3. Maxaynu ku aqoonsan karnaa inay diinta islaamku diin runa tahay?

Jawaab:

Waxaynu ku aqoonsan karnaa siyaabo badan, waxaana ka mid ah in la sugo Nebinnimada Nebi Muxammad in ay run tahay, haddii taasi sugnaatana aan fiirinno waxa diimaha kale uu ka yiri iyo sida uu ula dhaqmi jiray dadkooda.

Hadduu xaqu caddaadana wixii ka soo horjeedaahi waa baadil waxba kama jiraan ah.

Nabi Muxammad wuxuu ku dhashay magaalada Maka , waa nin abtirsigiisa la yaqaanno, dad sharaf lehna ka dhashay oo wanaag lugu yaqaannay.

Ma uusan ahayn nin wax qora, ama wax meel ku qoran aqriyi kara.

Allaah kaliya buu caabudi jiray.

Marbaa isagoo godka buurta Xiraa ku yaallay Alla ku caabudaya Rabbi Malaku jibriil waxyi ugu soo dhiibay oo quraankii ugu horreeyey ku soo degay.

Quraanku wuu ka sarreeyaa hadalka dadka markaad dhinac walba ka fiiriso.

Heerka aftahannimada, macnayaalka sarreeya ee uu xambaarsan yahay markuu Allaah ama axkaamta sharciga ka hadlayo labadaba.

Sidoo kale wax hore u dhacay ama dhici doona marka uu si tifatiran uga hadlo iyadoo uusan duulal kale ka maqal, Illeen dadki diimaha kale u abtirsanaayay Maka ma aanay degganayn, Markaasuu wuxuu ula yimid dadkii wax waafaqsan wixii Nabiyadii hore sheegi jireen oo aanu ogaan karin qofaan Nabi ahayn ama aanu Nabi u warramin.

Marka isagu Nebi kale wax kama qaadan, kuwa Nabi ka maqlayna sooma gaarsiin, haddaba waa inuu isagu Nebi Alla soo diray yahay.

Qofka su'aashan weydiinaya waa laba mid

-Inuu yahay nin rumeysan soo diridda Nabiyada Alle sida Ibraahiim u, Muuse u, Ciise u, ninka su'aasha weydiiyay hadduu sidaa yahay waxaan ku leennahay ma dhici karto inaad Nabinnimada kuwaa aad rumeyso ta Nabi Muxammadna aad diiddo, sababtoo ah wax Alla wixii aan ku sugnay Nabinnimadooda wax ka sarreeya oo ku tusiya Nabinnimadiisa ayuu la yimid oo ah calaamado daliil u ah arrintaa, mucjisooyin aan dadku la imaan karin ha noqoto oo dadku arkeen si tawaatur ahna noo soo gaartay ama ha noqoto quraanka uu la gaar noqday ee ka sarreeya mucjisooyinkaa, dadkuna way og yihiin carab iyo cajamba in quraankan oo kale aan la arag, aad bayna ugu dadaaleen carabti iyo qeyrkoodba inay wax la mid ah isku dayaan la imaashihii waana ku fashilmeen, hadday la imaan karaanna way la imaan lahaayeen markii lagu yiri suurad la mid ah keena, inay dagaallamaan bayna ka door bideen, qofkuna isagoo dantiisa si fudud ku gaari kara sida dhibka badan dooran maayo.

Marka maadaama uu la yimid wax Alla wixii tusinaayay nabinnimadiisa ma jirto sabab loo yiraa iyaguna nabiyo Alle soo diray bay ahaayeen isaguna ma ahan.

Maxaa yeelay waxaa la ogsoon yahay in dadka noo soo guuriyay waxa Nabi Muxammad dadka ugu yeeri jirey ee diin iyo shareeco ah noona soo guuriyay mucjisooyinkii Alle ku xoojiyey in dadkaasi ay ka badan yihiin kana weyn yihiin dadkii noo soo guuriyay wixii Nabi Muuse u iyo Nabi Ciise u ay dadka ugu yeerayeen ama ay la yimaadeen ee mucjisooyin ahaa .

