Warbixin ku saabsan Xaaladda Guud ee Gobolka Hiiraan, Ganacsiga, Horumarka, Caadimaadka iyo Nabadgalyada waa Sidee?

 

Wararka Maanta oo Arbaco ah- September 17, 2008


Gobolka Hiiraan waxuu ka mid yahay gobolada ugu waaweyn dalka Somaliya uguna dhaqaalaha badan marka laga hadlayo qeyraadka guud ee uu gobolku lee yahay sida beeraha, xoolaha iwm. Marka laga soo tago beeraha iyo xoolaha gobolku waxa uu ku yaalaa meel istiraatiiji ah oo waa mid isku xira guud ahaan dalka Somaliya. gobolku waxaa uu ka kooban yahay ilaa iyo 5 degmo oo waaweyn sida Belet Weyne, Bulo Burte, Jalalaqsi, Maxaas iyo Matabaan. waxaa kale oo dagaaladii kedib horumaray magaalooyin waaweyn ahne degmooyin isku filan, kuwaas oo ay ka mid yahiin Buq,aqable, ceel Ali, Moqokori, Halgan, Buurweyn, Fidow ,Aboorey iwm. tan iyo intii ay dagaalada sokeeye ka dhaceen gobolka waxaa soo maray dhibaatooyin fara badan oo ay ugu horeeyaan colaado aan dhamaad laheyn, abaaro, taas oo sababatay in uu hakad galo howlahii guud ee bulshada sida tacliinta,iyo caafimaadka.

Dhibaatooyinka aan indhaha laga qarsan karin waxaa ka mid ah.1- Nabadgalyadii gobolka oo faraha ka baxday kedib markii uu gobolku la kulmay loolan siyaasadeed aysan shaqo ku laheyn dadka u dhashay gobolka, yaas oo sababtay in dadkii jahwareeraan maadama ay la xarbinayaan nolol maalmeedka kuna qanacsan yahiin gobolkooda, halka ay rabshada iyo qulqulatooyinka dhacayo ku lug leeyahiin dad aan u dhalan gobolka marka laga reerbo tiro yar oo qaska dhinacooda ka wado.

Wax soo saarka.
Gobolka marka loo eego xiliyadii dowladii dhexe hada ayuu wax soo saarkiisu fiican yahay. waayo waxaa gobolka ka baxa qudaar kala gedisan oo nooc kasto leh. gobolka aad ayey uga badan tahay qudaarta ka baxdo marka loo eego habka ay beeraleyda wax u soo saaraan, waana badeeco loo iibgeeyo gobolada dalka sida kuwa Puntland iyo Somaliland .

Caafimaadka.
Caafimaadka gobolka ma ahan mid wanaagsan oo dadku dhibaato baahsan ayaa ka heysto dhinaca caafimaadka taasne waxaa sabab looga dhigay isbitaalka guud ee gobolada dhexe oo ku yaala magaalada Beled Weyne ayaan sidii la rabay u shaqeyn taasne waxey keentay in inta badan shacabka reer Hiiraan caafimaad u aadan magaalooyin aad uga fog amaba wadamo ay ka mid yahiin Kenya, Ethiopia iyo UAE. dhaibaatooyinka guud ee xaga caafimaadka ee haysta shacabka reer Hiiraan ayaan ku koobneyn Isbitaalka Beled Weyne laakin magaalooyinka kale qaarkood xitaa maba lahan xarumo caafimaad oo u adeega shacabka.

Waxbarashada.
Gobolka Hiiraan waxbarashadiisa ma ahan sidii la rabay marka loo fiiriyo aqoonyahanada iyo ganacsatada ka yimid gobolka ama u dhashay taas oo la dhihi karo waa laga gaabiyey dhinacaas oo maanta waxey aheyd in Hiiraan loo soo tacliin tago hadana aqoonyahanada qaar reer Hiiraan waxey difaac ka dhigtaan meeshuba nabad kama jirtee sidee tacliin looga hirgeliyaa iwm. runtii xiliga dhibaatadu jirto waaye waxa uu shacabku u baahan yahay kaalmo bini,aadanimo oo dhinac kasta leh sida waxbarashada iyo Caafimaadka oo xooga la saaro. gobolka hada waxaa ka jiro schoolo fara badan hadane ma jirto manhaj guud oo ka dhaxeeyo amaba wasaarad u xilsaaran arimahaas oo school kasta sida la quman ayuu wax ku baraa ardeyda. magaalda belet Weyne oo ah caasimada gobolka ayaa ugu waxbarsho wanaagsan gobolka maadama ay tahay magaalo aad u weyn oo dadka ku nool magaalda hareeraheeda lagu qiyaaso ilaa 150 ama 200 kun. dadka gobolka ayaa hada rajo weyn ka qaba Jaamacad Hiiraan oo iyadu ku dhaw gabo gabo bilooyinka soo socdo taas oo hada bilaabeen dadka degan Somaligalbeet bilaaban iney u soo guuraan Beled Weyne oo ah halka ay ka socoto dhismaha Jaamacada, taas oo kor u qaadi doonto dhaqaalaha gobolka waayo meel tacliin taalo iyo dhaqaalo kalama haraan.

