|
9. Sidee baanse aayaddan quraanka ah ugu fasiri karnaa dumarka islaamka ah ee maanta: "
"Wallaatii takhaafuuna nushuuzahunna, fa cidhuuhunna, wahjuruuhunna il-madhaajici, wadribuuhunna." (An-Nisaa':34)"
Jawaab:
Dumarka islaamka ah ee maanta waxay la mid yihiin kuwii ka horreeyey diin gaar ah oo u soo degay iyo si gaara oo wax loogu fasirayo ma jirto oo waxaa la wada og yahay in gurigu maamul u baahan yahay arrintaana Alle wuxuu siiyey Ragga, oo inay wixii wanaaga ninka ku adeecdo ayaa sharcigu qabaa jannadana ay ku heleysaa, Haddiise ay iska sare mariso oo dhaqankii xumaado is maqalna la waayo wuxuu ninku xaq u leeyahay inuu wacdiyo oo tusaaleeyo, haddii wax laga faa'iidi waayana sariirta uu kaga fogaadaa, haddii ay wax ku qaadan weydana uu garaac ku edbiyaa, haddii ay warki maqashana intaa haku gaabsado oo yaanu tacaddi samaynin illeyn Allaa ka sarreeyee.
Haweenka qaarkood ma fahmayaan in ninku ka xun yahay ilaa uu wax ku dhufto, waana arrin dabiici ah, garaacuna ma ahan mid wax dhaawacaya ama laf jebinaya. Waana arrin ay ku dareemayso qawaamadii ninka Alle siiyay.
Waxaana dhici karta in malaayiin guryaa aan garaac ka dhicin oo wacdi iyo canaan kaliya wax ku kala socdaan.
Rasuulkuna aad buu uga deyriyay dilka haweenka la dilaayo, wuxuuna sheegay kuwa sabab la'aan wax u garaaca inaanay akhyaar ahayn.
Ninka waxaa saaraan inuu cidda u soo shaqeeyo oo maantaasoo dhan dhib buu ku jiraa iyo kadeed, iyadii waxaa looga baahan yahay inay u diyaariso jawi uu ku nasto oo uu dhibkii ku illoobo.
Bogga Hore |