QOYSKA SUUBBANAHA

ABTIRSIIMADIISA

Suubbaneheenna Sallallaahu calayhi wasallam”magaciisu wuxuu ahaa Maxamed ibnu Cabdillaahi ibnu Cabdil Mudhalib (Cabdul Mudhalib waa Koofaar ama Naanays ee magaciisu wuxu ahaa Sheyba) ibnu Haashim (magaciisu wuxu ahaa Camr) ibnu Cabdi Manaaf (magaciisu wuxu ahaa Al-Mughiira) ibnuQusay (magaciisu wuxu ahaa Zayd) ibnu Kilaab ibnu Murra ibnu Kacab ibnu Lu'ay ibnu Ghaalib bin Fihir (Koofaartiisu waxay ahayd Quraysh, waana kan qabiilka Quraysh loogu magac daray) ibnu Maalik ibnu Nadar (magaciisu wuxu ahaa Qays) ibnu Kinaana ibnu Khuzayma ibnu Mudrika (magaciisu wuxu ahaa Caamir) ibnu Ilyaas ibnu Mudar ibnu Nizaar ibnu Macadda ibnu Cadnaan.

Abtirsiimada kor ku qoran ee Nabi Maxamed “Sallallaahu calayhi wasallam” inay sidaas tahay dadka cilmiga abtirsiimada ku xeel dheeri way isku raacsan yihiin. Hase yeeshee culimadaasi waxay isku khilaafeen abtirsiimada Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” marka laga billaabo Cadnaan ilaa laga gaarsiiyo Nabi Ismaaciil oo ah ina Nabi Ibraahim (CS). Cabdullaahi ibnu Cabbaas (RC) waxaa laga weriyay in Suubbanuhu “Sallallaahu calayhi wasallam” markii abtirsiimadiisa Cadnaan la gaarsiiyay uu yiri: "Halkaas iyada ah (Cadnaan) marka laga billaabo, abtiriyeyaashu been bay sheegeen".

Abtirsiimadaas Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” inta Cadnaan iyo Nabi Ismaaciil u dhaxaysa in shaki ku jiro waxaad ka garan kartaa siyaalaha kala duwan ee ay abtiriyeyaashu kutubta Siirada ugu qoreen. Si kastaba ha ahaatee, haddaynu soo qaadanno abtirsiimadii ay qoreen Ibnu Hishaam (As-Siira An-Nabawiyya) iyo Muxibbud-Diin Al-Dabari (Mukhtasar Siirat Sayyidil-Bashar), waxay ahayd sidatan: Cadnaan ibnu Ud ibnu Muqawam ibnu Naaxuur ibnu Tayrax ibnu Yacrub ibnu Yashjuba ibnu Naabit ibnu Ismaaciil ibnu Ibraahim (Khaliilur-Raxmaan). Waxaan shaki ku jirin in qoreyaasha Siiradu dhammaantood ay isku raacsan yihiin inay abtirsiimada Suubbanuhu “Sallallaahu calayhi wasallam” gasho Nabi Ismaaciil ina Nabi Ibraahim (CS).

Abtirsiimada Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” marka laga billaabo Nabi Ibraahim ilaa laga geliyo Nabi Aadan, shaki ma laha inuu khalad ku jiro. Qoreyaasha Siiradu iyagoo arrintaas qiranaya bay misana qoreen. Ibnu Hishaam iyo Al-Dabari haddaynu kasoo xiganno waxay qoreen sidatan: Ibraahim ibnu Taarax (magaciisu wuxuu ahaa Aazar) ibnu Naaxuur ibnu Saaruugh ibnu Raacuu ibnu Faalakh ibnu Caybara ibnu Shaalakh ibnu Arfakhshad ibnu Saam ibnu Nuux ibnu Lamki ibnu Matuushalakh ibnu Akhnuukh (waa Nabi Idriis sida la sheegay, waana ilmo Nabi Aadan Qofkii ugu horreeyay ee Nabinnimo la siiyay, Qalinna wax ku qoray)  ibnu Yardi ibnu Mahlayil ibnu Qaynan ibnu Yaanisha ibnu Shiith ibnu Aadam Calayhi Salaam.

Imaam Maalik in abtirsiimada Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” Nabi Aadan la gaarsiiyo wuu dhibsaday, maadaama aysan abtirsiimadaasi sugnayn oo aan la hubin. Cumar ibnul Khaddaab (RC) waxaa laga soo xigtay inuu yiri: Waxaan ku abtirsadaa Macadda ibnu Cadnaan mana garanayo cid uu yahay”.

Waxaa hubaal ah in nasabka Nabi Maxamed “Sallallaahu calayhi wasallam” ee kor ku qorani uu yahay nasabka ugu sharafta badan inta noole uu Alle abuuray. Muslim saxiixiisa wuxuu Waathila ibnul-Asqac (RC) uga weriyay inuu Suubbanuhu “Sallallaahu calayhi wasallam” yiri: "Alle Ibraahim ubadkiisii Ismaaciil ayuu ka doortay, ilma Ismaaciilna ilma Kinaana ayuu ka doortay, ilma Kinaanana Quraysh ayuu ka doortay, Qurayshna ilma Haashim ayuu ka doortay, ilma Haashimna aniga ayuu iga doortay”.