Nabadgalyada.

Gobolka Hiiraan xaladiisa nabad galyo ma ahan mid uu ku farxayo qof reer Hiiraan ah, waayo waxaa dhibaato baahsan gobolka ku hayo loolanka u dhaxeeyo Ethiopianka, Dowlada iyo Maxkamadaha oo hada noqday dhawr garab oo kala fikir ah. guud ahaan Somaliya waxey gashay marxald la mid ah tan Afganistan waayo kooxaha ka dagaalamyo oon la ogeyn hadafkooda marka laga reebo Ethiopianka oo muhiimadoodu tahay qeybi oo xukun. laakinse Somalidu iyagu laf ahaantooda waa labo kooxood. 1- Dowlada oo rabto iney umadooda ku gumaado Ethiopian oo ku mir mirsiyooneyso wadaado xag jir ah ayaan la dagaalamayaa iwm.2- Wadaadada oo iyaguna sii kala baxa kuwo hadaf leh oo rabo in iyagoo diinta ku dagaalamayo hadane rabo in ay tii qabiilka ku dhax wadaan iyo kuwo daacad ah oo kuwaas ku biiray laakinse waxbo kala socon waxa dusha sare ka socdo sida dhaqaalaha lagu dagaalamo cida bixiso iwm. Culimadaan daacada ah ayaa hada dareensan in ay wadaadadu wax ka qaldan yahiin laakin iyagii ayaa hada sii kala miirmay.1- kuwa leh sidow ilaah ka dhigo ayey noqon iyo kuwa leh qaladka waa la saxayaahe horta cadowka dalka ha laga xureeyo iwm, leysma weydiin ilaa hada marka cadowku baxo shacabka dhiban maxaa laga yeelayaa, yaa u maqan, caruurtii Somaliyeed amaba reer Hiiraan inta colaada ka bad baaday hadaan dalka diinta ku dhaqno sideen u gaarsiinaa ama wax u barnaa iwm. isku soo duuboo nabadgalyo darada ka jirto gobolka Hiiraan waxaa sabab u ah Ethiopian iyo kooxo Somaliya oo is diidan lama oga waqtiga ay heshiin doonaan ama is fahmi doonaan. marka waxaan ku talin lahaa reer Hiiraanow bal horta Somaliweyn ha noo danbeysee gobolkiina u tashada oo maslaxadiina garta.

Dhismayaasha iyo Bilicda Gobolka.

Gobolka iyadoo colaad jirto hadane uma xuma gobolkada kale ee dalka marka loo fiiriyo dhinaca dhismooyinka oo ugu horeeyaan jaaliyadaha dibada ee reer Hiiraan oo ku tartama dhismooyinka iyo ganacsiga taas oo wax weyn ka bedeshay nolosha dad badan oo aan wax shaqo ah heysan kana xamaasha dhismooyinka si ay caruurtooda ugu helaan wax ay cunaan,halkaasne waxaa ka abuurmay shaqo in xitaa dadkii bartaan xirfad ay ku shaqeysan karaan oo qofku waxaa guryahay filooyinka ah dhisayaa isagoo aan Enginer noqon kana faa,ideystay shaqadaas oo uu mudo ku dhex jiray.

Gunaanad.

Hadaba waxaan u soo jeedin lahaa reer Hiiraan in ay gobolkooda u tashadaan. tusaale ganacsiga waaweyn ee gobolka ka jiro waxaa iska leh dad u dhashay gobolo kale, sida shirkadaha isgaarsiinta oo markii la doono leydiinka xerto markii la rabane leydiin furo oo waliba idiin dheertay in leydiin dhageysto marka aad ka hadleysaan arimahiina qaaska taas oo daliil loo hayo markii waqti loo helo. hadii aadan isgaarsiinta iyo mediyaha ka xoroobina waligiin xor ma noqoneysaan oo waxaad ku hoos noolaan doontaan ama u shaqeyn doontaa shirkadahaan aan kor ku soo sheegay. dibadaha ha laga laabto oo hala buuxiyo kaalinta ganacsi ee naga maqan si leyskugu dheeli tiro nolosha shacabka iyo horumarka gobolka.

Cilmi Khalif Guled

Guddoomiyaha Dhallinyarada Hiiraan

Cilmi92@yahoo.ca

 

Bogga Hore