Diinkii uu Nabi Muxammad la yimidna waa uu ka weyn yahay kay la yimaadeen, bal taa iska daaye qofkii caqligiisa ku fiiriya waxay muslimiintu haystaan ee cilmi naafica ah iyo camal wanaagsan lana barbar dhiga waxay Yahuud iyo Nasaaro haystaan wuxuu ogaanayaa in farqi aan la soo koobi karin u dhexeeyo.

Haddii aad fiiriso Caabudidda ay muslimiintu Alle ku kali yeeleen iyo aqoonta ay u leeyihiin magacyadiisa iyo tilmaamihiisa iyo malaa'igtiisa, Nabiyada Alle iyo Rusushiisa, aqoonta ay u leeyihiin aakhiro iyo tilmaanta jannada iyo naarta, abaalmarinta iyo ciqaabta dambe, waxaasoo dhami way ka weyn yihiin waxay Yahuud iyo Nasaaro haystaan.

Sidoo kale salaadaha shanta ah iyo kuwa sunnada, Sakada iyo soonka, xajka iyo adkaarta iyo ducooyinka ay muslimiintu isticmaalaan oo ay yaqaannaan, siday wax u kala gadanayaan, isu nikaaxsanayaan, danbiilayaasaha ciqaabtooda iyo xuduudda laga oofinayo sharciga ka yaal intuba way ka sarreeyaan waxa ahlu kitaabku haysto.

Muslimiintu way uga sarreeyaan cilmi kastoo naafica iyo camal kastoo wanaagsan, waxaanan ka hadlaynaa cilmiga iyo camalka aakhiro wax anfacaya, kan adduunyada ku saabsan mid aakhiro wax ku taraya ma ahan haddaan loo kaalmeysan wixii aakhiro wax ku tarayey. Qofkii ku dadaala ee asbaabtiisa raaca ayaana loo sakhiraa ama mulxid ha noqdo ama diin ha sheegtee.

Ruushku markuu shuuciga ahaa diin ma aanu sheeganayn teknoolajiyadana waa uu ku horreeyey, Shiinuhuna ilaa iyo hadda waa shuuci diin laaway ah cilmiga adduunka iyo sancadana wuu ku horreeyaa. Japan iyo Hindiyana diin Alle laga soo dejiyaan heysannaa ma dhahaan oo waa mushrikiin majooritigoodu kala haysto budhism iyo hindusm.

Muslimiintuna waxay isku waafaqsan yihiin in hanuun kasta iyo kheyr kasta oo diineed oo ay haystaan uu sabab ugu yahay Nabi Muxammad sidee bay ku suurtoobeysaa inay Muuse u iyo Ciise u Nebiyaal yihiin Muxammadna aanu Nabi ahayn, Yahuud iyo Nasaarana xaq ku taagan yihiin, Muslinkuna aanu diin saxa haysan iyadoon ogaannay in diinta xaqa ah iyo hanuunka ay haystaan uu ka weyn yahay waxa yahuud iyo nasaaro haysato, diintaa wanaagsanna waxay ka qaateen Rasuulkoodii Muxammad ahaa .

Intaa qof kastoo caqli lihi oo yuhuud iyo nasaara ka mid ahi waa uu ictiraafsan yahay , laakiin kuwaan xaqaa raacin waxay naftooda ku maaweeliyaan carabta uunbaa loo soo diray, ahlukitaab looma soo dirin, haddii carabta diinkoodu xaq yahay annana keennu waa xaq oo waddooyinka Alle ku gaarsiiyaa way badan yihiin, waxayna leeyihiin diimahani waa afarta mad-habood oo kale.

Shubhaddaasi inay baadil tahay way caddahay, maxaa yeelay sida aan u hubno inuu mushrikiintii carbeed diinka ugu yeeray ayuu sidoo kale sidaa si la mid ah ahlu kitaabka uga dalbay inay Nabinnimadiisa rumeeyaan, wuuna la jihaaday siduu ula jihaaday mushrikiinta. Wuxuu ku jihaaday yahuuddii Madiina degganayd iyo kuwii kheybar degganaa, sidoo kale Nasaaradii buu nafsad ahaantiisa jihaad ugu baxay dagaalkii tabuuk, sidoo kale colalna waa uu u diray, waxaana dagaalkoodii ku dhintay ina adeerkiis Jacfar ibnu abii daalib iyo Zayd ibu xaarithah oo uu labadaba aad u jeclaa, sidoo kale wuxuu jizyo ku xukumay sidaana raalli ku noqday Nasaaradii Najraan degganayd markay u caddaatay inuu Nabi yahay kana cabsadeen inay la habaartamaan.

