DARDAARANKA DIINTA WAAFAQSAN

Mahad oo dhan Eebbaa iska leh. Waan ku mahadinayaa, waan kaalmo weydiisanayaa, waan dembi-dhaaf weydiisanayaa, waanan u tawbad keenayaa. Eebbe waxan ka megan-gelayaa naftayda sharteeda iyo falalkeeda xunxun. Qofkuu Eebbe hanuuninayo cid lumin kartaa ma jirto, qofkuu luminayana cid hanuunin kartaa ma jirto.

Kani waa dardaarankayga aan ku dardaarmayo aniga oo caafimaad qaba, caqligayguna uu fayawyahay. Aniga oo ah (Hebel Hebel Hebel) waxa aan qirayaa Eebbe mooyee Ilaah kale in aanu jirin, Nabi Muxammad (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inuu Addoonkiisii iyo Rasuulkiisii yahay, saacadda Qiyaamuhu inay imaan doonto oo aanu shaki ku jirin iyo in Eebbe uu dadka Qabuuraha ku jirta soo saari doono.

Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxaa laga weriyay: (Gar uma laha qof muslin ah oo wax uu ka dardaarmo haystaa inuu laba habeen baryo dardaarankiisu inuu qoranyahay mooyee). Bukhaari (2738) iyo Muslim ((1627) baa Cabdullaahi Ibnu Cumar (RC) ka weriyay.

Qoyskayga intii iga dambaysa iyo qof kasta oo dardaarankaan akhriya waxa aan kula dardaarmayaa inay Eebbe ka baqaan oo nolosha Adduunyadu aanay rajo beenaad gelin ee ay wanaagga dhexdooda ah ka taliyaan, Eebbe iyo Rasuulkiisana (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) adeecaan hadday Mufminiin yihiin. Aayadda Qurfaanka ahi waxay leedahay: (Alle ka baqa, xiriirka idinka dhexeeyana wanaajiya, Alle iyo Rasuulkiisana adeeca, haddaad Mufminiin tihiin) (Al-Anfaal:1). Waxaan idinkula dardaarmayaa wixii uu Nabi Ibraahim (CS) wiilashiisii iyo Yacquub kula dardaarmay: (War hooya wiilashayow Eebbe wuxuu idiin doortay Diinta ee ha dhimannina idinkoon Muslimiin ahayn) (Al-Baqarah: 132).

Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad Eebbe ka baqdaan oo kolka aan geeriyoodo aad samirtaan, wax fiicanna sheegtaan ood inuu Eebbe ii dembi-dhaafo iiga baridaan, iigana baridaan inuu Jannada igeliyo Naartana iga badbaadiyo.  Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad ereyadaan soo socda badisaan: (Laa Ilaaha illal-Laah. Innaa lil-Laahi wa innaa ileyhi raajicuun. Alloow musiibada igu dhacday ajar iga sii mid ka khayr badanna iigu beddel). Ku dhaqma oraahdii Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ee ahayd: (Haddaad meyd ama qof buka u timaadaan, hadal wanaagsan ku hadla, maxaa yeelay  waxa aad dhahaysaan Malaafigtu aaamiin bay dhahaysaa). Muslim (919) baa Umu-Salama (RC) ka weriyay.

Waxaan ku dardaarmayaa kolka geeridaydu soo dhowaato inay ii yimaadaan culumo iyo dad wanwanaagsan intii la heli karo, si ay ii xusuusiyaan inaan Eebbe wax san ka fisho, sidoo kalena Ashahaadada (Laa Ilaaha illal-Laahu Muxammadu Rasuulul-Laah) ii qabadsiiyaan, kelmaddaas tawxiidkuna ha ahaato kelmadda ugu dambaysa een dhoho marka aan dhimanayo, iyadoo lagu dhaqmayo Xadiithkii ahaa: (Qofkii hadalkiisa ay: Laa Ilaaha illal-Laahu ugu dambayso Janno ayaa u waajibtay). Abuu-Daafuud (3116) baa Mucaad ibnu Jabal (RC) ka weriyay. Waa in la iigu kaalmeeyaa jawi buuq lafaan iyo degganaan buuxda ah, kolka aan ruux baxayana qofkii nolosha igu necbaa yaanu isoo ag fariisan, maxaa yeelay inu igu digtaa way idamqinaysaa wayna idhibaysaa.

Waxaan ku dardaarmayaa in marka aan dhimanayo, dharka layga beddelo oo maryo cusub oo cadcad oo jirkayga oo dhan deda laygu daboolo, maxaa yeelay Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Meydka Aakhiro waxa lagu soo saaraa dharkii uu ku dhintay). Xadiithka Abuu-Daafuud (3114) ayaa Abuu-Saciid  Al-Khudri (RC) ka weriyay.