Imaam Axmed wuxuu Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” adeerkiis Cabbaas (RC) ka weriyay: Suubbanuhu “Sallallaahu calayhi wasallam” wuxuu yiri: "Yaan ahay?. Markaas bay (dadkii) dheheen: Waxaad tahay Rasuulkii Alle. Wuxuu yiri: Waxan ahay Muxammad ibnu Cabdillaahi ibnu Cabdil Mudhalib. Alle noolaha ayuu abuuray, wuxuuna iga mid dhigay kuwa ugu fiican. Markaas buu laba kooxood ka dhigay oo kooxdii ugu fiicnayd iga mid dhigay. Markaas buu Qabiilladii abuuray, Qabiilka ugu fiicanna iga mid dhigay. Markaas buu Qoysas u kala qaybiyay,  kuwii ugu Qoys fiicnaana iga dhaliyay. Haddaba anigaa idiinku Qoys fiican idiinkuna qofnimo fiican".


ABUULLANKIIS HAASHIM

Haashim waa Koofaar (Naanays) ee magaciisu waxa uu ahaa Camr ibnu Cabdi Manaaf. Walaalkiis ka weyn waxaa la oran jiray Cabdi Shamsi. Aabbihiis Cabdi Manaaf ibnu Qusay waxa uu Quraysh u qaabbilsanaa xagga waraabinta iyo sooridda Xujayda usoo xajisa Beytka (Guriga) Alle ee xurmada leh (Kacbada), halka uu walaalkiis Cabdi-Daar ibnu Qusay ka qaabilsanaa haynta furayaasha Kacbada iyo qaadista Calanka Quraysh kolka dagaal la qaadayo. Cabdi Manaaf dabadiis Haashim isagaa hawlihii waraabinta iyo sooridda Xujayda la wareegay, maadaama uu walaalkiis Cabdi Shamsi ahaa nin ganacsade socdaal badan, Makkana aan wax badan joogin. Waxa taas u dheerayd, inkastuu ganacsade ahaa haddana Cabdi Shamsi xoolo badan oo uu Xujayda ku sooro ma haysan. Sidaas darteed xilkii Xujay waraabinta iyo sooridda waxaa kala wareegay walaalkiis Haashim.

 Haashim xoolihiisa ka sokoow, kolka xilliga Xajka la gaaro ayuu Quraysh xoolo ka aruurin jiray, qof walbaana intii karaankiis ah ayuu bixin jiray, si uu ugu sooro dadka Xajka imaanaya ee aan waxba haysan ama ay Sahaydu ka go’do.

Quraysh baa waxa beri ku dhacday abaar xun, markaas ayay gaajo darani dhacday. Markaas Haashim intuu Shaam u safray ayuu Bur iyo Muufo la yiraahdo Kackac oo Bur laga sameeyay, ka soo iibiyay. Makka ayuu Burkii iyo Muufadii keenay. Dabadeed intu Geel qalay, Muufadiina jarjaray oo Maraqii ku daray ayuu dadkii siiyay ilaa ay ka dhergeen. Markaas baa lagu Koofaaray Haashim oo macneheedu yahay: "kii dadka cuntada u jejebiyay". Waxaa kaloo la oran jiray “Abul Badxaa” oo macneheedu yahay Aabbihii Banka Waadiyadu maraan ama Sayidkii Banka Waadiyadu maraan. Bankaasi waa Makka.

Xilliyada Jiilaalka ah iyo kuwa barwaaqada ahba gogoshiisa cuntadu way fidsanaan jirtay, waana halkay Soomaalidu ka tiraahdo: "Dabkiisu ma dami jirin". Wuxuu ahaa nin hodan ah oo maal badan leh, maalkana xaqiisa ka bixiya, qofka cabsidu hayso oo soo megan-gelana meel uu ku nabadgalo siiya.

Haashim wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay oo jideeya labada socdaal ee ay Qurayshi ka caado dhigatay; Socdaalka Jiilaalka iyo Socdaalka Xagaaga. Jiilaalka wuxuu ganacsi ugu safri jiray Yaman iyo Koofur, Xagaagana wuxuu ganacsi ugu safri jiray Shaam iyo Waqooyi. Labadaas safar Alle Subxaanahu watacaalaa wuxuu noogu sheegay Qur’aanka Kariimka ah, wuxuuna yiri:

{áöÅöíáóÇÝö ÞõÑóíúÔò 1 ÅöíáóÇÝöåöãú ÑöÍúáóÉó ÇáÔøöÊóÇÁ æóÇáÕøóíúÝö 2 ÝóáúíóÚúÈõÏõæÇ ÑóÈøó åóÐóÇ ÇáúÈóíúÊö 3 ÇáøóÐöí ÃóØúÚóãóåõã ãøöä ÌõæÚò æóÂãóäóåõã ãøöäú ÎóæúÝò} {ÓæÑÉ ÞÑíÔ: 1-4}.