Sidoo kale khulafadii isaga ka danbeysay ahlu kitaabkii bay la jihaadeen, wixii la dagaallamayna way la dagaallameen, wixii jizya oggolaaday iyagoo dulleysanna way ka qaadeen.

Quraankana waxaa ka buuxa farid la farayo ahlukitaabka inay Nabi Muxammad raacaan, wuuna gaaleysiiyay kuwaan raacin una gooddiyay oo lacnaday si la mid ah sidii uu mushrikiinta ka yiri.

Quraankana lama soo koobi karo inta jeer ee ay ku soo aroortray ( Yaa ahlal kitaabi ) ( yaa banii israa'iila)

Waxaa Alle uu ku yiri Rasuulka ( waxaad tiraahdaa Dadow Rasuul baan idiin ahay la ii kiin soo diray dhammaantiin)[Al acraaf : 158]

Axaadiithti ka ansaxday Rasuulkeennana waxaa ka mid ah: (Waxaan ku dhaartay Allihii nafteydu gacantiisa ku jirtay e ima maqlo qof ummaddaan ka mid ah yahuud ama nasaaro haddana aanu i rumeynin illaa hadduu jiro wuxuu galayaa naarta).

Macnaha xadiithkanina waa mutawaatir.

Marka haddii arrinku sidaa yahay waxaa soo baxaysa oo lama huraan ah in dadkoo dhan loo soo diray; maxaa yeelay isagaa qarriray inuu rasuul u yahay ahlukitaabka iyo qeyrkoodba; Rasuulka Allena been ma sheego, dadkana kulama dagaallamo inay adeecaan iyadoon Alle sidaa amrin, dhiiggooda iyo xoolahoodana ma bannaysteen iyadoon Alle u idmin.

Haddii ay caddaatay inuu Nabi yahay waxaa soo baxaysa in waxa uu Alle xaggiisa nooga sheegay ay xaq yihiin, hadduu Rasuulkii Alle yahayna waxaa waajib ah in lugu adeeco wax kastoo uu na faro, hadduu noo sheegay in ahlukitaabka loo soo diray oo ay waajib ku tahay inay isaga adeecaan arrintaasi waa xaq. Qofkiise qira inuu Rasuul Alle yahay misana diida in ahlukitaabka uu Rasuul u yahay wuxuu la mid yahay qof yiri Nabi Muuse u Rasuul buu ahaa Haddana Alle ma farin inuu dhulka shaam galo ama reer banii'israa'iil masar ka saaro, Allena arrinkaa ma farin, sidoo kalena ma farin inuu maalinka Sabtida ah xushmeeyo, towreedna luguma soo dejin, Allana buurta Duuru siinaa kalama hadlin, ama wuxuu la mid yahay nin yiri Nabi Ciise u Rasuul buu ahaa reer banii'israa'iilna looma soo dirin, kumana aanay waajib ahayn inay adeecaan, yuhuuddana wuu dulmiyay iyo hadalllada noocaas oo kale ah ee gaalnimo tii ugu xumayd ah.

Intaa ka dib, Yuhuud iyo Nasaaro asalka diinkoodu wuxuu ahaa xaq, laakiin labadaba way bedbeddeleen waana la nasakhay, maxaa yeelay yuhuuddu waxbay ka beddeleen kitaabkooda ka dib wixii shareecadooda ka soo harayna waxaa wax ka mid ah nasakhay Nabi Ciise u, Nasaarana sidoo kale way bedbeddeleen, ka dibna labada diimoodba waxaa nasakhay oo lugu beddelay diinta Islaamka ee Nabi Muxammad lugu soo dejiyay.