Waxaan ku dardaarmayaa in isla marka la hubiyo in aan naf-baxay, dhaqso duugis la iigu diyaariyo, waana sunno in qaraabadayda, saaxiibbaday iyo dadka ehlu-diinka ah geeridayda la ogeysiiyo, si ay u helaan ajarka ka qaybgalka; diyaarintayda, dhaqistayda, kafanintayda, salaadda Janaasada laygu tukanayo, gelbintayda iyo duugistayda intaba. Sidoo kale, waxaan ku dardaarmayaa in la badiyo dadka igu tukanaya iyo kuwa ii ducaynaya, waana in dardaarankayga la fuliyaa, deymahaygana la bixiyaa, waase in aan la igu dul buuqin, la iguna dul ooyin.

Marka lay tacsiyaynayo waa in lagu koobaa magacayga, magaca aabbahay iyo magaca awoowahay, waana in dadka loo sheego goobta laygu duugayo iyo goorta lay duugayo iyo wixii kale oo tacsiyaynta lama huraan u ah, waase inaysan arrimahaasi u dhicin si diinta islaamka khilaafsan.

Waxaan ku dardaarmayaa in la iska dhaafo caadada jaahiliga ahe ay dumarka iyo ragga qaar qofka dhintay kula dul baroortaan ooy oohin qaylo ah kudul ooyaan, anna waxan qiranayaa waxaas oo dhan inaan beri ka ahay. Bukhaari (1292) iyo Muslim (927) waxay Cumar ibnul-Khadhaab (RC) ka weriyeen inuu yiri: Rasuulka Eebbe (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu yiri: (Meydka waxa Qabriga loogu cadaabaa oohinta baroorta ahe ay dadku kudul ooyaan darteed). Waxaan caddaynayaa inan beri ka ahay  hadday dadka qaar geeridayda daamanka u garaacaan, timaha u rifaan, dharka u jeexaan, bafay, hoogay iyo wax lamid ahna ku baroortaan.

Waxaan ku dardaarmayaa anigoo meyd ah in qof inecebi aanu iisoo gelin iyo in qof dhunkashadaydu intii aan noolaa ay u bannaanayd mooyee qof kale aanu idhunkan.

Waxaan ku dardaarmayaa inay idhaqaan (Hebel Hebel) iyo (Hebel Hebel), ayna ii dhaqaan si naxariis iyo uturid leh, waana in dhaqistayda uu goobjoog ka ahaado Sheekh aamin ah oo suubban, diinta Islaamkana aqoon durugsan u leh, maxaa yeelay Sheekha caynkaas ahi, hadduu calaamad khaatumo wanaag igu arko dadkuu u sheegaa, hadduu wejigayga calaamad khaatumo xumo ku arkana wuu qariyaa wuuna asturaa. Goobta la igu dhaqayo waa in dad joogitaankooda laga maarmaa aanay joogin. Qofka idhaqayaa kolka uu dhaqista billaabayo waa inuu dhahaa: (Bismillaahi wa bil-Laahi wacalaa Millati Rasuulil-Laahi Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam). Xadiithka Tirmidi (1046) ayaa Ibnu-Cumar (RC) ka weriyay. Waxaan codsanayaa in marka lay dhaqayo qiblada lay jeediyo, jirkaygana min xuddunta ilaa jilbaha lay asturo. Marka lasoo gaaro in cawradayda la dhaqo, qofka dhaqayaa waa inuu gacma-gashi ama wax uu cawradayda iska xijiyo gashadaa, maxaa yeelay in cawrada la taabtaa ma bannaana.

Waa in la igu kafaniyo, maryo fiican oo nadiif ahoo jirkayga asturaya. Waa in saddex maro oo cadcad la igu kafaniyaa, waana in aanu qamiis iyo cimaamad iyo dhar kale oo la tolay midna ku jirin. Waa in karfantayda gMaaul-Wardi) lagu rusheeyaa, Foox iyo Cuud udug lehna lagu carfiyaa. Haddaan dhinto anigoo xarman, yaan madaxa iyo wejiga la iga daboolin, karfantaydana la carfin. Ma bannaana in maro xariir ah ama maro qaali ah la igu kafaniyo, waxbana kuma jabna haddii saddexda maro middood ay ahaato maryahayga cadcad mid kamid ah.