(Quraysh uruurinteeda aawadeed. Iyaga isu uruurintooda Safarka Jiilaalka iyo Safarka Xagaaga. Ha caabbudeen Rabbiga Beydkaan. Rabbigii ka quudiyay Gaajo, kana aamin geliyay Cabsi) (Suurat Quraysh: 1-4).

Alle wuxuu leeyahay Quraysh uruurinteeda aawadeed. Uruurintaasi waa abaal sheegad la leeyahay mar haddaan u uruurinnay labada safar ee ay ka Jiilaalkana Yaman ganacsi ugu safrayaan ka Xagaagana Shaam ugu safrayaan, say dhar iyo dhuuni aan dhulkooda ool ugala yimaadaan. Abaalkaas aan u galnay aawadiis ha caabbudeen Rabbiga Beydkaan. Beydka waxa loola jeedaa Kacbada. Rabbigii labada safar ganacsigooda faa’iidada ay ka helayaan darteed gaajo uga quudiyay. Cabsina ka aamin geliyay oo Abraha iyo cid kasta oo Kacbada inay kusoo xagdugubto damacday gacmohoodii ka qabtay. Gaajada iyo Cabsidu waxa weeye labada arrimood oo meeshii laga helo aanay nololi ka suurtagelayn, meeshii ka badbaaddana lagu noolaan karo.

Haashim wuxuu Shaam u aaday ganacsi, markuu kasoo laabtayna Madiina ayuu ku guursaday Salma bintu Camr oo ka tirsanayd qabiilka reer Cadiy ibnil Najaar. Salma waxay ahayd haweenay sharaf leh, dadkeedana darajo sare ka joogta. Soo doonashadeeda waxay Shardi kaga dhigi jirtay inay reerkeeda dhex degganaato. Haashim baa markaas arkay, intuu la dhacayna, Aabbeheed ka doontay, isna sidii buu Shardi uga dhigay iyo weliba inaanay meel aan ehelkeeda dhexdiisa ahayn ku ummulin. Haashim shuruuddaas wuu oggolaaday. Sidaas baana Salma loogu dhisay, Inan-la-yaalna uu ku noqday. Muddo kaddib buu Makka u raray, ha yeeshee kolkay calool la cuslaatay (Uurka Cabdul Mudhalib) buu reerkeedii usoo fuuliyay, kolkuu iyada dejiyayna socdaalkiisii buu halkii kasii watay ilaa uu Ghaza oo ka tirsan Shaam (waqtigaan waa Magaalo ka tirsan Falastiin) ka gaaray, halkaasna kaga geeriyooday.

Haashim markuu dhintay, waxaa xilkii waraabinta iyo Xujay sooridda la wareegay walaalkiis Al-Mudhalib ibnu Cabdi Manaaf. Al-Mudhalib wuu ka yaraa Haashim iyo Cabdi Shamsi labadaba, hase yeeshee wuxuu ahaa nin sharaf iyo deeqsinimo ku caan baxay, Qurayshina waxay ku magacaabi jirtay Al-Fayd oo micneheedu yahay Dur-dur, deeqsinimo darteed baana loogu bixiyay.

AWOOWIHIIS CABDUL MUDHALIB

Salma waxay Cabdul Mudhalib dhashay sanadkii 497kii Ciise dabadiis (C.D.) ama Miilaadiga hadba sida loo yaqaan, waxayna u bixisay Sheyba (Cirroole), maxaa yeelay wuxuu dhashay madaxiisa oo ay cirro ku taal. Waxay kusoo korisay gurigii aabbeheed oo ku yaallay Yathrib (Madiina). Qof qoyskii aabbihiis ee Makka joogay kamid ah oo ka warqabay ma jirin jiritaanka Cabdul Mudhalib.

Kolkuu Cabdul Mudhalib 7 jir ama 8 jir noqday, ayuu Al-Mudhalib ibnu Cabdi Manaaf wuxuu maqlay in wiil uu walaalkiis Haashim dhalay ku noolyahay Yathrib. Markaas buu aaday si uu usoo kaxaysto. Kolkuu arkay bay illini indhihiisa kasoo yaacday, markaas buu intuu ku booday dhunkaday. Wuxuu damcay inuu kaxaysto, ha yeeshee Cabdul Mudhalib wuu ka diiday inay hooyadiis u oggolaato mooyee.

Salma way diidday inay wiilkeeda u dirto meel aanay ka gaari karin oo aanay ka arkayn maadaama ay aad u jeclayd. Hase yeeshee markuu Al-Mudhalib ku ilxaaxiyay una sheegay inuu u kaxaynayo Xaramkii Allihiis iyo boqortooyadii aabbihiis bay u oggolaatay.

Makka ayuu lasoo galay isagoo Ratiga gadaal kala saaran. Dadkii baa markaas yiri: "Waa Addoonkii Mudhalib = Cabdul Mudhalib". Al-Mudhalib wuxuu dadkii ku yiri: "War hoogeyaal, walaalkay Haashim wiilkiisii weeye aan Madiina ka keenay". Ha yeeshee kama aanay daayin jeer uu magacii qabatimay oo isaga uun loogu yeeray.

