JAALIYADDA REER MOQOKORI EE NORTH AMERICA OO SHIRTAY
Shir ay kasoo qaybgaleen jaaliyadda reer Moqokori ee North America kana dhacay khadka taleefanka ayaa la qabtay maalintii Axadda 19/10/2008.
Shirkaas oo socday muddo ka badan saddex saacadood, waxa lagu lafa-guray arrimo dhowr ah ooy ugu muhiimsan tahay arrinta dugsi hoose/dhexe oo dhowaan laga furay degaanka Moqokori.
Ugu horreynba waxa warbixin aad u dheer kasoo jeediyay shirka Sh. Aadan Xaaji Mocoow oo ah xiriiriyaha gudaha iyo dibadda ee jaaliyadda reer Moqokori. Sh. Aadan oo marti u ahaa shirka, lagana soo casuumay magaalada Oslo ee dalka Norway, wuxuu warbixin aan waxba reebin ka siiyay dadkii shirka ka qaybgalay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay hawsha furitaanka dugsiga Moqokori, qaabkii loo diyaariyay manhajka waxbarasho, qaabkii loosoo xulay macallimiinta, diiwaangelintii ardayda, billaabistii waxbarashada, gunnada macallimiinta iyo guud ahaan ilaa iyo iminka wixii qabsoomay iyo waxa dhiman iyo weliba heerka ay waxbarashadu maanta marayso.
Warbixintaas keddib, Sh. Aadan waxa su’aalo dhowr ah laga weydiiyay arrimo badan oo khuseeya reer Moqokori, isna jawaabo waafiya ayuu arrimahaas ka bixiyay.
Intaas keddib, waxa la gorfeeyay arrimo dhowr ah oo ku saabsan sidii loo dardar gelin lahaa gunnada macallimiinta oo gebi ahaanba ay bixiyaan jaaliyadda dibadda ee reer Moqokori.
Waxa la is tusay inay jirto baahi loo qabo dhowr macallin oo lagu kordhiyo macallimiinta hadda ka hawlgasha dugsiga Moqokori, maadaama aanay isu dhigmin tirada ardada dugsiga dhigata iyo macallimiinta ka hawlgasha.
Waxa xusid mudan in dugsiga Moqokori ay hadda dhigtaan ku dhowaad 200 arday, lana dhigto labada gelin, ayna ka hawlgalaan afar macallin iyo kaaliye macallin.
Waxa kale oo la istusay baahi loo qabo gidaar dugsiga lagu wareejiyo, ganjeello loo sameeyo iyo musqulaha loo dayactiro. Waxa xusid mudan in kharashka guud ee dayactirka dugsiga ku baxaya lagu qiyaasay toban kun ($10.000) oo doollarka Maraykanka ah.
Shirka waxa goobjoog ka ahaa (khadka taleefanka ku wada jiray) dadka magacyadoodu hoos ku qoranyihiin:
1- Cali-Mahad TAwaad Dhallin (Ohio) Guddoomiyaha jaaliyadda North Amerika
2- Nabaddoon Muuse Maxamed Raage (Minnesota)
3- Maxamed Axmed Barqadle (Xuuf) (Minnesota)
4- Maxamed Cali Xaashi (Minnesota)
5- Maxamed Axmed Abuukar Xoroow (Yariisoow) (Illinois)
6- Maxamed Abuukar Jimcaale (North Carolina)
7- Cali Caddoow Kuuloow (Dheere) (Canada)
8- C/Laahi Axmed Barqadle (Cadduun) (Minnesota)
9- Sacdiya Muuse Muxumad Cawaale (Tennesee)
10- Mako Sh. Mocoow Waasuge (Minnesota)
11- Sabriye Macallin Muuse (Minnesota)
12- Mukhtaar Muuse Maxamed (Minnesota)
13- Cilmi Xuseen Koofi (Washington State)
14- Xasan Cismaan Raage (Baajuun) (Colorado)
15- Xakiima Maxamed Gacaneey (Colorado)
16- Maxamed Xasan Cagoole (Arizona)
17- Cilmi Guure Waadi (Canada)
18- Sh. Aadan Xaaji Mocoow (Norway) Marti sharaf
19- Maxamed Cali Sharraawe (Sweden) Marti sharaf
Sabriye Macallin Muuse
Minnesota-USA
sabkaxaaji@hotmail.com