Kitaabbaha ay heystaan ahlukitaabka laftooda ayayba ku caddahay inay wax beddeleen lana nasakhayo, waxaa kaloo kutubtooda ku cad in nebinnimada Nebi Muxammad ay sax tahay oo waxaa ka buuxa bishaarooyin nebigeenna tilmaamaya. Bal eeg Bibleka kitaabka tathniya la yiraa, baabka 33aad jumlada 2aad tarjamada carabiga ah (Alle wuxuu ka soo daahiray buurta Duurusiinaa, wuxuuna ka soo ifay Saaciir wuxuuna si aada uga soo ifay buuraha Faaraan) labada hore waxaa lagu tilmaamayaa Nabi Muuse u iyo Nebi ciise u tan saddexaadna waxay tilmaameysaa Nebi Muxammad Faaraan inay Maka tahayna waxaa kuu caddeynaya waxa ku jira Bible ka buugga Takwiin baabka 21aad jumlada 21aad tarjamada carabiga( Ismaaciil u wuxuu degay berriga Faaraan), waxaana sii caddaysay Towreedda saamira oo xijaaz ku sii dartay.

Nabi Ismaaciil u wuxuu ku barbaaray Maka, markii aabbihii Nabi Ibraahim u halkaa uga tegay asaga iyo hooyadii Haajara.

Taasina waxay ka mid tahay xikmadaha loo oggolaaday in jizyo laga aqbalo ahlukitaabka, maxaa yeelay waxay hayaan maragyo badan oo tusinaya nabinnimada Nabi Muxammad , waxaa kaloo kutubtooda ku yaalla waxyaaba badan oo caddaynaya inuu Nabi Muxammad la yimid wax la mid ah wixii ay Rusushu la iman jireen oo Allaah rumeyntii iyo yawmulqiyaamaha, towxiidkiisa iyo tilmaamihiisa intaba ah.

Waxaa kaloo kutubtooda ka buuxa waxyaaba is diiddan iyo khilaafyo waaweyn oo caddeynaya in wax beddelaadu dhacday.

Hadduuse yahay qofka su'aasha weydiinayaa qof aan rumeysnayn Nabiyada oo marka horeba diiddan mabda'aa hadalkiisu si kale ayuu noqonayaa, oo waxaan leennahay bal is barbar dhig dadka diimaha haysta iyo duulalka kale waxaad arkeysaa in diinlaawayaasha lagaga wanaagsan yahay cilmiga naaficaa iyo camalka saalixaa, kheyr kastoo ay haystaan dadka diimaha sheeganaya ee aan muslimiinta ahayn mid ka dhammeystiran oo ka wanaagsan bay muslimiintu haystaan, dadka diimaha u abtirsada guud ahaanna waxay haystaan waxaanay haysan kuwa diinlaawayaasha ahi, maxaa yeelay cilmiga iyo camalku waxay u qaybsamaan labo:

Nooc caqliga bani'aadamka lugu gaaro sida xisaabta, caafimaadka iyo farsamooyinka kale. Arrimahaasi ahlu diinkuna way haystaan sida kuwa kaleba u haystaan, iyagaanaba kaga fiican diinlaawayaasha. Oo culuuntii faylasuufyada Giriigga iyo Indiya , iyo culuuntii Faaris iyo Roomaanka markay soo gaartay muslimiinta way hagaajiyeen oo horumariyeen hufeenna , wixii ay ka qoreenna waa uu ka cad cad yahay kana dhammeystiran yahay wixii dadka kale heysteen.

Yurubtuna muslinkay u xereysteen oo ay ka barteen culuumta dabiicigaa waagii Andalus muslimku xukumaayay, oo iyagaaba kitaabbo ka qoray ay arrintaa kaga warramayaan.

Nooca labaad waa midka aan caqliga oo kaliya lagu ogaan karin, waana culuunta Alle ku tacalluqda iyo diinta, waxayna ku gaar tahay dadka diimaha sheegta, qeybo ka mid ahna xujo caqliya waa lugu burhaamin karaa, oo Rusushu dadka way hanuuniyeen oo waxay ku baraarujiyeen in caqliga toosani arrimahaa ku tusinayo, marka waa arrimo sharcina ah caqlina ah, oo tusaaleyntoodi iyo caqli celintoodi bay arrimahaasi ku noqdeen kuwo caqliga lugu garan karo.

