Jimco, September 19, 2008: Warbixin cusub Dugsiga Moqokori.
 
Sheekh Aadan Xaaji Mocoow oo ah xiriiriyaha Jaaliyadda dibadda iyo dadka deegaanka Moqokori oo usbuucii hore mar kale booqday dugsigii Moqokori ayaa warbixin sawirro wadata nooga soo diray halkaasi.
Sh. Aadan warbixintiisaasi wuxuu kusoo sheegay in waxbarashadii dugsigu si dabeeciya u socoto, ardadiina (sida sawirrada ka muuqata) ay Uniform dugsiga ku yimaadaan.
 Sh. Aadan oo warbixintiisa sii wataa wuxuu yiri: (Iskoolku hadda waa isku dubba-dhacay waxana hadda la dhigtaa fasallada 1aad ilaa 5aad.Waxa la bixiyaa lix xiisadood maalin walba).
(Macallimiintu hadda waxay ka kooban yihiin 4 macallin oo uu maamuluhu ku jiro. Waxa wehliya macallin kalkaaliye ah sida sawirka aad ka aragtaan. Magacyadoodu marka bidix laga soo billaabo, waa sidan; macallin Xuseen Axmed Caddoow (arag asagoo wax dhigaya), macallin Cabdullaahi Maxamed Barqadle Barroow (Isku-jure) (isagoo ardada wax u dhigaya), macallin Muumin Sabriye Xagaay (isagoo dersi bixinaya), macallin (kaaliye) Garaad C/Raxmaan Weheliye iyo diritoorka dugsiga macallin Maxamed Caalin Xalane). 
Sh. Aadan oo warbixintiisa sii wataa wuxuu yiri: (Iskoolka waxa kale oo ka shaqeeya laba qof oo ah waardiye iyo nadiifiso, kalana ah: Xiireey Axmed Cabdi iyo Safiya Maxamuud Cabdi).
 
(Haddii aan waxbarashada Moqokori dib ugu laabto, waxa kale oo ka faa,ideysta afar fasal oo galabtii ah oo lagu barto Xisaabta iyo English-ka). (Magaalada waxbarshada si wanaagsan ayaa loo xiiseynayaa)
.
 
(Haddii aan waxyar ka taabto maaddooyinka la bixiyo, intooda badan waxa ay ku baxaan Carabi oo lagu barto Tariikh iyo JoqoraafiTarbiya islaamiya sida; Xadiidh, Tafsiir, Tawxiid iyo Luqada Carabiga oo ah maaddo iskeed u taagan). Afka English-ka waxa ku baxa; Xisaabta, Sayniska iyo Luqada English-ka. Waxa intaa soo raaca maaddada Af-Soomaaliga)..
 
Sh. Aadan Xaaji Mocoow waxa kale oo uu soo daray sawirro ka warbixinaya xaaladda Moqokori guud ahaan. Si aad sawirradaas u aragto halkaan taabo.
 
Sh. Aadan oo jaalliyadda dibadda reer Moqokori usoo tebinaya baahida dugsiga, wuxuu yiri: (Haddii aan kusoo gaba gabeeyo baaahida  larabo in wax laga qabto waa sidan:
1- Fasal qalabeyn u baahan
2- Musqulaha oo dayactir weyn u baahan, waana arrinta hadda baahideedu taagan tagay.
3- Ganjeelka Iskuulka oo samyn u baahan. 
4- Wareegga Iskoolka (gidaar).
5- Qayb kamid ah daaqadaha.
6- Laba albaab oo iyagu duugoobay oo beddelid u baahan).
 
(Walaalayaal intaasi waa untii aan ku soo arkay Iskuulkii Moqokori iyo guud ahaan magaalada Moqokori).
 
(Waxan halkaan idiinka soo gudbinayaa salaam qiimo iyo qaayo badan oo aan idiinka wado reer Moqokori guudahaan, gaar ahaan Bahda waxbarashada. Waxan halkan uga mahad celinayaa dhamaan intii gacan ka geysatay taabba gelinta Isgoolka Moqokori waxan sigaar ah ugu mahadcelinayaa Al-Ustaad Sabriye Macallin Muuse oo muujiyey wada shaqeyn heer sare ah.
 
Sidaas iyo ismaqal wanaagsan.
 
 
 

Sh. Aadan Xaaji Mocoow