Marka lay aasayo, waa in aamusnaan laygu aasaa, lagana fekeraa geerida iyo waxa ka dambayn doona oo ah saxariirta soo bixista Aakhiro. Waa in aan codka kor loogu qaadin, Eebbe xus iyo Qurfaan akhris midna, maxaa yeelay Eebbe kolka meydka la aasayo in la aamusnaado ayuu jecelyahay. Waa in Janaasadayda aan Foox iyo Dab iyo wax lamid ah laga daba qaadin. Waa in Qabriga la iigu qaadaa si aanay degdeg ay dadku isku dhex yaacaan ku jirin, daahid dadka iqaadayaa dhibsadaanna aanay ku jirin. Waa in sida ugu macquulsan ee lay dedejin karo lay dedejiyaa, waase in dadka ugu badan ee janaasadayda kasoo qaybgeli kara la helaa. Waa in dadka ugu badan ee igu tukan karaa igu tukadaan, niyad saafiyana iigu duceeyaan. Rasuulka Alle (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Kolka aad meydka ku tukanaysaan niyad saafiya ugu duceeya). Abuu-Daafuud (3199) iyo Ibnu-Maajah (1497) ayaa Abuu-Hurayrah (RC) ka weriyay. Waxaa kale oo iga dardaaran ah in aan duugistayda loo dib dhigin si qof maqan imaashihiisa loola sugo.

Waxaan ku dardaarmayaa in degaanka aan ku dhinto hadday Qabuuro Muslimiin leeyihiin ku yaallaan la igu duugo, waana in aan meel kale lay qaadin haddaanay dantu sidaas qasbin. Waa in Qaybrigayga qaddar mitir ah hoos loo qodaa. Kolka aad Qabriga igelinaysaan madaxa ii hormariya, dhinaca lugahana ka geliya. Markaad ibud dhigtaan (Hebel Hebel) ama (hebel Hebel) Qabriga intuu ila galo, Qiblada ha ii jeediyo. Keddib intuu madaxayga kor uga qaado dhinacayga midig, ha yiraahdo: (Bismil-Laahi wa fii sabiilil-Laahi wacalaa Millati Rasuulil-Laah). Ibnu-Maajah (1550) ayaa Ibnu-Cumar (RC) ka weriyay. Markaad duugista igu dhamaysaan, Qabrigayga biyo ku rusheeya si carradu u degto. Keddib dadka janaasadayda isugu yimid hay duceeyaan oo Eebbe hay dembi-dhaaf weydiiyaan iyo in aan Sufaasha Qabriga sugnaan uga jawaabo.

Waa in aan wax qoraal ah qabrigayga la dul surin, ama dhagax laga dul taagin amaba dhir cagaaran lagu dul tallaalin, waxyaabahaas oo dhammaantood aan shareecada Islaamka raad ku lahayn. Waa in aan Qabrigayga taako in ka badan dhulka laga dul taagin. Waxaan ka codsanayaa dadka Janaasadayda soo raacay inay muddo saacad ah ila joogaan, si aan u wehesahdo, Malaafigta Rabbigay u jawaabisteeduna iigu fududaato. Qofkii meel ka degdegayaa waa fasax ee isagoo ay dhibayso yaanu idul joogin.

Waxaan ku dardaarmayaa in marka duugista laygu dhameeyo, lay duceeyo oo dembi-dhaaf Eebbe lay weydiiyo iyo inan sufaasha laygu dhibin layna naxariisto. Waxa taas loo daliishanayaa Xadiithka ah: (Rasuulka Alle (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) kolka uu meydka duugistiisa ka fara xasho, intuu qabriga dul istaago buu dhihi jiray: Dembi-dhaaf walaalkiin u weydiiya, una barya sugnaan, haddeer ayaa la sufaalayaaye). Abuu-Daafuud (3221) ayaa Cusmaan ibnu Caffaan (RC) ka weriyay.

Waxaan ku dardaarmayaa in isla marka duugistayda laga fara-xasho, deynta laygu leeyahay la gudo (haddii deyn laygu leeyahay), yaananna la fududaysan arrinta gudista deyntayda, maxaa yeelay Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxaa laga weriyay: (Qofka Mufminka ah naftiisu waxay u xirantahay deynta lagu leeyahay ilaa laga gudo). Tirmidi (1079) ayaa Abuu-Hurayrah (RC) ka weriyay.

Waxaan ku dardaarmayaa in aan tacsidayda la keenin wadaaddo Qurfaan akhriya ama subciya sida caamada Soomaalida caadada u ah, dadka tacsida u imaanayana xoola aan loo qalin raashinna aan loo karin, maxaa yeelay waxaas oo dhami waa baadil. Ehelkayga in loo tacsiyeeyaa muddo saddex beri ah ayay bannaan tahay, haddii sida shareecadu qabto ay u dhacdo oon waxyaabo diinta ku bannaanayn la samayn. Waxaan codsanayaa in la keeno Sheikh dadka goobta isugu yimid diinta fahamsiiya, ehelkaygana inay sabraan ku boorriya, ku sabarka geeridaydana inay Eebbe agtiisa ajar uga helayaan fahamsiiya, xusuusiyana inay dunidani bafayso oo aanay baaqi ahaanayn. Sidaas buu markaas fadhiga tacsidu isugu beddelaa goob Eebbe lagu xuso, ajar iyo xasanaadna laga aruursado.