Culuumtaas baana lugu ogaanayaa in waxa uu Nabi Muxammad la yimid ay sax tahay, iyo in waxa khilaafsani ay baadil yihiin.

Wixiise aan lugu ogaan karin waxaan ahayn khabarka Rususha taa waxaan ku ogaaneynaa wejiyo kala duwan:

Waxaana ka mid ah isku waafaqidda ay Rusushu isku waafaqday sheegidda arrinkaa iyagoon is ogeyn, qofka wax sheegaayaa waa laba mid #2
uun inuu ku run sheego hadalkiisa oo uu xaqiiqadi waafaqsan yahay, ama inaanay saa ahayn, haddaanu warkiisu waafaqsanayn dhabta jirta, ama been buu u bareeray ama waa uu gefay, haddii aan ka soo qaadno inaanu jirin gef iyo ulakac midna hadalkiisu wuxuu noqdaa run.

Waxaana la og yahay in haddii qofi ka warramo culuum fara badan oo faahfaahin badani ku jirto qof ka horreeyeyna uu waxaa laftooda sheegay iyadoo aan hubno inaanay arrintaa ku heshiin oo wax been laga sheegi karana aanay ahayn, arrintaasi waxay noo faa'deysaa cilmi la hubo.

Waxaa la og yahay in Nebi Muuse u uu sheegay wixii uu sheegay intaan la soo bixin Nabi Ciise u iyo Nabi Muxammad labadaba.

Wuxuuna og yahay qof walboo ka warqaba xaalka Nabi Muxammad inuu ku barbaaray dad aan wax qorin waxna aqriyin aqoonna u lahayn culuuntii Nabiyadii hore , mana aanay la joogin dad garanaya wixii Towreed iyo Injiil ku yaallay.

Wuxuuna nooga warramay Nabi Muxammad towxiidkii Alle, tilmaamihiisa, magacyadiisa, malaa'igtiisa carshigiisa iyo kursigiisa, Nabiyadiisii iyo Rusushiisii, iyo xaaladahoodii iyo xaaladaha kuwii beeniyey, wuxuu arrimahaas nooga sheegay wax la mid ah wixii ku yaallay kutubtii nabiyada ee Towreed iyo qeyrkeed ba ah.

Qofkii aad ugu fiirsada Towreed iyo Quraanka wuxuu ogaanayaa inay meel ka soo wada bexeen sidii uu Najaashi sheegay, iyo sidii uu yiri Waraqa bin Nowfal: Kani waa Naamuuskii (Malaku Jibriilkii) Muuse u u imaan jiray.

Sidoo kale dadkii beeniyey Rususha, Alle wuu cadaabay si aan shaki ku jirin bayna nugu soo gaartay, cadaabkii qaar badan oo ka mid ahna raadkiisii baaba ilaa iyo hadda wax ka dambeeyaan, taasoo ku tusineysa in Rusushu ay ku taagnaayeen xaq uu Alle jecel yahay oo uu Raalli ka yahay, dadka beeniyayna ay baadil ku taagnaayeen Alla uu neceb yahay dadkiisa, sidoo kale in Rususha adeecidda la addeecaa ay tahay adeecid Alle la adeecay, caasinta la caasiyaana ay tahay Alle oo la caasiyay.

Waxaa kaloo ku tusinaaya xaqnimadooda in la ogaado mucjisooyinkooda waaweyn ee tawaaturay, aanayna suurta gal ahayn inay mucjiso ka soo daahirto ku nabinnimo sheeganaaya oo haddana been sheegaaya iyadoo isburinna aanay ku jirin lana mucaaradayn oo qof wuxuu la yimid oo kale la imaan karaahina aanu jirin.
#2 Waa inti aanan ogaannin inuu kirishtaan yahay.

- Ahlu kitaabki waqtigiisa joogay maxay ka yiraahdeen Rasuulka (SCW)?

