|
1. Maxay diinta islaamku ka qabtaa xoriyadda diimaha kale?
Jawaab:
Alxamdulillaahi Rabbilcaalamiin.
Arrintaa laba dhinac baa laga fiirinayaa:
-Dhinaca hore ma bannaana in diin laga dhigto waxaan ahayn diintii islaamka ee Nabi Muxammad lugu soo dejiyay, aakhirana qofka wax kaloo laga aqbalaayaahi ma jiraan oo aan islaamka ka ahayn, qofkaan islaamka soo raacinna waa ahlunaar.
-Dhinaca kale haddii dawladda islaamku ay xoog leedahay oo ay gaalada la jihaaddo saddex arrimood bay u soo bandhigeysaa dadka inay soo islaamaan hadday diidaanna jizya dhiiba la yiraa haddii ay diidaanna lala dagaallamo.
Haddii la tabar daran yahay waxaa noo furan inaan xaqa ugu yeerno si xikmadi ku jirto haddii dood loo baahdana si wanaagsan loola doodo.
Marxaladdan danbe Allaah dartiis baan u neceb nahay gaalada laakiin haddaannaan tabar lahayn isku taagi mayno, haddaaney waddammadeenna nagu soo gardarreysan.
Haddii aad I weydiiso maxaa u daliila nacaybka aad sheegeyso maadaama aanay diin ahaan noola dagaalsanayn.
Waxay jawaabtu noqonaysaa: Allaah wuxuu yiri:
(Heli maysid qolo Allaah iyo maalinta qiyaama rumeysan oo haddana jecel kuwa Alla iyo Rasuul la collaytamay aabbayaalkood ba ha ahaadeene) aayadda dhammaystir, [Suuratul Mujaadalah:22]
Rasuulkeennuna wuxuu yiri:( Guntimaha iimaanka waxaa ugu adag in Alle dartii wax loo jeclaado Alla dartiina wax loo noco) Waana xadiith ay xadiithya kale xoojinayaan oo sidaas xasan ku ah, waxaa weriyay Imaam Axmad iyo Qeyrkiiba.
Haddii xorriyadda laga wado inay waddammada islaamka diintooda baadilka ah ka faafiyaan taa looma oggola xaqna uma lahan, xorriyadna ma ahane waa xadgudub lugu xadgudbayo xaqa ay muslimku u leeyihiin inay Rabbigood caabudaan oo aan diintooda laga fitmeyn.
Bogga Hore |