Cabdul Mudhalib wuxuu la noolaa adeerkiis Al-Mudhalib ilaa uu ka barbaarayay. Al-Mudhalib wuxuu ku dhintay Yaman, waxana taladii tolkiisa kaddibkiis qabtay Cabdul Mudhalib oo dadkii ku hoggaamiyay tubtii aabbayaashiis.

Al-Mudhalib markuu dhintay ayuu walaalkiis Nawfal ibnu Cabdi Manaaf ku booday maamulkii, kana xoogay Cabdul Mudhalib. Cabdul Mudhalib wuxuu markaas gargaar waydiistay rag Quraysh ka tirsanaa, ha yeeshee waxay yiraahdeen: "Adiga iyo adeerkaa idin dhex geli mayno". Markuu xaal halkaas marayo cid u gargaartana uu Quraysh ka waayey, ayuu tix gabay ah u diray abtiyaashiis ilmo Najaar uu kaalmo ku weydiisanayo. Abtigiis Abuu Sacad ibnu Cadiy oo siddeetan nin oo gaadiidley ah hor kacaya ayaa usoo gurmaday. Wuxuu soo aaday xaggii Makka, wuxuuna degay meesha la yiraahdo Al-Abdax oo Makka ka tirsan.

Cabdul Mudhalib baa markaas halkaas Abtigiis ugu tegay, kuna yiri: "Abtiyoow guriga kaalay". Abuu Sacad wuxuu yiri: "Ilaah baan ku dhaartaye maya, ilaa aan Nawfal kala kulmo". Nawfal oo Kacbada la fadhiya odayaashii Quraysh buu Abuu Sacad ugu galay. Intuu seeftiisii galka kala baxay buu ku yiri: "Rabbiga Beytka waxaan ugu dhaartay haddaadan walaashay wiilkeeda maamulkiisii u celin inaan seeftaan madaxa kaaga garaacayo". Nawfal wuxuu yiri: "Waan u celinayaa", wuxuuna markhaati uga dhigay odayaashii Quraysh ee meesha fadhiyay. Intaas kaddib, Abuu Sacad wuxuu ku degay gurigii Cabdul Mudhalib, wuxuuna la joogay muddo saddex beri ah, dabadeedna intuu Cumraystay buu Madiina ku laabtay.

 Dhacdadaas kaddib, Nawfal intuu carooday buu xulafo la noqday reer banii Cabdi Shamsi ibnu Cabdi Manaaf, iyagoo labaduba kasoo wada horjeeda oo isku xulafaystay reer banii Haashim. Qabiilka la yiraahdo Khuzaaca ayaa markay gurmadka banii Najaar ay Cabdul Mudhalib u fidiyeen arkeen bay iyaguna yiraahdeen: "Annaguba sidaad u dhasheen baan u dhalnay, annagaana u gargaaristiisa idiinka xaq leh". Waxay sidaas u yiraahdeen, Cabdi Manaaf hooyadiis ayaa reer Khuzaaca ahayd. Waxay markaas galeen gurigii garta Quraysh lagu goyn jiray, loona yaqiin Daaril Nadwa, waxayna banii Haashim u xulafaysteen siday uga wada hortegi lahaayeen Nawfal iyo banii Cabdi Shamsi. Isxulafaysigaasi waa kii sabab u noqday furashadii Makka oo aan dib kaga hadli doonno, haddii Alle idmo.

Quraysh aad bay u qiimayn jirtay Cabdul Mudhalib, hadday dhibaato la soo gudboonaatana isaga ayay ula tegi jireen, oo wuxuu ahaa Sayidka ugu sharaf iyo sumcad badan qoomkiisa. Sharafta uu Cabdul Mudhalib tolkiis ku dhex yeeshay waxa uu ka gaaray heer aanay aabbeyaashiis hore uga gaarin. Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Godka Xiraa' ku cibaadaysta: (Waa godkii uu Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” Malakul Jibriil ugu yimid oo uu Nabinnimada ugu keenay, markay taariikhdu ahayd: Maalin Isniin ah, bishii Soon-qaad 17keedii, sanadkii 41aad marka laga soo tiriyo sanadkii Maroodiga, kuna beegnayd 6dii Agoosto, sanadkii 610kii (C.D.), asagoo ay da'diisu markaas ahayd afartan sano oo sanadka Dayaxa lagu xisaabiyo ah iyo lix bilood iyo siddeed maalmood).

Cabdul Mudhalib, markay bisha Soon-qaad soo gasho wuxuu geli jiray godkaas Xiraa' oo ku yaallay buuraha Makka, masaakiintana cunto ayuu siin jiray. Cabdul Mudhalib wuxuu noolaa 120 sano amaba ka badan. Wuxuu ubadkiisa fari jiray inay ka fogaadaan dulmiga iyo isla weynida, wuxuuna ku guubaabin jiray dhaqanka iyo akhlaaqda suubban iyo inay ka fogaadaan waxyaabaha xunxun oo dhan.

Cabdul Mudhalib koofaartiisu waxay ahayd Abal Xaarith “Xaarith Aabbihiis”. Xaarith wuxuu ahaa ka ugu weyn wiilashiisa. Waxaa la sheegay in Cabdul Mudhalib madaxiisu uu cirro la caddaaday, wuxuuna ahaa baa la yiri qofkii ugu horeeyay ee timihiisa cirrada la caddaaday madoobaysta.