Jawaab:

Waxay bukhaari iyo muslim weriyeen in ninkii Hireqle la dhihi jiray ee xukumayey Roomaanka uu Abuusufyaan oo markaa gaal ahaa dhulkaasna ganacsi u tegey uu u cid diray markuu u yimidna su'aalo weydiiyey:

- Sidee buu dhexdiinna ku yahay dhalasha ahaan?

·            Waa uu sarreeyaa.

·            Hadalkan uu la yimid ma looga horreeyey dhexdiinnna?

·            Maya.

·            Aabbayaalkii boqor ma ku jiray?

·            Maya.

·            Ma dadka sharafta leh baa raaca mise kuwa danyarta ah?

·            Kuwa danyarta ah.

·            Dadka raacayaa ma kordhayaan mise way sii yaraanayaan?

·            Way badanayaan.

·            Ma ku jiraa qof markuu soo galo ka dib diintii uga baxa nicid uu nacay?

·            Maya.

·            Intaanu hadalkan la iman miyaad ku tuhmi jirteen been sheegid?

·            Maya.

·            Marka uu dadka ballan la galo miyuu kaga baxaa oo jebiyaa?

·            Maya.

·            Miyaad la dagaallanteen?

·            Haa.

·            See ahaa dagaalku?

·            Marna wuu naga adkaanayey marna annagay guushu na raacaysay.

·            Muxuu idin farayaa?

·            Wuxuu leeyahay: Allaah kaliya caabuda, cibaadadiisana wax kale ha la wadaajinnina, farahana ka qaada waxay aabbayaalkiinnu ku sugnaayeen. Wuxuu na faraa Salaad , run sheegid, dhowrsoonaan iyo in qaraabada la xiriiriyo.

Hiraqle wuxuu ku yiri ninkii u tarjumayey waxaad ku tiraahdaa: waxaan ku weydiiyay nasabkiisa, waxaad ii sheegtay in nasabkiisu wanaagsan yahay, Rassuullada Alle waa sidaa, waxaa laga soo saaraa nasab wanaagsan.

Waxaan kaloo ku weydiiyay hadalkan ma looga horreeyey, waxaadna sheegtay inaan looga horreyn. Haddii looga horreyn lahaa waxaan dhihi lahaa waa nin uun ku dayanaaya hadal looga horreeyey.

Waxaan kaloo ku weydiiyay aabbayaalkii wax boqor ahaa ma ku jireen, waxaadna ii sheegtay inaanay ku jirin, hadday ku jiri lahaayeen waxaan dhihi lahaa waa nin doondoonaya boqortooyadi aabbayaashii.

Waxaan kaloo ku weydiiyay been ma ku tuhmi jirteen, waxaad tiri maya, waxaan ogsoonahay inaanu iska ilaaliyeen dadkoo been loo sheego misana uu Alle ku been abuurto.

Waxaan kaloo ku weydiiyay ma dadkii madaxda ahaabaa raacay mise kuwa danyarta ah, waxaadna igu tiri maya e waxaa raaca kuwa danyarta ah. Waana kuwa Rususha raaca.

Waxaanan ku weydiiyay ma sii badanayaan mise way sii yaraanayaan, waxaadna igu tiri wey badanayaan. Iimaankana sidaabaa lugu yaqaannaa ilaa uu ka dhammeystirmo.

Waxaan kaloo ku weydiiyay ma jiraa qof diinta nicid uu nacay uga baxay waxaadna ku jawaabtay maya, Haddaba iimaanku waa sidaa marka ay laabtu u furanto oo uu qalbiga dhexgalo qofna nici maayo.

Waxaan ku weydiiyay ballanka ma jebiyaa, waxaadna tiri maya. Haddaba Rusushu waa sidaa ballanka ma jebiyaan.

Waxaan kaloo ku weydiiyay muxuu idin faraa, waxaadna sheegtay inuu idin leeyahay Allaah kaliya caabuda, cibaadadana duulal kale ha la wadaajinnina. Waxaadna sheegtay inuu idinka reebayo sanamyada la caabudayo idinna farayo Salaad iyo Run iyo dhowrsanaan.

