|
2. Diinta Islaamku ma ogoshahay inuu qofka Muslinka ahi intuu diintiisa iska dhaafo uu qaato diintii kale ee uu markaas isagu run u arko amaba jecleysto?
Jawaab:
Maya, marka hore la qasbi maayo qofka oo waxaa loo baahan yahay inuu Islaamka soo galo isagoo aad uga fiirsaday oo aanay ka qarsoonayn qofka ka baxa diinta waxa mudankiisu yahay.
Xikmadda qofka diinka ka baxa loo dilayo waxay tahay in diin ka noqoshada macnaheedu yahay qof ama koox ka baxda xiriirkii Islaamka, taasina waxay ka dhigan tahay isagoo ku dhawaaqaya: Dadow marki aan diintan galay oo aan tijaabiyay waxaa ii soo baxday inaanay wanaagsanayn oo wixii horee aan ku jiray ay ka wanaagsan yihiin, taasina waxay la mid tahay diintiyoo la caayay lana xaqiray, waxayna gogolxaar u tahay qofkii raba inuu ka siibto diinta, waxayna sabab u noqonaysaa kala daadashada xiriirki Islaamka, marka haddii aanan arrintaa loo samayn wax dadka ka celiya ka joogi maayaan, waxa ugu weynee arrintaa ka celin karaahina waa dhimasho ka baqiddeed, marka dil baa ciqaabti noqotay sida uu Rasuulkeennu yiri: "Qofki diintiisa beddela dila" #1 si uu qofku marka horeba diinta u soo galo isagoo ka baaraan degay, oo aanu qofna uga bixin markuu soo galo ka dib, arrintaasina qeyb kama ahan isku qasab diinta la isku qasbayo, taasoo aan sharcigu oggolayn in dadka diimahooda qasab looga soo saaro islaamkana qasab lugu soo geliyo, tani taa way ka duwan tahay oo qofka waxaa lugu qasbayaa inuu Islaamki ku baaqi noqdo.
Mana jiro nidaam ama xukuumad oggol in dadku waxay doonaan sameeyaan oo uu tusaale ahaan qofku jaasuus dowlad kale u noqdo, Waxaana dhici karta waxyaabaha noocaasoo kalaa inuu dil iyo wax la mida ku muto.
#1 Qofka la iska dili maayo, ee marka hore waa in arrintaasi ay si dhaba u sugnaataa, kadibna diinta u soo noqo la yiraahdaa(haddaanay gaalnimadu ka dhalan caayda Nabiyada Alle).Arrintaana waxaa fulinaya dadka madaxda ah, oo hadday arrinkaa fuliyaan aan fitno ka dhalanayn, haddii kale waxaa dhaceysa in qof waliba uu dilo qofkuu doono kaddibna yiraahdo waa uu gaaloobay.
Bogga Hore |