Cabdul Mudhalib isagoo Xijri Ismaaciil oo Kacada ku dheggan hurda, ayuu afar habeen oo isku xigta hurdadii Haatuf ugu imaanayey, amrayeyna inuu ceelka Zamzamka qodo, wuuna u tilmaamay barta uu ku yaal oo wuxuu ku yiri: Waa Buulka Quraanyada (Quraanshada) agtiisa, halka uu Tukaha dhogorta cadi berrito qodi doono. Subixii buu jarmaaday asagoo Gerweyn sita, uuna garab socdo halkii wiil ee uu markaas wiilal ka lahaa Xaarith. Wuxuu helay Buulkii Quraanyada, wuxuuna arkay Tuke Buulka agtiisa qodaya, meel u dhaxaysay labadii Sanam ee la kala oran jiray Isaaf iyo Naa’ila. Waa labadii Sanam ee ay Qurayshi xoolaha Alla-bariga ah ku ag birayn jireen.

Cabdul Mudhalib wuxuu billaabay bartii la amray inuu qodo. Odayaashii Quraysh markay arkeen halka uu qodayo, bay ku dheheen: Ilaah baan ku dhaarannaye kaaga tegi mayno inaad labadeenna Sanam ee aynu xoolaha ku qalanno dhexdooda qoddo”. Cabdul Mudhalib wuxuu markaas wiilkiisii A-Xaarith ku yiri: “Iga mashquuli intaan ka qodayo, Ilaah baan ku dhaartaye wixii la’i amray waan ku soconayaaye”. Nin la oran jiray Cadiy ibnu Nawfal ibnu Cabdi Manaaf baa markaas ku yiri: "Cabdul Mudhaliboow, ma waxaad doonaysaa inaad wax na dheeraato, adigoo gablana oo aan wiilal lahayn?". Markaas buu Cabdul Mudhalib ku yiri: "Ma wiilal yari baad igu caayaysaa?. Ilaah baan ku dhaartaye, hadduu Alle toban wiil i siiyo, mid baan Kacbada agteeda ugu gawracayaa".

Qurayshi kolkay arkeen inay arrintu qaraar tahay oo aanu qodista dhaafayn bay hortiisa ka wareegeen iskana daayeen.

Waxyar markuu qodayba dhagxaantii Ceelku ku dhisnaa ayaa u muuqatay. Markaas buu yiri: "Allaahu Akbar", sidaas bayna Qurayshi ku ogaatay inuu Haatufku run u sheegay. Kolkuu sii qoday wuxuu ku arkay laba Deero oo Dahab ka samaysan oo sida la sheegay uu ku duugay qabiilkii Jurhum la oran jiray markuu Makka ka baxayay. Waxa kale oo uu halkaas ka helay Seefo iyo Cambuur bireedyo ku duugan.

Qurayshi markay arkeen Ceelkii Zamzamka ayay ku dheheen: "Waa Ceelkii Aabbeheen Ismaaciil, xaq baanan ku leennahay ee aan kula wadaagno". Markaas buu ku yiri: "Waxba idinka siin maayo oo anigaa si gaar ah la'ii siiyay". Waxay dheheen: “Caddaalad wax noogu qaybi kolleey kol aan kula dagaalnaba kaaga tegi maynee”. Wuxuu yiri: “Ciddaad doontaan doorta aan isula dacwoonno eh”. Waxay dheheen: “Waxsheegtii reer Sacad”. Waxsheegtaasi waxay joogtay duleedka Shaam, halkii baana laga baxay oo Waxsheegtii la aaday. Qabiilladii Quraysh oo dhan Qabiil waliba dad buu dirsaday.

Kolkii meel Saxare ah oo u dhaxaysa Xijaaz iyo Shaam la marayo bay Cabdul Mudhalib iyo dadkii la socday biyihii ka go’een. Markay geeri afka u saaran yihiin, ayuu Cabdul Mudhalib wuxuu soo jeediyay ra'yi ah in hadda intay dadka tabari ku jirto qof waliba uu Qabrigiisa qoto. Markaas markuu nin dhintaba inta kale Qabrigiisa ha ku duugaan markaasna wixii soo haraa hal nin ha noqdeen, hal nin inuu duug la'aan dhinto ayaana dhaanta intaynu hal mar wada dhiman lahayn wax na duugana la waayi lahaa. Waxay dheheen: "Ra'yi wanaagsan baad keentay", sidaas buuna nin waliba Qabrigii lagu duugi lahaa ku qotay.