Haddaba haddii arrintu tahay sidaa aad u sheegeyso halkan aan joogo isagaa hanan doona, waanan garanayay inuu Nebi soo bixi doono umase maleyneyn inuu idinka idinka soo baxayo, haddii aan ogahay inaan gaari karo waan u dhib mudan lahaa inaan la kulmo, haddii aan la joogana cagahaaban u dhaqi lahaa ixtiraamid aan ixtiraamayo darteed.

Nabi Muuse u iyo Nebi Ciise u labadaba reer banii'israa'iil oo kaliyaa loo soo diray, oo diinkoodu marki horeba ma ahayn mid dadkoo dhan loo soo diray oo Nabiyada dadyowgooda uun baa loo soo diri jiray, diintan Islaamka uun baana mid guud Alle ka dhigay sida uu Nabigeennu yiri: (( Nabiyada shan waxyaabood baa la iiga faddilay ……waxuuna ka sheegay-: Nabi walba ciddiisa uunbaa loo soo diri jiray anigana dadkoo dhan baa la ii soo diray)).

Iyadoo ay saa tahay bay Nasaaradu diinkoodii wax badan ka beddeleen.

Nin Paul la dhihi jiray baa beddelay diintoodii waxuuna sheegtay in Nabi Ciise u uu Alle yahay ama ina Alle, adduunkanna uu u yimid in la daldalo oo la cadaabo si uu dadkoo dhan u badbaadiyo, danbigii aabbeheen Nabi Aadam dartii.

Iyadoo aan garanayno in Nabi Aadam isaga iyo Xaawaba ay Alla u toobad keeneen, Allana uu u dhaafay danbigii ahaa geedka ay jannada ku cuneen iyadoo laga reebay.

Teeda kale Alle wuxuu Quraanka noogu sheegay inaanay nafi naf kale danbigeeda qaadin, haddaanay sabab u ahayn dadka ay dhumiyeen, oo qof walba mas'uuliyad gaar ah ayaa saaran.

Waa yaabe Alle ma wuusan awoodin dadka inuu u dambi dhaafo iyadoon dhibkaa la marin, ma waxaase la aqbali karaa in Allihii adduunkan abuuray maamulaayayna la yiraa dhulkii buu u soo degay oo rixim naageed buu galay oo sagaal bilood ku jiray ka dibna caadi baa loo dhalay, naasna waa uu nuugay, waxna waa cunaayey waxna waa cabbaayey, waa yaabe adduunka yaa maamulaayey muddadaa.

Wayna caabudaan Nebi Ciise u iyo Hooyadiis ba, waxna way weydiistaan oo shirkigaas bay diin ka dhigteen, Islaamka iyo Caqliguna waxay noo sheegayaan kan cibaadada kaa mudan inuu yahay kan ku abuurtay ee ku arzuqa.

Yuhuudduna kitaabkooda way beddeleen oo been abuurad badan bay sameeyeen, sida Alle Quraanka noogu sheegay[xisibka labaad billowgiisa fiiri] Rabbigood tilmaama xun bay ku sheegeen, waxay leeyihiin markuu caalamka abuuray waa uu daalay markaasuu nastay, waxay kaloo yiraahdeen markii Alle dadka abuuray buu ka shallaayay abuurkaas, wuxuu kaloo ka shallaayay bay leeyihiin markuu biyaha ku garriqay dadkii Nabi Nuux ku gaaloobay.

Iyadoo Nabi Muuse u la joogo ayay yiraahdeen sanamyo noo samee, markuu ballankii Alle u baxayna dibi bay caabudeen.

Anbiyadii Allena qaar ka mid ah waxay ku sheegeen inay khamri cabbeen, sinaysteen, dil khaarijis ah oo dulmiya geysteen iwm.

Anibyadii qaar bay laayeen, qaarna way beeniyeen, waxyaaba badan oo laga xarrimayna xeelad bay ku bannaysteen.

Rabbina waxay ka dhigeen mid ayaga u gaara oo aan caalamka kale shuqul ku lahayn.

Haddii diintii yahuudda iyo tii Nasaarada xaalkeedu sidaa yahay kuwa kalena kaba sii fog.

Bogga Hore