HASHA MAQAARKA DIIDAYSAA DALDALOOLLO AYAY KA DAYDAA

SU'AALO ISLAAMKA LAGU SHAKI GELINAYO IYO JAWAABIHII LAGA BAXSHAY

Mahad dhammaanteed Allaah baa leh.

Waxaa email la iigu soo diray 16 su'aalood oo shaki qofka looga gelinaayo diintiisa, oo waxaa ii soo diray qof isagana loo soo diray, sida su'aaluhu u qoran yihiinna waxay caddaynaysaa in loogu tala galay in aad loo faafiyo, oo wuxuu leeyahay "walaalayaal soo aqriya oo si deggan uga fekera" sida dhammaadka aad ku arki doonto.

Qofka su'aalaha soo diyaariyayna muujin maayo inuu gaal yahay, ee wuxuu isu muujiyay inuu xaq doon yahay.

Wuxuu la magac baxay Xakiim Yare, emailkiisuna waa xigmadraadi@yahoo.com

Su'aalihi waan ka jawaabay, waanan garanayay ninka su'aalaha qoray inaanu islaam ahayn ee waxaan moodayay inay saameeyeen shubhooyinka gaaladu faafiso, oo uu saa diintiisi uga shakiyay, kaddibse waxaan ogaaday inuu gaal kirishtaan ah yahay, dadkana uu saa ugu yeero markii cabbaar sheekadu u socoto.

Marka horase qofka wuxuu ku khaldaa su'aalahan loo muujinayo in xuquuqul insaanka la daryeelayo.

Xuquuqul insaanka waxaa laga dhigtay wax qofka difaaciisa lugu jebiyo, loogana dhigo mid u nugul baadil kasta inuu aqbalo.

Sida aan ku ogaaday inuu ninkani kirishtaan yahay mar kale ayaan ka hadli doonaa, haddii Alle idmo.

 Su'aal walbana jawaabteeda ayaa raacsanaan doonta:

Su'aasha 1aad:

"Maxay diinta islaamku ka qabtaa xoriyadda diimaha kale?"

Su'aasha 2aad

"Diinta Islaamku ma ogoshahay inuu qofka Muslinka ahi intuu diintiisa iska dhaafo uu qaato diintii kale ee uu markaas isagu run u arko amaba jecleysto?"

Su'aasha 3aad

"Maxaynu ku aqoonsan karnaa inay diinta islaamku diin runa tahay?"

Su'aasha 4aad

"Qofka Islaamka ahi af kale amaba luqad kale oo aan carabi ahayn ma ku tukan karaa? Jiho kaleeto oo aan Makka ahaynse ma u jeesan karaa marka uu tukanayo?"

Su'aasha 5aad

"Diintu waxay inoo sheegeysaa in qofku markuu afartan maalmood uu uurka hooyadii ku jiray uu ilaahay u qoray qofkaas janno iyo cadaab halka uu gelayo. hadaba maxaa faa'iido ah ee ay leedahay qofka camalada diiniga ah ee uu sameeyaa mar haddii janno iyo cadaab meesha uu qofkaasi tegayo hore loogu sii qoray?"

Su'aasha 6aad

"Maxaa keenay inay dadka iyo dowladaha muslimiinta ahi dhammaantood ay aad uga cabsadaan, oo ay khatar u arkaan inay isku xukumaan oo ay dastuur ka dhigtaan shareecada islaamka tiiyoo ay hadana dhinaca kale rumeysanyihiin inay shareecadu tahay qowlkii Eebbe?"

Su'aasha 7aad

"Maxay diinta Islaamku ninka ugu ogolaaneysaa inuu afar dumara guursado? Taasise miyaanay keeni karin masayr, is khilaaf, iyo murugooyin xanuun badan oo qoyska la soo dersa?"

Su'aasha 8aad

"Maxaa dumarka islaamka ah loogu sameeyey irid gooni ah oo ay masaajidka ka soo galaan oo ay kana baxaan marka ay tukanayaan, maxay tahay sababta in muuqaalkooda la arkaa ay denbi u tahay amaba loo qarinayaa?"

Su'aasha 9aad

"Sidee baan aayaddan quraanka ah ugu fasiri karnaa dumarka islaamka ah ee maanta: "Wallaatii takhaafuuna nushuuzahunna, fa cidhuuhunna, wahjuruuhunna il-madhaajici, wadribuuhunna." (An-Nisaa':34)"

                                                                                                                                .... waa socotaa ....