Halkii bay farfariisteen iyagoo harraad dartiis geeri sugaya. Cabdul Mudhalib baa mar kale hadloo wuxuu yiri: "Ilaah baan ku dhaartaye in aan fadhi geeri ku sugno waxa dhaanta annagoo dhulkaas Ilaahay iska dhex soconna, waa intaas oo Alle meel uun Biyo nooga sahlee". Kolkii ay gaadiidkoodii rarteen buu Cabdul Mudhalib Ratigiisii koray raggiina hor kacay.  Ratigiisii markuu dhaqaaqayay buu Cagta Dhulka ku dhiftay bartiina il Biya macaan ah baa ka baqday. Dadkii iyo Duunyadiiba way ka cabeen, weelashii ay wateenna ka buuxsadeen. Qabiilladii daafyaha degganaa baa iyaguna ka darduurtay. Qurayshi markay arrinkaas arkeen bay dheheen: “Ilaah baan ku dhaarannaye waa nalaga kaa gar siiyay Cabdul Mudhaliboow, kii dhulkaan Saxaraha ah biyahaan kaa siiyay ayaana Zamzamkana ku siiyay ee waraabintaadii u laabo”.

Halkii baa laga soo laabtay iyadoon Waxsheegtiiba la gaarin, sidaas baana Cabdul Mudhalib iyo Zamzamkiisa faraha la’isaga qaaday. Deeradii Dahabka ahayd iyo Seefihiiba Kacbada ayuu ugu deeqay.

AABBIHIIS CABDULLAAHI

Cabdullaahi ibnu Cabdil Mudhalib, hooyadiis waxaa la oran jiray Faadumo bintu Camr ibnu Caa’id ibnu Cumraan ibnu Makhzuum ibnu Yaqadha ibnu Murra. Cabdullaahi wuxuu ahaa inanka ugu wanaagsan carruurta Cabdul Mudhalib, uguna baarrisan, uuna ugu jeclaa, waana Walqalkii labaad (Walqalkii koowaad wuxuu ahaa awoowihiisii hore Nabi Ismaaciil). Cabdullaahi waa Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” aabbihiis, wuxuuna dhashay qiyaastii markuu sanadku ahaa 545 (C.D.). Muxibbud-Diin Al-Dabari wuxu yiri: “Wiilasha Cabdul Mudhalib Cabdullaahi uguma aanu yarayn siday Culimada qaar qoreen, ha yeeshee waxaa ka yaraa Xamza iyo Cabbaas”. Cabdullaahi wuxuu kamid ahaa ragga Quraysh ugu qurux badan.

Cabdul Mudhalib wiilashiisii uu dhalay markay toban gaareen, uuna ogaaday inay wixii xumaan la doonaya ka celin karayaan, ayuu wuxuu wiilashii u sheegay Nadarkii uu galay oo ahaa inuu tobanka wiil mid kamid ah Alle Kacbada agteeda ugu qalo, iyaguna way oggolaadaan inuu Nadarkaas fuliyo. Waxay ku yiraahdeen: "Maxaan samaynaa?". Wuxuu ku yiri: "Mid walba oo idinka mid ahi Qaddaax (Fallaar Qori ah oo lagu Qori tuuran jiray) ha soo qaato, magaciisana ha ku kor qoro". Sidii bay yeleen, markaas bay tobankii Qori ooy magacdoodu ku dhigan tahay u keeneen. Cabdul Mudhalib ooy tobankiisii wiil la socdaan mid walibana qorigiisii sito, wuxuu galay Kacbada gudeheeda, wuxuuna tegay meeshii uu yiillay Sanamkii la oran jiray Hubal oo Asnaamtooda ugu weynaa. Faaliyihii sanamkaas u adeegayay buu u sheegay Nadarkii uu galay, wuxuna weydiistay inuu wiilashiisa u Qori tuuro. Wiil kastaa Qorigii uu magaciisu ku dhignaa wuxuu u dhiibay ninkii faaliyaha ahaa.

Faaliyihii markuu Qori tuurkii u kacay, ayuu Cabdul Mudhalibna Alle bari u istaagay. Qori tuurku waxa weeye in qoryaha oo dhan weel lagu rido oo markaas inta la ruxo ama la walaaqo, hal Qori la soo dhufto. Qofka qoriga magaciisu ku dhigan yahay uu soo baxo ayaa noqonaya midka Nadarkii lagu fulinayo oo la gawracayo.

Tobankii walaalaha ahaa markii loo Qori tuuray, waxa soo baxay qorigii uu ku dhignaa magaca Cabdullaahi. Markaas buu Cabdul Mudhalib wiilkiisii Cabdullaahi intuu gacanta qabtay, Middidii uu ku qali lahaana qaatay, ula dhaqaaqay xaggii Isaaf iyo Naa’ila oo sidaan soo sheegnayba qurbaannada lagu ag qali jiray. Quraysh ayaa markaas intay naadiyadii ay fadhiyeen kasoo keceen, waxay yiraahdeen: "Maxaad doonaysaa inaad samaysid Cabdul Mudhaliboow?" Wuxuu yiri: "Inaan gawraco". Markaas bay Quraysh iyo wiilashiisii kale waxay ku yiraahdeen: "Wallaahi inaanad gawracayn jeer aad u cudur daartid (xal kale ka quusatid). Haddaad wiilkaaga gawracdid, wax ragga inay wiilashooda gawracaan ka celinaya ma jiri doono ee taasi ma xal baa!". Nin la oran jiray Al-Mughiira ibnu Cabdullaahi ibnu Camr Al-Makhzuumi oo Cabdullaahi Abtigiis ahaa baa Cabdul Mudhalib ku yiri: "Ilaah baan ku dhaartaye inaadan gawracayn jeer aad furashadiisa u fidyooto. Hadday furashadiisu noqoto inaynu maalkeenna ku furannana, waynu ku furanaynaa". Markaas bay Quraysh iyo wiilashiisii waxay ku yiraahdeen: "Ha gawricin ee bal horta u tag Naag Waxsheeg ah oo Xijaaz joogta, ayadana warayso. Hadday gawrac ku tiraahdo wiilka gawrac, hadday ku farto wax uu adiga iyo asagaba faraj idiinku jirana yeel".

