaminayo, sidaas darteedna gudniinku uu dumarka nadiifinayo dhawrsanaanna u kordhinayo.
Bukhaari (5889, 5891), Muslim (257).
Ibnu-Qayim Al-Jawziya (Tuxfatul-Mawduud bi-Axkaamil Mawluud: 224).
Ibnu-Kathiir (Qisasul-Anbiyaa: 1/2007).
Qaradaawi (Hudal-Islaam: Fataawaa Mucaasira: 443).
|