Waxaan ku dardaarmayaa in maalkayga si shareecada waafaqsan loo qaybiyo, waana in marka hore waxyaabaha hoos ku qoran laga bixiyo:

-          Deymaha aan qabo (-----------).

-          Nadarrada aan galay (----------).

-          Sadaqo (----------).Sadaqasu waa in aanay maalkayga saddexmeelood meel ka badnaan, qof dhaxalkayga wax ku lehna aan qayb laga siin.

-          Kutubtayda waxa la siinayaa Masjidka (Hebel) ama Masjidka (Hebel).

Dardaarankaan waxaan ogaysiiyay una sheegay Sheekh (Hebel Hebel) iyo Sheekh (Hebel Hebel) iyo Imaamka Masjidka aan ku tukado.

Waxaan idin ogaysiinayaa, marqaatina idiinka dhigayaa in aan cafiyay qof kasta oo wax iga sheegay, waxanan codsanayaa in qof kasta oo igaranayaa icafiyo, qofkii aan dhib u geystayna iga cafiyo.

Ehelkayga iyo ubadkayga waxan kula dardaarmayaa inay Salaadda toosiyaan, dadkana dabeecad wanaagsan kula dhaqmaan. Waxa kaloon kula dardaarmayaa inay sabraan oo wixii Eebbe u qoray ay ku qancaan. Eebbe Qurfaankiisa wuxu ku yiri: (Kuwa hadday musiibo ku dhacdo yiraahda: Inna lil-laahi wa innaa ileyhi raajicuun (Eebbe ayaa ina leh isagaanan u noqonaynaa). Kuwaas nabadgelyo iyo naxariis xag Alle ka timid ayaa ku dhacday, kuwaasina waa kuwa hanuunay) (Al-Baqarah: 156). Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) isna wuxuu dadka faray: (Qofkiin hadday musiibo ku dhacdo ha yiraahdo: Innaa lil-Laahi wa innaa ileyhi raajicuun. Alloow musiibada igu dhacday agtaada ayaan ku xisaabsanayaaye ajar iga sii, mid ka khayr badanna iigu beddel). Abuu-Daafuud (3119) ayaa Umu-Salama (RC) ka weriyay. Waxaan idinkula dardaarmayaa haddaad arrin xukunkeeda ku kala aragti duwanaataan, inaad Kitaabka Qurfaanka iyo Sunnada Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ula noqotaan ood xalkeeda ka raadisaan.

Ciddii iga dambaysa waxaan kula dardaarmayaa inay Eebbe ka baqdo, adduunyaduna aanay damaaci been ah gelin, ducada iyo dembi-dhaaf ii weydiintana badiso, waxaanan Eebbe uga baryayaa inuu gondeheeda xaqa ku sugo, tubta toosanna ku hanuuniyo. Qofkii dardaarankaan fulintiisa fududaysta, ama wax ka beddela ama shareecadu wax ay qabto (halkaan ku xusan amaba aan ku xusnayn) hareer mara, amaba wax aanay shareecadu qabin ku dara, dembigiisa isagaa dusha u ridanaya. Eebbe wuxuu Qur'aankiisa ku yiri: (Qofkii dardaarankaas beddela markuu maqlay keddib, beddelistaas dembigeedu kuwa beddelaya ayuu dusha ka saaran yahay Eebbena waa kii maqlid badan wax walbana og) (Al-Baqarah: 181).

Kaasi wuxuu ahaa dardaarankaygii, waxaanan Eebbe beri uga noqonayaa  fal kasta iyo oraah kasta oo shareecada Eebbe khilaafsan.

Rabbigaa ayaa wax kastoo ay ku sheegayaan ka hufan, Rabbiga cisada leh, nabadgelya kuwii lasoo diray dushooda ha ahaato, mahad oo dhanna Rabbiga koonka ayaa iska leh.

Dardaarankaan waxaa la qoray taariikhda Miilaadigu markay ahayd „Ÿ „Ÿ/„Ÿ „Ÿ/20 „Ÿ „Ÿ una dhiganta taariikhda Hijrigu markay ahayd „Ÿ „Ÿ/„Ÿ „Ÿ/14„Ÿ „Ÿ.

 

DARDAARME

 

Magaca:                  ----------------------------------------------------

Cinwaanka:                        ----------------------------------------------------

Saxiixa:                   ----------------------------------------------------

 

MARKHAATIYAASHA

 

1-      --------------------------------------------------------------

2-      --------------------------------------------------------------

 

FIIRO GAAR AH: Dardaarankaan waxaa ku jira Aayado Qurfaan ah iyo Axaadiith Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) laga weriyay oo shariif ah, haddaba waxaan codsanayaa in meel u qalanta la dhigo oo la dhawro.

 


 

 
Sabriye Maollin Musse
Minnesota-United States