Waxay markaas aadeen halkay Waxsheegtu joogtay, oo la yiri waxay ahayd magaalada Khaybar, oo waagaas magaalo yuhuudi deggan tahay ahayd. Markay waxsheegtii u tageen ayuu Cabdul Mudhalib uga warramay qisadii Nadarkiisa. Waxay ku tiri: "Maanta iga taga ee berri igu soo laabta, si markuu Jinniga aan xiriirka la leeyahay ii yimaado u waraysto". Markaas intay ka tageen bay subixii dambe usoo noqdeen. Waxay ku tiri: "Haa, warkii waa ii yimid, ee agtiinna diyada ninku waa imisa?". Waxay yiraahdeen: "Waa toban halaad oo Geel ah", sidaas bayna ahayd. Waxay ku tiri: "Dalkiinnii ku noqda, kaddibna 10 halaad iyo saaxibkiin (Cabdullaahi) u Qori tuura. Hadduu qorigu saaxiibkiin kusoo baxo, geela toban kale ku dara oo 20kaas geela ah iyo saaxiibkiin u Qori tuura. Mar kastoo qoriga saaxiibkiin magaciisu ku dhiganyahay uu soo baxo, geela toban ku dara, ilaa iyo inta Rabbigiin raalli ka noqonayo oo qorigu geela ku soo baxayo. Marka qorigii geelu ku qornaa soo baxo, geela oo idil gawraca, Rabbigiin tiradaas buu raalli ku yahay, saaxiibkiinna wuu badbaadaye".

Makka ayay ku noqdeen, markay tageenna waxay u Qori tuureen Cabdullaahi iyo toban geela ah. Qorigii wuxu kusoo baxay Cabdullaahi. Toban bay geelii ku dareen, 20kaas geela ah iyo Cabdullaahi bayna u Qori tuureen. Qorigii Cabdullaahi ayuu ku soo baxay. Toban kale ayaa geelii lagu daray, 30kaas halaad iyo Cabdullaahi baana loo Qori tuuray, ha yeeshee qorigii haddana Cabdullaahi buu ku soo baxay. Geelii toban kalaa lagu daray, 40kaas geela ah iyo Cabdullaahi ayaana loo Qori tuuray. Qorigii Cabdullaahi ayuu ku soo baxay.

Mar walba Qori tuurku Cabdullaahi ayuu kusoo baxayay, geelana toban baa lagu darayay ilaa tiradii geelu ay ka gaartay boqol halaad. Boqolkii halaad oo geela ahaa iyo Cabdullaahi markii loo Qori tuuray, qorigii geelii ayuu ku soo baxay. Dadkii goob joogga ahaa baa markaas yiri: "Cabdul Mudhaliboow, Rabbigaa raalli buu noqday". Cabdul Mudhalib wuxuu yiri: "Ilaah baan ku dhaartaye inaanan yeelayn jeer aan saddex goor u Qori tuuro". Markaas baa saddex goor loo Qori tuuray, saddexdii goorna waxa soo baxay qorigii geelu ku dhignaa. Geelii baa markaas la qalay, cuniddiisana dad iyo dugaag midna looma diidin.

Cabdullaahi wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay oo diyadiisu 100 halaad oo Geel ah noqoto, isaga kahorna diyada ninku waxay ahayd 10 halaad oo Geel ah.

Haddaanay Quraysh iyo wiilashiisu Cabdul Mudhalib kahor imaan lahayn Waxsheegtiina aan lala tashan lahayn, Cabdullaahi qurbaan ahaan baa loo gawrici lahaa, ayadoo la fulinayo Nadarkii uu Cabdul Mudhalib galay. Alle wuxuu doonay inu Cabdullaahi ilaaliyo inta Suubbaneheenna NabiMaxamed“Sallallaahu calayhi wasallam” uu kas  xayo.

Cabdul Mudhalib Geelii markuu qalay buu wiilkiisii Cabdullaahi intuu gacanta qabsaday, la dhaqaaqay. Kacbada agteeday waxay ku ag mareen gabar ka dhalatay reer banii Asad ibnu Cabdil Cuza ibnu Qusay.Gabadhii markay Cabdullaahi wajigiisa aragtay bay ku tiri: "Cabdullaahi, xaggeed u socotaa?". Wuxuu yiri: "Aabbahay baan la socdaa". Waxay ku tiri: "Haddaad i guursatid waxaan ku siinayaa tiro le'eg geelii furashadaada loo qalay". Wuu diiday bandhiggaas, wuxuuna yiri: "Waxaan la socdaa Aabbahay, kamana tegi karo".

