AXAADIITHTA AKHLAAQDA IYO AADAABTA ISLAAMKA

1- Cabdullaahi bin Camr binil-Caas (RC) wuxuu Rasuulka (SCW) ka weriyay inuu yiri: (Muslinku waa qofka muslimiintu ay ka nabad galaan carrabkiisa iyo gacantiisa, muhaajirkuna waa qofkii wixii uu Alle ka reebay ka hijrooday) (Bukhaari:10, Muslim:40).

Xadiithka micnihiisu waxa weeye calaamadaha qofka muslinka ah lagu gartaa waxa weeye in dadka muslimiinta ahi ay gacantiisa iyo carrabkiisa ka nabad galaan oo aanu afna ku dhibin addinna ku dhibin. Af ku dhibin waxa laga wadaa inuusan caayin oo xaman oo af-lagaadayn. Addin ku dhibin waxa loola jeedaa inuusan dilin ama dhaawicin ama xoolihiisa xaq darro uga qaadan. Haddaba qofkii islaannimadu ka dhab tahay waa inuu muslimiinta nabad geliyo.

Haajiristu waa laba nooc: Mid niyadda ah: Taasi waa in laga fogaado waxa ay naf iyo shaydaan kuugu yeerayaan, waxaas oo Alle cara gelinaya. Haajirista labaad waa mid muuqata, taas oo ah in aad cararto adiga oo in diintaada lagaa fidneeyo oo laguu diido inaad Alle si dhab ah u caabuddo ka baqaya. Wallaahu aclam. 

 

2- Cabdullaahi bin Camr binil-Caas (RC) waxaa laga weriyay: Nin baa Rasuulka (SCW) su'aalay: Islaannimo tee ugu kheyr badan?. Wuxuu yiri:(Raashinka quudi, qofka aad taqaan iyo ka aadan aqoonna salaan) (Bukhaari (12, 289, 6236), Muslim (39). 

Raashinka quudi waxa loola jeedaa sadaqada bixi oo wixii uu Alle ku siiyay wax ka bixi, muslinka tabarta daranna gacan qabo oo u gargaar. Qofka aad taqaan iyo ka aadan aqoonna  salaan.  Micnaha, salaantana haku koobin qofka aad taqaan ee qof kasta oo muslin ah ood la kulanto ama aqoon ama ha aqoon eh salaan. Markaas  salaantaadu waxay noqonaysaa mid Alle dartiis ah ood ajar ku doonayso.

Labadaas arrimood ee aynu soo sheegnay waxay kamid yihiin waxyaabaha muslimiinta isu soo jiida oo quluubtooda isjeclaysiiya, kelmaddoodana mideeya.

 

3- Macruur bin Suwayd (RC) waxaa laga weriyay inuu yiri: Waxan Rabada kula kulmay Abaa-Dar oo isna  xullad lebisan adeegihiisuna xullad lebbisan yahay, arrinkaas baan wax ka weydiiyay. Wuxuu yiri: Nin baan la caytamay markaas baan hooyadiis ku caayay, Nabiga (SCW) ayaa markaas igu yiri: (Abaa-Daroow ma hooyadiis baad ku cayday! Waxaad tahay qof ay jaahilnimo ku jirto. Waa walaalihiin idiin adeegaya Ilaah baana gacmihiinna hoos geliyay ee qofkii uu walaalkiis gacantiisa ku hoos jiraa waxa uu quudanayo wax ha uga quudiyo waxa uu xiranayana wax ha uga xiro, wax aanay karaynna haku kallifina, haddaad ku kalliftaanna u kaalmeeya) (Bukhaari: 30) (Muslim: 1661).

Xullad (Isku-joog):Lebbis ka kooban laba qaybood oo isku nooc ah oo qaybna dhanka hoose laga xirto midna qaybta sare ee jirka laga xirto.   

 

4- Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Rasuulka (SCW) ka weriyay : (Nin baa isagoo jid ku lugaynaya harraad ba’ani qabtay. Markaas ceel buu arkay oo intuu ku daadeyay ka cabay, dabeetana kasoo baxay. Haddiiba wuxuu arkay Eey carrabka laalaadinaya oo harraad dartiis dhooqo"ciid qoyan" cunaya. Ninkii wuxuu yiri: Allaylehe Eeygan harraadkii ihayay mid lamid baa haya, markaas intuu ceelkii ku daadegay oo khufkiisii biyo kasoo buuxiyay, afka kusoo qaaday oo“gidaarradii ceelka” soo koray ilaa uu Eeygii ka waraabiyay, Ilaah baa markaas ninkii u mahad-celiyay oo dembigiisii dhaafay).Waxay dheheen: Rasuul Alloow xayawaankana ma ajar baan ka helaynaa!. Wuxuu yiri:(Beer kasta oo qoyan ajar baa laga helayaa)(Bukhaari: 173, Muslim 2244).

Khuf: Kab maqaar “harag’ ka samaysan oo u xiran sida kooyaha oo kale.

Beer qoyan: Xayawaan kasta oo nool, maxaa yeelay xayawaanka dhintay beerkiisa iyo jirkiisu way qallalaan.

 

 

                                                                                     Bogga Hore