ADEERRADIIS IYO EEDDOOYINKIIS

Carruurtii Cabdul Mudhalib, ahaydna adeerradii iyo eeddooyinkii Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” waxay ahaayeen lix iyo toban; toban wiil iyo lix gabdhood. Tobankaas wiil marka Cabdullaahi, Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” aabbihiis laga reebo, waxay kala ahaayeen:

1-        Xaarith. Adeerrada Suubbanahana “Sallallaahu calayhi wasallam” isagaa ugu da’ weynaa, sidaas baana Cabdul Mudhalib loogu naanaysay AbXaarith. Xaarith hooyadiis waxaa la oran jiray Samraa bintu Jundub, waxayna ahayd Reer banii Caamir ibnu Sacsaca. Cabdul Mudhalib markuu Ceelka Zamzamka qodayay asaguu wiil ka lahaa, wuuna la qoday. Xaarith wuxuu dhintay aabbihiis oo nool, waqtigii jaahiligii, carruurtiisii oo dhamina waxay kamid noqdeen Asxaabtii Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam”.

2-        Abuu-Dhaalib. Magaciisu wuxuu ahaa Cabdi Manaaf.

3-        Zubayr. Hooyadiis waxay ahayd Faadumo bintu Camr Al Makhzuumiya, waxayna isku hooyo ahaayeen Cabdullaahi, Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” aabbihiis, Abuu-Dhaalib iyo gabdhaha marka Safiya laga reebo).

4-        Cabbaas. Waa awoowaha khulafada Cabbaasiyiinta.

5-        Daraar. Cabbaas bay isku hooyo ahaayeen, hooyadoodna waxaa la oran jiray Nukayla  bintu Janaab Al-Camriya.

6-        Xamza. Waxaa kaddib loo bixiyay Libaaxii Alle iyo Libaaxii Rasuulkiisa, wuxuuna ku dhintay dagaalkii Uxud.

7-        Al-Muqawam.

8-        Al-Ghaydaaq. Al-Ghaydaaq waa naanays, magaciisuna wuxuu ahaa Xijil. Al-Ghaydaaq waxa loogu bixiyay xoolo badni iyo deeqsinimo uu qabay dartood. Al-Ghaydaaq, Al-Muqawam, Xamza iyo Safiya hooyadood waxaa la oran jiray Haala bintu Wuhayb.

9-        Abuu-Lahab. Magaciisu wuxuu ahaa Cabdul Cuza, hooyadiisna waxay ahayd Lubna Al-Khuzaaciya. Waxaa Abuu-Lahab (Olol) loogu bixiyay wejigiis a oo aad u qurxoonaa. Wuxuu kamid noqday dadkii ugu cadawsanaa Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam”.

Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” adeerradiis waxaa ka islaamay Xamza iyo Cabbaas (RC).

Gabdhaha Cabdul Mudhalib waxay ahaayeen lix, kalana ah:

1-Safiya. Eeddooyinkii Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” sida la isku raacay waxaa ka islaantay Safiya (RC). Safiya waa Zubayr ibnul Cawwaam (RC) hooyadiis, waxayna dhimatay sanadkii 20aad ee Hijrada, waqtigii khilaafadii Amiirul Mu'miniin Cumar ibnul Khadhaab, iyadoo 73 sano jir ah. Wiilkeeda Zubayr ibnul Cawwaam (RC) wuxuu ahaa Xawaarigii (Ilaaliyihii gaarka ahaa) Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” wuxuuna kamid ahaa tobankii uu Suubbanuhu “Sallallaahu calayhi wasallam” Jannada ugu bishaareeyay.

 2-Ummu Xakiim. Magaceedu wuxuu ahaa Al Baydaa'. Waxay dhashay Arwaa bintu Kariiz  ibnu Rabiica ibnu Xabiib ibnu Cabdi Shamsi ibnu Cabdi Manaaf. Arwaa waa Cismaan ibnu Caffaan (RC) hooyadiis.

3-Caatika. Waa islaantii riyada ku aragtay dhicitaankii dagaalkii Badar. Waa la’isku khilaafay inay islaantay iyo in kale.

4- Umayma. Waxaa qabay Jaxshi ibnu Ri’aab oo ay u dhashay Cabdullaahi ibnu Jaxshi, Abuu-Axmad ibnu Jaxshi, Zaynab bintu Jaxshi oo uu Suubbanuhu “Sallallaahu calayhi wasallam” guursaday, Xamna bintu Jaxshi (Xaaskii Muscab ibnu Cumayr) iyo Xabiiba bintu Jaxshi (Xaaskii Cabdiraxmaan ibnu Cawf). Umayma  inay islaantay iyo in kale waa la'isku khilaafay.

5-Arwaa. Waa la’isku khilaafay inay islaantay iyo in kale.

6-Barra. Waxaa guursaday Cabdul Asad Al-Makhzuumi, waxayna u dhashay Abuu-Salama. Kaddib waxaa guursaday Abuu Ruhum Al-Caamiri waxayna u dhashay Abuu-Sabra. Barra ma aanay islaamin.

 

                                                                                        Bogga Hore